Xalka sicir bararku waa…… Q1aad (WQ: Cabdi Caawiye)

 

Markaan in badan oo todobaado ah aan dhex mushaaxay suuqyada fiidkii anigoo u kuur galaaya Waxa sababay sicir bararka xadhkaha goostay waxaan ka diyaariyey tusmo yar oo aan aqoontayda gaaban iyo xogta aan soo ururiyey oo isku daray ayaa waxaan isku qanciyey fikirkayga yar ee gaaban in ay sicir bararka sababayaan sadexda waxyaabood oo hadii wax laga qabto aan is idhi waxbaa is badali sadexda qodob waa:-

  1. Ganacsatada qaadka.

Iyadoo aynu ognahay somaliland Waxa faqriga iyo dhibaato weyn ku hayaa inuu yahay qaadka oo 25kaa sanadood ay inaga baxeen aduun gaadhaya 480,000,000 marka ay ugu yartahay Iyadoo sidaasa ayaa Waxa ay Ethiopia soo saartay xeer ah in qaadka lagu soo badalo lacag cadaana ama DOLLARS $ ah taasoo yaraysay dolarkii suuqyada dhex wareegaayey oo kor u kiciyey dolarkii markii uu yaraaday.

Sicir bararka somaliland Waxa uu dhacaa marka ay yaraato lacagta CAD ama DOLLARKU waxaana kiciyey hadda Waxa yaraaday dolarkii waxaana batay lacagtii somaliga ahayd waxaana kow ka ah lacagta jaadka oo lagu bixiyo dollar waana caqabada koowaad ee ina haysata.

Ganacsatada qaadka Waxa ay soo saareen iyaga iyo dawada itobiya inay lacagta ku gudbiyaan Iyadoo ah nodhadh CAD ama DOLLARA.

Hadaba hadii la doonaaya in dhinacaa wax laga qabto Waa in la yareeyo qaadka ama lacagta qaadka lagu badalo lacagta eithopia ee BIRTA ah si ay u yaraato lacagta cadaanka ah ee baxaysa.

  1. 2. Lacagta electroniga ah zaad ama e dahab

Dhinaca kale Dhibaatada sicir bararka uu saameynta weyn ku keenay kor u kaca doolarka iyo sixir bararka ku yimi suuqyada sarifka iyo Badeecadaha. ayaa waxaa ka midda : Adeega Zaadka oo si weyn looga isticmaalo dalka , Shirkada Telesom ayaa iyadu hore iyo iminkaba u urursan jirtay lacagta dollarka, isla-markaana waxay sababtay qaybaha sixirka bararka oo cirka isku shareeray, taasi oo keentay in Wasaradda Maaliyada iyo Bangiga dhexe ay qayladda sixir bararka ku toosaan , ayna xal ka baadhaan ama ay ka codsadaan shirkadda Teleson iyo Dababshiil (shirkadda dahab oo iyaduna ku soo biirtay). in ay sameyaan “Zaad-SL-Shilling”.

Waxaana xalkeedu yahay in dhamaan adeegyada yaryar lagu isticmaalo lacagta somaliga ah.

Hadii lagu isticmaalo lacagta electroniga ah SOMALI SHILLING si ay u yaraato lacagta ay shirkadahani ku shubanayaan bangiyada caalmaka Iyadoo laga ururiyey bulshada rayidka ah ugu badnaan.

La soco..

Qalinkii cabdi caawiye

+252634115877