Xalka Doorashada Wakiilada Q.2aad (WQ: Sacad Aareeye)

Qormadii 1aad waxaynu ku soo qaadanay hordhac kooban iyo xalka 1aad, aniga oo isku dayay inaan hab xisaab ah u dhigo hannaankii lagu galay doorashadii 2005tii. Haddii xalkii 1aad ee aynu qormadii hore ku sheegnay ahaa midkii lagu dhaqmay sannadkii 2005tii, hase yeeshee lagu heshiiyay inaan mar labaad lagu dhaqmin ee hannaan cusub la sameeyo, ka hor intaan la gaadhin doorashada dambe ( oo xilligaa ahayd 2010kii), qormadan waxaynu kaga hadli doonaa hannaan aan alifay oo ka soo dhex saaray shuruucda dalka. Waa noocee hannaankaasi? Aan dhugamo!

Xalka 2aad:

Xalkan 2aad iyo qormadan waxaynu  ku eegi doonaa in lagu salleeyo doorashada golaha wakiilada degmooyin. Tusaale ahaan gobol kasta in lagu qiimeeyo inta degmo ee uu ka kooban yahay. Marka la raaco XEERKA ISMAAMULKA GOBOLADA IYO DEGMOOYINKA (XEER LR. 23/2002) ee WAX-KA-BEDEL IYO KAABIS LAGU SAMEEYEY 2007dii, sidan ayuu u dhigay degmooyinka gobol kasta:

Gobol Tirada degmada Derejada Wadarta
Maroodi-jeex 1.      Hargeysa

2.      Gabiley

3.      Sallaxley

4.      Balli-gubadle

5.      Daara-salaam

6.      Sabawanaag

7.      Allay-baday

8.      Dacar-budhuq

9.      Faroweyne

10.  Cadaadley

 

 

A

A

C

C

D

D

D

D

D

D

 

 

 

 

10 degmo

Togdheer 1.      Burco

2.      Oodweyne

3.      Buuhoodle

4.      Duruqsi

5.      Sh. Xasan Geelle

6.      Qoryaalla

A

B

B

D

D

D

 

 

 

6 degmo

Sanaag 1.      Ceerigaabo

2.      Ceel Af-weyn

3.      Badhan

4.      Laasqoray

5.      Dhahar

6.      Gar-adag

7.      Maydh

8.      Dararweyne

9.      Fuqi-fuliye

10.  Xiis

A

B

B

C

C

C

D

D

D

D

 

 

 

10 degmo

Awdal 1.      Borama

2.      Saylac

3.      Baki

4.      Lughaya

5.      Dila

A

B

C

C

D

 

 

5 degmo

Sool 1.      Laascaanood

2.      Caynabo

3.      Taleex

4.      Xuddun

5.      Boocame

6.      Yagoori

A

C

C

C

D

D

 

 

 

6 degmo

Saaxil 1.      Berbera

2.      Sheikh

3.      Mandheera

4.      Bullaxaar

5.      Xagal

A

C

D

D

D

 

 

5 degmo

 

(Eeg Qodobka 6aad ee XEERKA ISMAAMULKA GOBOLADA IYO DEGMOOYINKA JSL (Xeer LR 23/2002)

Xeerka ayaan sidiisii uga soo qaatay oo waxba kamaan bedelin marka laga reebo inaan shaxan geliyay.

Haddii degmo kasta la yidhaa waxay  udhigantaa 2 mudane [ama kasoo baxaya] waa 84 mudane. 2 mudane ayaa ku dheeraad ah sida dastuurku qorayo ee ah 82ka mudane (Eeg qodobka 40aad ee Dastuurka Somaliland).

Marka la raaco habkan, gobol kastaa wuxuu helayaa sidan soo socota:

Gobol Tirada degmo Habka Cusub Korodh/Is-dhin
Maroodi-Jeex 10*2 20 mudane Sidii hore
Togdheer 6*2 12 mudane 3 ayaa ka go’ay
Sanaag 10*2 20 mudane 8 ayaa u kordhay
Awdal 5*2 10 mudane 3 ayaa ka go’ay
Sool 6*2 12 mudane Sidii hore
Saaxil 5*2 10 mudane Sidii hore

Isugeyn= 84 mudane

Calaamadda * ee aan ku isticmaalay joog-u-taxa labaad waa lagu dhuftay.

Habkan laba dhibaato ayuu leeyahay. Waa midda koowaad e’ waxa ku dheeraad ah 2 mudane intii uu dastuurku ogolaa (Eeg qodobka 40aad ee Dastuurka Somaliland).

Midda labaad, Awdal oo ka mid ah gobolada cabashadu ka imanayso wax baa ka go’ay, halka Sool intii hore ka helayso. Hasa yeeshee habkan Sanaag ayaa helaysa 8 mudane oo dheeraad ah. Waxay se weli dhibaato ka taagan tahay Awdal oo wax u kordha iska daaye, wax ka go’een!

Habkan waa la sii rog-rogi karaa oo waxa laga soo saari karaa qaab cusub oo lagu hawlgalo. Wakhtiga oo kooban ayaa se wax badan kallifaya in laga dul boodo ama aan la siin muhiimaddii uu mudnaa.

Maantiyo dantaadiyo,

Yaan miridhku kaa lumin,

Maalmaha dambeeyiyo

Waxa maqanna faalleee.

Maansada Mullaax, Ibraahim Sheekh Saleebaan (Ibraahim-Gadhle)

Tusaale ahaan habkan waxa la adeegsan karaa in lagu salleeyo derejada degmooyinka. Degmo kasta iyada oo laga duulayo derejadeeda ayaa lagu jaangoyn karaa tirada mudaneyaasha.

Halkan aynu uga gudubno xalka 3aad, iskusoo ururinta, talooyinka iyo guud ahaan sida ugu habboon ee loo abbaari karo iyo tix-raacayad aan adeegsaday.

La soco qaybta 3aad