xaasleyda iyo maaganayaasha(WQ: Axmedkayse Farxaan Axmed)

1. Qof kasta waxaa uu leeyahay galdaloolo. Haddii aad u fiirfiisatid lamaanahaaga iintiisa, waligaa ogaan maysid wanaaggiisa.
2. Qof kastaa waxaa uu leeyahay tagto. Marka aad guursatid wakhti ha iskaga luminin tagtadiisii. Muhiimaddu waxay tahay inaad awoodda saartid joogta iyo timaadada lamaanahaaga
3. guur walba waxaa soo wajaha caqabado. Guurku ma aha beer ubaxyo ah. Jacaylka dhabta ahna waxaa uu soo ifbaxaa wakhtiga caqabaduhu jiraan. Markaad guursatid go’aan ku gaadh inaad lamaanahaaga lajirtid marxalad kasta oo adag oo idin soo wajahda.
4. Guur walba waxaa uu leeyahay waxyaabo gaar ah. Ha barbar dhigin noloshiina ta dadka kale. Waligeed iskumid noqon maayaan e. Si aad farxad ugu noolaataan, isudulqaata, isqadariya, isjeclaada, waad guulaysan doontaan e.
5. Marka aad guursanaysid waxay kadhigan tahay inaad dagaal diyaar u tahay. Waxaad la dagaalamaysaa cadowga guurka, waxaana kamid ah
ยท Cibaaddo la’aanta
ยท iscafin la’aanta
ยท saddexeeyaha
ยท khiyaamada
ยท iyo ixtiraam darida
Diyaar u ahoow dagaalkaas si aad guurkaaga ugu guuleysatid.
6. Majiro guur dhameystiran. Guurku waxaa uu inooga baahan yahay shaqo adag. Waa sida gaadhi u baahan shidaal iyo hagaajin joogto ah.
7. Guurku waa bakhtiyaanasiib. Ma ogaan kartid qofkan waxaad kala kulmi doontid mustaqbalka. Xaaladuhuna waa isbedbeddelaan ee ugu talogal. Waxaa laga yaaba in ninku ka tago shaqada ama gabadhu ayna hore u qaadin uur. Waxyaabahan oo dhan waxa ay inooga baahan yihiin duco joogto ah, haddii kale waxay keenayaan furniin.
8. Guurku waa heshiis lagu heshiinayo inta nolosha ka dhiman. Waxaa uu inooga baahan ka go’naanshiiyo adag. Jacaylku waa silsiladda isku haysa lamaanaha. Waliiga lamaanahaaga ha ka dalbanin furniin. Illaahay ma jecla kalatagga.
9. Guurku waa sida beerta oo kale. Wixii aad ka beerato ayaad hadhow ka goosanaysaa. Beero jacayl iyo ixtiraam.

Illaahay waxa aynu waydiisanaynaa in uu badhaadhe inooga dhigo nolosha guurka. Haddii aad ka heshay la wadaag cidda aad jeceshahay, waxaaba laga yaaba in ay anfacdo e.

Intan yari waa khibrad aan tijaabiyey oo aan ka gungaadhay.