Xaaladda saxafi/samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo abwaan Cabdiwaaxid Cali Gama’diid ee xabsiga (WQ: Ismaaciil X. Ciise “Daacad”)

 

Hor iyo horraan mahad oo dhami waxay u sugnaatay Alla weyne koree oo hufnaaye, Ilaahoow adigaa mahad oo dhan horrayso iyo dambayso labadaba iska leh, Allow waxaan kaaga mahadcelinayaa dhammaan galladahaaga xad-dhaafka ee aad igu maashaysay iyo guulaha tirada badan ah ee aad igu galladdaysatay, goorwalba iyo goobwalbana aan ahay midka ku dhex barwaaqaysan ee badhaadhe iyo rayn rayn ugu dhex naaloonayo.Alloow waxaanka mahadcelinayaa galladda abbuurka iyo ahaysiinta, galladda bini-aadamnimada iyo dadnimada, galladda muslimnimada iyo iimaanka, galladda xoogga iyo dhallinyarannimada galladda caafimaadka iyo fayaqabka, galladda aqoonta iyo garashada.

Alloow waxaan kaaga mahadcelinayaa galladdahaaga aanan tiro iyo magac midna kusoo koobayn, galladaha intaan ogsoonahay ee ka warqabo ay ka badan yihiin inta aanan ogsoonayn ee warkoodaba hayn, galladaha inta aan xasuusan karo ee magacooda sheegi karo ay ka badan yihiin inta aanan xasuusanayn isla markaana magayadoodaba garanayn, galladaha tiradooda, waxtarkooda, iyo malkada ay iigu jiraanba aanan ahayn mid marna si dhab ah u garan kara ugana garaabi kara.

Saaka goor barqo ah ayaa aan ka baxay guriga aan ka degganahay magaalada Hargeysa aniga oo u jihaysan dhanka xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa oo aan xalay ba ku seexday in aan subaxa saaka ah ku booqdo labada nin oo halkaa mid ba ambo ku xidhnaa, waa laba qof oo mid walbaa sidiisa u ahaa shaqsi saamayn ku dhex lahaa guud ahaan bulshada soomaaliyeed gaar ahaanna bulshada reer soomaalilaan, waa labo qof oo aan mid walba gaar kiisa ugu ogsoonahay ragannimo, geesinnimo, dhiirranaan, ku dhac, badheedh hadal aanu la gabban waxa uu aamminsan yahay iyo tilmaamo gobeed oo tiro badan, tilmaamahaa oo u badan u dhaqdhaqaaqidda samaha iyo wanaagga iyo ka sarriigashada gunnimada iyo foolxumada.

War bixintaydan oo noqon doonta mid kooban idanka Alle waxa aan u qaybin doonaa dhawr kan qaybood ee soo socda;

  1. Xaaladda guud ee xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa iyo waxa iiga baxay muddadii koobnayd ee aan ku sugnaa saaka.
  2. Xaaladda guud ee labada maxbuus iyo waxa iiga muuqday qaddarkii koobnaa ee aan mid walba gaarkiisa ula joogay saaka.
  3. Soo jeedin guud oo ku aaddan guud ahaan bulshada soomaaliyeed gaar ahaanna bulshada reer soomaalilaan ee bartan ila joogta.
  4. Geba-gebada war bixinta iyo gunaanadkeeda.
  1. Xaaladda xabsiga

 

Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa oo ah goobta aan saaka booqday waxa ay ahayd guud ahaan goob deggan oo jawi degganaansho balaadhani ka muuqdo, xagga hore ee bannaanka xabsiga ilaa gudaha xabsiga waxa dhoobnaa dadweyne tiro badan oo u yimi booqashada maxaabiista halkaa ku jirta oo aalaaba maalinka isniinta ee maanta oo kale iyo maalinka khamiista loo soo booqdo si gaar ah. Askarta xabsi joogta ee ka hawl gelaysa ilaalo iyo adeegayaasha maxaabiistaba waxa ka muuqda dhawrsoonaan iyo edaab askari oo miiggan, askartan oo isugu jiray rag iyo haween labaduba waxa ay ahaayeen kuwo si fiican u garanaya shaqada ay halkan u joogaan isla markaana u hagar baxaya u adeegidda bulshada xabsiga soo booqanaysa iyo maxaabiista xabsiga ku jira labadaba.

Kolka aad xabsiga kadinkiisa hore soo istaagto ba waxa lagu geynayaa qolka baadhitaanka, halkaa oo lagugu weydiinayo weydiimo dhawr ah oo ku aaddan ujeedka aad u timi, waxa aad u siddo maxbuuska aad booqanayso, adigu waxa aad alaab sidato oo halkaa laguu dhigayo goorta aad soo noqotona farta lagaa saarayo, weydiimaha waxa ku jira weydiimo laga yaabo in dadka qaar ay la noqoto kuwo sida faduul ah loo weydiinayo ama ugu imanaya hase ahaatee marka aad sii dhuuxdo nuxurka weydiimahaa waxa aad arkaysaa in ay si dhow xidhiidh ula yeelanayaan booqashadaada, tusaale ahaan adigu qofka aad tahay, iyo waxa aad ka shaqayso haddii lagu weydiiyo waxa laga yaabaa in aad u aragto kuwo aan markaa ku khusayn laakiin waxa aad garwaaqsanaysaa in ay yihiin kuwo aad kuu khuseeya meelaha ay kaa khuseeyaanna ay fahamsan yihiin askarta weydiimahaa ku weydiinaysa. Haddii aad alaab siddo alaabta aad siddo waxa la marinayaa baadhitaan u gaar ah, haddii aanad wax alaab ah sidinna waxa baadhitaanka maraya keligaa, baadhitaanku waa mid si fiican loo hubinayo guud ahaan qofka booqdaha ee xabsiga gudihiisa geli doona, tiroba laba meelood oo kala dambeeya ayaa qofkiiba lagu baadhayaa, goobta hore ayaa uu qofku kaga tegayaa wixii uu alaab si gaar ah u wato, tusaale ahaan moobeelkaaga gacanta iyo alaabta kale ee aad wadato halkaa ayaad kaga tegeysaa, baadhitaanka kowaad iyo kan labaad ba waxa uu u qaybsan yahay laba qaybood oo kala ah qaybta ragga iyo midda haweenka, ragga waxa baadhaya askar rag ah, haweenkana waxa baadhaya askar haween ah, baadhitaanka kowaad kolka aad dhaafto inta kaadh tiro ama number leh laguu dhiibo ayaa albaabka askari ku dhaafinayaa, albaabka kolka aad dhaaftoba waxa aad la kulmaysaa jeer labaad baadhitaan kale oo midkii hore ka miiggan, baadhitaanadan kolka aad ka gudubto waxa laguu wareejinayaa hoolka booqashada oo ah hool qalabaysan oo kuraas lagu fadhiisto ay taallo.

Qaddar aan badnayn kolka aad fadhido waxa laguu keenayaa maxbuuskii oo askari wado, waad u soo istaagaysaa, waadna la hadlaysaa oo aad waraysanaysaa, waqti aan badnayn aanna yarayn oo aad si fiican xog ugu kala qaadan kartaan ayaad wada joogaysaan oo is xaal waraysanaysaan guud ahaan, si kalsooni leh ayuu maxbuusku xaalkiisa iyo dareenkiisa uga warramayaa, inkastoo askari idin la joogo ama aan idhaahdee idinku dhow yahay haddana waxa aad rabto ayaad weydiin kartaa isna sida uu jecel yahay ayuu kuugu warrami karaa oo ma jiraan wax cabsi, kalsooni darro iyo dhib kale midna ah oo ka muuqanaysa maxbuuska kolka uu u warramayo qofkan soo booqday.

  1. Xaaladda guud ee labada maxbuus
  1. Weriye/samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon, qaddar dhawr daqiiqo ah kolkii aan hool booqashada fadhiyey waxa la ii keenay saxafi/samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon iyada oo askari wado, waan u soo kacay salaamay oo aan la istaagay, xaalkiisa guud ayaa aan ka waraystay, nolosha xabsiga iyo waxa uu la joogo ayaan wax ka weydiiyey wuuna iiga warramay. Muuqaalkiisa guud waxa uu ahaa qof xabsi ku jira laakiin aan qabin dhibaato aan xorriyad la’aanta xabsiga ahayn, waxa uu ii sheegay inuu aad u fiican yahay oo aanu qabin haba yaraatee wax dhibaato ah, Cabdimaalik oo aannaan markii hore si toos ah isu aqoonnin maanta ayaannu xabsiga dhexdiisa si furan isugu soo barannay, ma jirin wax culays ah oo uu ka dareemay xagga xabsiga iyo askarta midna, si kalsooni badani ku jirto ayaa uu hadalkiisa iyo hawraartiisaba u cabbirayey mana jirin mana muuqan cid uu uga gabbanayo in uu yidhaahdo waxa uurkiisa ku jira walow uu xabsi dhex joogay, kolka kowaad waa geesinnimada Cabdimaalik Colddoon kolka labaadna waa xorriyadda ka muuqata xabsiga dhexdiisa oo qof waliba si caadi ah ayuu u hadlayaa.

Coldoon waxa uu ii sheegay aniguna aan ogaa inuu waajihi doono maxkamad dhowaan idanka Alle maadaama oo xeer ilaalilnta soomaalilaan ay eedaymo u soo jeedisay, waxa uu intaa iigu daray in uu naawilayo caddaalad inuu helo, haa inuu caddaalad helo ayuu naawilayey Cabdimaalik Coldoon waxa uu iiga mahadceliyey in aan soo booqday, waxa uuna i weydiistay in aan Alle u weydiiyo in uu caddaalad kala kulmo maxkamadda uu dhowaan ku waajihi doono gudaha soomaalilaan. Alle weyne Coldoon caddaalad ha kala kulmiyo maxkamadda uu dhowaan qaabili doono. Aammiin.

  1. Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gama’diid, qaddar kooban uun ka dib kolkii aan ka imi Cabdimaalik Muuse Coldoon waxa mar labaad halkii la iigu keenay abwaan Cabdiwaaxid Cali Gama’diid oo isna askari wado, Cabdiwaaxid oo aannu hore isu naqaannay aragtidii kowaad ba waxa aan arkay in ay wejigiisa ka muuqato farxadda caadiga ah iyo dhoollacayn, waan taagnaa, waan u soo dhaqaaqay, waanan salaamay, waan xaal waraystay oo aan xog waraystay intii caadiga ahayd, nolosha jeelka iyo waxa uu halkan la joogo labadaba waan ka waraystay, si fiican ayuu iigaga warramay guud ahaan xaalkiisa iyo noloshiisa xabsiga labadaba. Gama’diid oo ah nin aad u furfuran una sheeko iyo kaftan badan waxa uu ahaa isla sidiisii aan ku aqaannay oo ma jirin wax iska beddelay, qaddarkii aannu wada joognay iswaraysi, kaftan iyo qosol wadaag ayaannu u badnayn, Cabdiwaaxid Gama’diid waxa hore ugu dhacay xukun maxkamadeed oo ah midka uu immika jeelka ugu jiro, kaas oo ka dhashay gabay uu ka tiriyey dhacdo waddanka faransiiska ka dhacday. Gama’diid isla sidii Coldoon ayaa uu ahaa nin si fiican u hadlaya oo aan u mahad sheeganaya, jeelka ma jirin haba yaraatee wax aan xorriyad la’aanta ahayn oo uu dhib ka sheegtay, farxadda Gama’diid waxa kor u sii qaadayey muddadii xabsiga oo dhowaan kaga eeg idanka Alle, sida uu ii sheegay waxa xabsiga uga hadhsan muddo shan iyo soddon maalmood ah, intaa ka dib waxa uu qorshuhu yahay in uu Gama’diid xorriyaddiisa oo buuxda dib u helo muddo hal sano ka badan oo uu jeelka ku jiray ka dib. Gama’diid waa markii labaad ee uu soomaalilaan jeel ku galo gabay uu tiriyo ama ku maansoodo, isaga oo hadda kor na xabsi ku galay maamul goboleedka Buntilaan ee soomaaliya oo uu muddo toddoba bilood ah xabsigaa ku jiray. Abwaan Gama’diid waxa ka muunayey sida uu nolosha jeelka casharro iyo waaya-aragnimo nololeed oo balaadhan uga korodhsaday taas oo ahayd mid u kordhisay awoodda iyo kalsnoonida nololeed ee balaadhan wax badanna ka tustay nolosha dhabta ah ee xabsiga oo ah mid aanu sida caadiga garan karin qofka aan muddo intaa le’eg iyo wax ka badan xabsi ku jirini.
  1. Soo jeedin guud

 

Waxa ila qummanaaatay in aan soo jeedin kooban u soo gudbiyo walaalaha danaynaya arrinka xabsiga labadan maxbuus sida gaar ka ahna u xiisaynayaa in ay mar walba ogaadaan xabsigu inuu yahay mid ka mid ah tiir dhexaadka hannaanka dawladnimo ee dunida guud ahaan, dunida muslimka marka la joogo waxa la tilmaamaa inuu bilowgii dawladdii Islaamka la jirsaday xabsigu, waxa la soo weriyaa in Nebi N.N.K.H.A uu adeegsaday ugu yaraan hal mar inuu qof xidho, sidoo kale waxa Khaliifkii Nebiga N.N.K.H.A ku xigay ee Abuubakar Saddiiq uu isna adeegsaday xabsiga, hase ahaatee waxa hannaankiisii dawladnimo si buuxda ugu daray xabsina dhisay Khaliifkii labaad iyo hoggaamiyihii mu’miniinta ee Cumar binu Khaddaab Alle haka raalli noqdo isaga iyo Abuubakar ba.

Xabsigu marka uu sidaa yahay maaha meel maamulka iyo dawladdu ku aar gudato ama ku ciqaabto dadka ay isku dhacaan ama ay isfahmi waayaan balse waa meel dadka lagaga xidho dadka dhib lowga ah ee ummadda dhibka kula dhex jira si dhibtooda looga nabad galo. Sidaa oo ay tahay waxa nolosha bini-aadamka ka mid ah in xabsiga la geeyo qof dambiile ah iyo mid aan dembiile ahayn labadaba oo ay jeelka ku wada jiraan/jirikaraan dad dhibwadayaal ah iyo kuwo samafalayaal ah, waa mid dhacda, weligeedna soo dhici jirtay, siina dhici doonta inta dunida hannaan dawladeed ka jiro kana dhisan yahay. Sidaa awgeed waxa aan soo jeedinayaa in aan lala yaabin in qof aan denbiile ahayn la xidho, sidoo kale waxa aan soo jeedinayaa in aan marna la aqbalin lagana raalli noqon ama aan lagu farxin in qof aan denbiile ahayn la xidhay/xidho. Dadka xidhan ee aad ka xun tahay xadhiggooda ha u yeelin weji kale hana ka dhigin ku xumayn iyo ku ceebayn cidda xidhay balse waxa aad istaagtaa uun in aad dulmiga diiddan tahay adiga oo u maraya jidka ugu wanaagsan ee loo mari karo markaa, una adeegsanaya qaabka ugu habboon ee aad u waajihi karto kolkaa iyada ah.

  1. Geba-gebada.

 

Guntii iyo gunaanadkii, labadaa nin iyo dad kale oo aad u tiro badan ba waa ay xidhan yihiin, xabsiga ayaa ayna ku jiraan, dadkaa waxa ku jiraya/jira kuwo denbiilayaal ah iyo kuwo aan denbiilayaal ahayn balse u xidhan si gardarro ah, soomaalilaan qudhana maahee adduunka oo dhan ayaa ay ka jirtaa kana jiridoontaa dhibta noocan ahi. Waxa aynnu Alle u weydiinaynaa labadaa maxbuus ee saxafi/samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo abwaan Cabdiwaaxid Cali Gama’diid iyo dhammaan muslimiinta tirada badan ee xabsiyada ku jirta ee aan dhibta geysan balse dhibbanayaasha ah in uu xabsiyada ka soo saaro, xorriyaddoodana dib ugu soo celiyo qoysaskoodii, xigtadoodii, iyo jaalkoodiina nabad iyo caafimaad qab ku kulmiyo mar labaad. Aammiin, aammiin, aammiin.

Ismaaciil X. Ciise