Hunguri iyo hagardaamo (WQ: Maxamed Cabdi Sooyaan)

Waxa insaanka ku beeran jamasho iyo rabitaan inuu helo wax walba oo uu arko inuu qof kale haysto gaar ahaan ashyaada caadiyan dadku haysto sida hanti guryeed ,hanti ganacsi iyo hanti uu qofku gacant a ku hayso sida lacag ama dahab taasuna maaha mid maanta bilaabmatay eed waa mid tan iyo wagii bani,aadamku jiray ba ahayd mid soo taxnayd oo ah damac iyo raadin siyaado qofku ha haysto ama haka maqanaatee.bani,adamka waxa inoo sheegay nebi muxamed oo wuxuu dhahay ina bani,adam haddii lasiiyo laba webi oo dahab afkiisa ma buuxiyaan waxaan ahayn ciidi.

Waxaa xusid mudan in maanta geyiga soomaaalida hunguri aawadii dad badan loo dilay kuwo badani isu naceen kuwo badan maalin walba loogu cago jugleeyo ,taas oo ay tahay rakaartayn in qofkaasi laga qaado hanti aan xxaq loogu lahayn ,noqotayna wax shaqo maanta laga dhigtay oo dad badani doonayaan inay qof islaam ah maalin uun iin yar ka qabtaan ,ama uu ka sameeyaan war aan sal iyo raad toona lahayn si uu magaca qofkaasi dhulka ujiido oo uu samcada uga dilo qof aan waxba ka galabsan.

Waxa waayadan danbe la arkayaa dhalinyaro meheradaha iyo websites ama baraha bulshada kaga sheekaynaysa madax iyo maamul dawli ah ama shakhsi ah .waxaa wax lala yaabo ah in iyadoo aduunka laga tegayo uuna yahay wax yaro oo ayaamo ah in maanta hunguriniyo gardaro cad daraadeed aad qof sharaftiisa meel uga dhacdo ,taasna wax faaiido ah oo ugu jirta ma jirto waayo waxa dhacaysa in hadaad qof ceeebihiisa raacraacdid adna alle kugu dabo jiro kuna fadeexayn doono adoo gurigaaga jooga xataa hoostiisa..

Waxa iga talo ah ina dadku ka waantoobaan beenta iyo hunguri jeclaysiga ,kana daayaa dhibka dadka islaamka ah oo aanay been abuur ka samayn qof islaam ahโ€ฆ.

W/Q: Maxamed Cabdi Sooyaan
Email: msoyan6@gmailcom