Doorka saxaafadu ku leedahay wacyi galinta xanuunka HIV/AIDS (WQ: Somaliland Y-PEER)

 

Xanuunka HIV/AIDs-ku wuxuu sababaa dhimasho isagoo aad ugu fidaaya qaarada Afrika gaar ahaan waddamada ka hooseeya saxaraha, HIV-gu waa xanuun khatar ku ah qofka caafimaadkiisa waxaana inta badan lays kugu gudbiyaa galmada, qalabka lagu wada xiirto oo haddii qof qaba xanuunka HIV/AIDs loogu xiiro makiimad kadibna iyadoo dhiigleh haddana lala wadaago qof aan qabin xanuunka waxa suurto gal ah in uu qofkaasi u gudbo xanuunku, sidoo kale waxa laysugu gudbin karaa irbadaha laysku tallaalo.

Inta badan waxa la ogyahay in xanuunkani uu ku gudbo galmada xaaraanta ah, waxyaabaha aan laysugu gudbin karina waxa kamid ah in qof qaba xanuunka maryo lala isticmaalo, wax lala cuno iyo iyadoo lays waydaarsado salaanta ama gacan qaad.

Saxaafadu waa cod gaadhi kara meelo badan oo aanay bahda caafimaadka iyo ururada wacyi-gelinta ka shaqeeyaa aanay gaadhi karin, waayo waxa yara dadka ay fariimaha gaadhsiin karaan.

Sidaa daraadeed waxa muhiim ah in ay saxaafaddu ka qayb qaadato wacyi-gelinta HIV/AIDs-ka, kuna daraan barnaamijyadooda caafimaadka.

Qofka saxafiga ahi marka uu barnaamij caafimaad daadihinaayo waxa uu dadka wax ku fahansiin karaa isagoo usoo gudbiya xanuunada khatarta ku ah caafimaadkooda, sidey ku faafaan iyo waxyaabaha lagaga hortagi karo, taasi oo waxay kor u qaadi kartaa aqoonta iyo xogta dhagaystaha ama akhrista warbixinta ay baahiyaan warbaahintu ka bartaan.

Waxa xusid mudan in haatan ay jiraan dawooyin lagula tacaalo xanuunkan oo uu qof ku noolaan karo, balse haatan waxa uu xanuunku halis ku yahay qofka qarsada xanuunka, taasi oo ay fududayd in uu qaato dawooyinka lagu tacaalo.

Si kastoy ahaataba dadka qaba xanuunku waxay la kulmaan takooris badan iyo faquuq taasoo keentay in uu xanuunku ku fido si xawli badan, marka qofka qaba xanuunkan la takooro oo la fogeeyo wuxuu si arxan darro ah ula dhaqmaa bulshada, inta u firfircoon oo ah daโ€™yarta, mana haboona in qofka qaba xanuunka HIV/AIDska la takooro oo la fogeeyo waayo waxaynu kor ku xusney waxyaabaha aan lagu kala qaadin xanuunkan.

Warbaahintu waa macalinka bulshada, sidaas awgee waxa haboon in ay bulshada la wadaag barnaamijyo la xidhiidha wacyi-gelinta HIV/AIDs-ka iyo yaraynta takoorka dadka la nool xanuunka.

Maqaalkan waxa qoray ururka Somaliland Y-PEER