Xadhiga iyo Xabsigu Xurmo Ma Leh (WQ: Mustafe Axmed M Geeddi-Xaas)

Xadhiga iyo xabsiga lagu hayo dhalinyarada Somaliland waan ka xumahay runtii, adiga oo aan qori sidan oo qalin sita xaqna u leh inaad arragtidaada cabirto oo ah xaq dastuuri ah in lagu cabudhiyaa sow qaddaf iyo gaf sharci maaha,l.dhalinyarada lagu handaddaayo xabsi iyo cabudhin aad ayaan runtii uga xummahay.

Intaa aad qalinkaaga sidato ee aad rabto qaran-kaaga wixii khaldamey inaad saxdaa sow maha sunnaha nolosha.

Somaliland cid ka jecel dhaliyarada ma jirto, dalkana mustaqabalkiisa iyagaa iska leh, xaqna u leh inay helaan xuquuqda waddanka ay ku leeyihiin. Waxaan ka codsanayaa xukuumada somaliland inay xorriyadoodda usoo celiso dhalinyarada ka buuxda xabsiyadda dalka, xukuumadduna ay dul u yeelato dhaliilaha iyo garnaqsiga ummada,

โ€ข Waxaan rabaa inaan caddeeyo horta yaa la dhalilaa ma Xukuumadda mise Dawladnimada.?.

Waxaa la dhaliilaa ma ah Dawladda Somaliland ee waxa aannu dhaliilnaa waxa xukuumadda uu shacabku doortay. Way noo kala xariiqan-yihiin xukuumadda iyo dawladnimadu.

Dawlad-nimadu waa nidaamka jiritaan ee somaliland cidii kasoo horjeesta in sharciga la mariyo cidi ma diidanna, waxayna ka dhigantahay qof yidhi:- somaliland ma jirto. Lkn xukumaddu waa ta xisbiga kulmiye ka dhalatay wayna tagaysaa lkn dawladnimadu ma tagayso mana suullayso, annaga ayaa dooranay annaga ayaan fartayda ku baddalayna.

Sow niyad jab wayn maaha waxa maanta dhacay ee ah xadhiga iyo xabsi gaynta , qof qalin-kiisa wax ku qoraya marka ay xukuumaddani u dul qaadan waydo, sow mujin mayso taag-darida xukuumadda iyo in aanay haysan cid difaaci karta dannaha iyo arragtida xukuumada, Sidee ayay isaga difaacaysaa kuwa qorriga haysta ee Dawladnimadii ka hor yimi.? Sow ma ahayn inay kuwa qaranimada dafiray ay xabsiga dhigto, madaxwaynaha waxaan usoo jeedinaynaa hadii aannu haysan xukuumad is difaaci karta inuu iska badalo niman-kan wasiiradda ah ee shacab-ku la yaaban-yihiin.

Inaad uruursato dad aan ummada qancin karayn waxay keenaysaa in laga niyada jabo xukuumadda.

Waxaan ka codsanaynaa cid kasta oo ku lug leh xadhiga iyo cabudhinta lagu wado dhalinyarada inay ka tanaasulaan. oo ay is difacaan hadii ay aanay is difaaci karina inay xilalka ummada u baneeyaan oo ay suuqa u shaqo tagaan oo ay bakhaaro furtaan.

Somaliland cid naga jeceli ma jirto, waxan hubaa inaanu dalka ka jecelahay kuwo baddan oo dalka ku jecel xilka ay hayaan oo kaliya.

Hadii aad aqbli waydaan dhaliilaha xukuumadda, oo aad diidaan fursada aanu ku saxayno wixii idiinka khaldamay sax iyo maan , markaad xilka ka degtaan waxaan idin dabo qaadi donaa dhaliilaha aad iminka aqbli waydeen, oo aannu bugaag ka qori donaa.

Madaxwayne albaabka fur, oo arragtida shacabiga dhagayso, hadii kale dadku wax uu raaci donaa mucaarida, waanu la aragti noqon donaa, hadii xukuumada aanu dooranay aqbli waydo toosinta

Facebook. Mustafe Axmed Geedi.
WhatsApp.0659555532

Alaah mahadleh.
W/Q.Mustafe Axmed M Geeddi-Xaas