Xadhiga Maxamed Baashe Xasan iyo weerarka lagu hayo gobannimada Somaliland (WQ: Cabdillaahi Xasan “Plastaro”)

 

Somaliland cadaw ayaa ku soo duulay badi dadkeenu aanay dhaadaynin wali. Cadawgan maaha mid inaga midab duwan oo markiiba muuqiisa aynu ka sasno. Ciidaan xoog badan oo soohdimaheena markuu soo galayay aynu hambaabirnona ma wato. Xaqiiqatan cadawgan dibadba inagagamuu iman. Cadawgaas waa xukuumada talada innoo haysa iyo hay’adaha dawladdeena ee ka gaabiyay inay xakameeyaan xukuumada, sidii loogu talo galay.

Somaliland taariikhdeeda casriga ah gebi ahaan hadaad u fiirsatid waa mid halgan gobannimo doon ah. Qarnigii labaatanaad wuxuu inoo bishay inaga oo dagaal culus kula jirna guumaystihii Ingiriiska, il kalena si werwer ku jiro ugu hayna damacyadii dhul ballaadhsi ee Itoobiya. Wuxuu galbaday qarnigaas inaga oo dib u dhisayna dalkii inagaga burburay halgan kale oo aynu kaga hortagnay nidaam kaligii talis ah oo rabay inuu gumeeyo dadkeena. Labada halganba mujaahidiintiisa ayay lahaayeen; rag iyo haween u kacay waajibka wakhtiga oo umaduna iyo mahadhadu ku abaalmarisay baalasha dahabka ee taariikhda.

Dhawr iyo toban sano oo qarnigan aynu ku jirno, xukuumaddeeni ayaa bilawday inay isku daydo inay bahdisho dadkeena. Cagajuglayn, dardaarwerin, iyo xabsiyo lagu cabsiinayo qof kasta oo qaba aragti xukuumada talada haysaa aanay jeclaysan, iyada oo la garab maraayo sharci kasta oo dalka u yaalla, ayaa wax iska caadi ah noqday.

Cagajulayntan waxaa ugu danbaysay tallaabo laga badheedhay oo aad moodo in loogu talogalay dullaynta dhalinyarta dalka oo ah cududda shacabka. Waxaa  maalin ka mid ah maalmaha Soomaaliland xabsiga loo taxaabay mujaahid kamid ah mujaahidiinta waajibkooda ka gutay halgankii ugu danbeeyay. Lama yaraysan karo macnaha ay xambaarsantahay in maalintaas ku suntan ka dhiidhiyada cabudhinta dadweynaha, muwaadin loo xidho aragtidiisa darteed.

Weerarkan gabbashada lahayn waxaa dabcan ka horreeyay gaadmooyin badan. Sannadkii hore  28 saxafi ayaa dawladdu u xidhay gudashada shaqadooda awgeed. Muwaadin kale, Cabdiwaaxid Gamadiid, ayaa isna jeel ugu jira muddo sannad ah gabay uu tiriyay aawadeed. Dhawr cisho kahorna muwaadin kale ayaa isna markuu dalka kusoo laabtay la xidhay, sababtuna: wuxuu u dabbaaldagay guusha madaxwayne dal kale. Waxaa ugu danbaysay weeraradan dhacdada gurigeedi lagagala baxay saqdii dhexe hooyo la ogaaday inay damacsantay inay xisbiga talada haya ka baxdo.

La ina mir. La ina gaad. Ugu danbayna la inoo badheedh. Maxaa talaw inoo dhiman? In bandaw inta lasoo rogo, saddexda galabnimo la inna xareeyo?

Hubaal weeye inay gaadhayso in bandaw dadka lagu soo rogo, in ay gabaabsato xorriyada dadka loo ogolyahay, in ay sii dhiiranayaan maamuladu oo xishoodku kasii yaraanayo. Waa caadada nolosha, dulli markaad ogolaato in mid kasii daran lagula damco.

Iska Caabbin

Waxaynu joogna wakhtigii aynu iska dhicin lahayn hororka uu isu rogay maamulka talada xisbiga hayaa. Waajibka wakhtigeena weeyaan inaynu difaacno xorriyaadkeena, gobinnimada jiilashii inaga horreeyay ay sida hagar la’aanta ah’ ugu dirireen.Taas weeye halganka ay tahay inaynu ku dhiirannaa oo aynaan ka habran, ka gaabin, ka ilduufin, maxaa yeelay wax badan ayaa ku xidhan.

Haddayanu ilaashan wayno hab-nololeedkeena gobannimo, yaa inoo dhawraya?

Halgankan inoogama baahna dhiig daata, balse waxaan looga maarmaynin bulsho rayid ah oo awood leh, oo garanaysa xaqeeda, oo isku xidhan, midaysan, oo muqadas ay la tahay karaamada ilaahay siiyay insaanka.

Awood ka roon ma jirto garashada karaamada insaanka, iyo sunnaha iyo tabaha nidaamka keliteliska ah ee cabudhiska ku dhisan. Waa inaynu ku kacnaa mashruuc awoodsiin oo balaadhan oo aynu bulshada ku barayno milgaha gobannimada, iyo sida fudud ee lagu waayi karo haddan la feejignaan. Giddigeed bulshada, heegan waa inaynu gelinaa.

Awoodsiinta ku dhisan aqoon faafinta waa inay barbar socotaa iska caabin wajiyaal badan oo iyo dhalinyartu hormuud ka tahay. Waa in aynu badinaa ururada rayidka ah ee xuquuqda aadanaha u dooda. Xarunta Xuquuqul Insaanka ee garoonka ku kaliyaysatay, shaqo la bogaadiyo ayay haysaa, laakiin waa in la garab galaa. Dibadbaxyada nabdoon iyaguna waa qaab iskacaabineed oo dastuuri ah,  waa in aan la habran adeegsigooda marka loo baahdo.

Olalayaasha loogu hiilinayo dadka ay sida xaqdarada ah u soo waajahdo cabudhintu waa in iyana la xoojiya, oo sifo kasta oo sharci ah lagu barbar istaagaa, hadday difaac sharci noqoto, iyo hadday noqoto in baylahdooda laga warhayo. Hawlaha ka kala daadanaya ayaa dad badan waxay ku kallifaan inay u loogaan xuquuqdooda aasaasiga ah marar badan. Taasna waa guusha ugu wayn ee cadawga xorriyadu heli karo; in dadku bahdilmaan oo iyagu faafreeb isugu filnaadaan.

Taariikhdu waxay  inagu xusi doontaa sida aynu waajibkan ina horyaal u gudano. Hadaynu sidiisa uga soo baxno, facyaasha imanaya waxaynu uga tagaynaa gobannimo ay ku naalloodaan, oo ay umadaha caalamka kula tartamaan wax kusoo kordhinta ilbaxnimada aadanaha. Dad xor ah ayuuunbaa ilbixnimo leh.  Haddii kale waxay inaga dhaxlayaan jiil wax uu dhaxlo waxa ugu ayaan daran: waajib wakhtigiisi ka dib dhacay. Gunnimo gaamurtay oo xididaysatay oo daawadeeda meel fog laga doono ayay u iman, oo ay khasab ku noqonaysaa inay la tacaalaan.

Dabcan intaan jiilal kale la isla gaadhin, innaga ayay ina dhibasaysaa hafeefta xorriyada sii gudhaysaa. Miyaynu is dhiibi oo seetada ayaynu aqbali, mise waynu ka dhiidhiyi oo waynu iska caabin? Sidaynu go’aansanoba, innagaa khiyaarka iska leh, u aayi doona, mahadhaduna innagu xusaysaa.