Kadiyihii Guusha Rayidka Tuunis Q.3aad (WQ: Axmad Cali Kaahin)

in bulshadu hesho nasasho maskaxeed iyo wakhti goโ€™aan qaadasho mustaqbal oo wacan kaliya waxa qaabeeya aqoonta, oo isla jaanqaad siman ku abuura ummadaha u hilooba wax dhigashada suuban ee ka fog ta gumaysigee lagu harawsado dunida caqligooda la dulmiyay iyaguna is duleeyay in kamida.

Haddaba haddiiย halbeega lagu kala karto xaqa iyo baadilku yahay Nuurka Cilmigaย waxa jira oo dhinac yaal mugdiyaal la abuuray gurcudkana ka madaw oo hagoogan, haddoodilan ummadana hoda.ย Waana in tacliinta la qiimo dilo tayada iyo duxdana diabada looga saaroย lagana dhigo wax madadaalo caruurta xaafadaha lagaga mashquuliyo oo mustaqbalka disha.

Waxa jira gumaysiga Maskaxda ama Cagliga oo meelo fog laga hago, waana qorshe in wax liita oo foojari aqooneed ah lagu daldalo ardayda ilays raadiska qooneed, nal ku raadinaya, taasi oo damiinimo aanay u dhalan maskaxdooda lagu abuuro iyo gumaysi ama waxa dadkeenii hore u bixiyeen ee ah (far hunguri) wax kharibta ama kaliya wax afka la galiyo lagu raadsado sidii qoriga dabalaabka ah ee daydaygu bariiska ku dhacsan jireen.

Waxa jirta odhaah caana oo cida leh aanan hubin meelo badana lagu xardho, taasi oo tidhaahda.ย Burburinta Qaranย uma baahna in loo adeegsado Qumbul duriyo nukliyeera ama sawaariikhda tiirada dheer, balse waxa kaliya oo ay u baahantahayย in tayada waxbarashada la qiimo tiro, lana ogolaado qishka imxtixaanka ee ardayda.

Natiijadaย ay dhalaysaa waa in tan soo socota:

  • Bukaankuย wuxuu ku geeriyoon doonaa gacmahaย Dhakhaatiirtaaย dugsiyadaa ka soo baxay.
  • Dhismayaashuย way ku dumidoonaa gacmahaย Engineeradaa.
  • Lacagtuย waxay ku lumi doontaa gacmahaย Dhaqaalayahanadan iyo Xisaabiyaasaha.
  • Dadnimaduย waxy ku dhiman gacmahaย Waddaadadoodaย dugsiyadaa.
  • Caddaaladaย waxa lagu Xaddi gacmahaย Xaakimadaa.

โ€œBurburka waxbarashadu waa burburka qarankaโ€

Waddada guusah ummadi maaha wax muqdi ku jira oo sira, balse waa mid ka cad cadceeda oo cidkastaa si sahlan u garan karto, in garaadka lagu koriyo aqoon saafiya oo bisil, taasi oo ummadaasi dhaxalsiisa mustaqbal dambe oo ifaaya dugsina u noqda.

Xildhibaanย Galawย waxaan ka xifidiyay afkiisa markasta oo uu ka soo qayb galo xaflad arday shahaadad lagu gudoon siinayo, waxa uu odhan jiray eray caan ahaa oo madaxwayne Maraykani hal-hays u lahaa kaasi oo ahaa. (Study. Study. Study.) (Waxbarasho, Waxbarasho, Waxbarasho,) Eragaasi oo Maraykan ka dhigay Maraykanka hadda, xildhibaan kaasina wuu ku celcelin jiray muddo hore si aradayda reer Somaliland Cilmiga gawska ugu qabsadaan.

Haddalada Madaxwaynaha hadda ee Tuunisย Qays Siciidย waxa kamid ahaa in Sidii Shibir ku jirtay Qasaf oo lagu xidhay, Shimbirkii Jaanis helay in uu ka fakado qafaskaasi sida aanu shimbirkaasi ugu soo noqon doonin qafaskaasi, ayaa reer tuuniska qafaskii uga baxeen kuna soo noqon maayaan . Waxa xiga qaybta 4.aad idamka Alle Subxaanah.

Qalinkii Axmed Cali Kaahin.
Ahmedckahin@gmai.com