Milatariga Shiinuhu wuxu samaystay Markab diyaaradaha xambaara

 

Dawladda Shiinaha ayaa soo bandhigtay Markab diyaaradaha xambaara, arrintaas oo xoojinaysa awoodda milatari iyadoo badhtanka lagaga jiro xiisadda sii kacaysa ee gobolka ka taagan.

Waa markabkii labaad ee dalku yeesho ee awooda in uu diyaarado xambaaro.

Laakiin kani wuxuu kii hore kaga duwan yahay waa midkii koobaad ee lagu sameeyo dalka Shiinaha guddahiisa.

Warbaahinta dawladdu waxay sheegtay in markabkan oon wali magac loo bixinin, in laga qaaday meel dhul ah oo la galiyay biyaha dekedda Dalian.

Wararkii hore waxay sheegayeen in uusan hawlgali karin inta ka horaysa 2020-ka.

Arrintani waxay ku soo aadaysaa iyadoo maalmihii u dambeeyay ay sii kululaatay dareenka ka dhextaagan Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Shiinaha ayaa horay u lahaa hal markab oo xambaaara diyaaradaha oo la dhoho Liaoning kaas oo ay ka soo iibsatay Ukraine balse ay dib u qaabaysay.

Dalka Maraykanka ayaa maraakiib dagaal iyo gujis geeyay biyaha Kuuriya, arrintaas oo dhalisay in Waqooyiga Kuuriya ay aad uga carrooto.

Shiinaha ayaase ku baaqay in xaaladda la dajiyo.

bandhige@gmail.com