Jabhadaha Maraykanku taageero ayaa saldhig cusub ka qabsaday ISIS

 

Jabhadaha kuridiyiinta iyo carabta isugu jira ee Maraykanku taageero ayaa goobo cusub ka qabsaday kooxda ISIS, waxaana ka mid ah saldhig milatari oo labada dhinacba muhiim u ahaa oo la yidhaa Tabqa, wuxuuna 45 kiiloomitir galbeed ka xigaa magaalo-madaxda ISIS ee Suuriya, Raqqa.

Guushan ay jabhaduhu gaadheen waxa si weyn uga saaciday ciidamahda Maraykanka oo daad gureeyey jabhaddan kadibna baarashuud ku soo daadiyey meel ka dambaysa halkii ay ciidamada ISIS difaaca kaga jireen, taas oo suurogalisay in dhabar-jabin ay la kulmaan ISIS halkaana ay awoodoodu ku wiiqanto.

Kooxda ISIS ayaa baryihii ugu dambeeyey la kulmayey guul-darooyin is daba joog ah iyadoo lagala baxay magaalooyin muhiim ah oo ay hore u haysteen haatana uu dagaal kaga socdo labada magaalo ee ugu dambeeyey ee gacantooda ku jiray oo kala ah Moosil iyo Raqqa.

Bandhige@gmail.com