Xamaasadda Ciyaaraha iyo Xanta Reer Hawd (WQ: Haykal Muxumed Cabdi)

Ciyaaraha kubbadda cagtu caado ahaan waxa ay leeyihiin xamaasad, taas oo xilliyada qaar xiisad kacsan isu beddeli karta. Taageerayaasha kooxaha kubbadda in dabeecad shoobaro (hooliganism) lagu arkaa wax qariib ah ma aha. Tusaale ahaan, ciyaarihii u dambeeyey ee Koobka Adduunka, kooxda England waxa ay maalin ka badisay kooxda dalka Sweden. Ciyaartu waxa ay ka dhacday dalka Ruushka. Galabtaas ay kooxda England guulaysatay, taageerayaal xamaasadaysan ayaa ku qamaamay xarumaha dukaanka caanka ah ee IKEA ee London, dukaankaas oo alaabta uu iibiyo Sweden lagu farsameeyo.

Tusaalahaa kolka laga yimaaddo, waxa jirta xan ama dacaayad gaar looga fidiyo kooxda kubbadda cagta ee ku ciyaarta magaca gobolka Hawd. Taas aan eray ka idhaahdo.

Hawd waxa ay ka qayb gashay  afartii koob ee u dambeeyay oo ka hadda socdaa ku jiro. 2011-kii oo Burco lagu qabtay waxa ay yimaaddeen Finalka, Hargeysa ayaana hal gool iyo eber kaga qaadday. Bilawgii oo ay Burco isku group ahaayeen 4 iyo hal ayaa ay kaga badiyeen. Maalintaan, kooxda Hawd garoonka gudihiisa ayaa la weeraray, dhawr ciyaartoy ayaana dhagax lagu dhaawacay.

2013-kii Hargaysa ayaa lagu qabtay oo waxa ay markanna yimaaddeen Final. Markanna Hargeysa ayaa rigooreyaal ku guulaysatay.

2016-kii laba qaybood ayaa loo qaybiyey. Gobollada bari Burco ayay ku soo ciyaareen, kuwa galbeedna Boorama. Kooxihii wareegga siddeedda u soo gudbay ayaa dabadeed Hargaysa isugu yimi.

Intii ay Boorama ciyaaruhu ka socdeen kooxda Hawd mar baa garoonka lagu dhex shiiday, ma se hubo kooxdii ay la ciyaarayeen. Hawd tartankaas waxa ay ku hadhay 8-dii oo Daadmadheedh ayaa 2 iyo 1 kaga badiyey. Si haddaba la mid ah mararkaa kooxda Hawd la shoobareeyey, taageerayaasha kooxdu garoonka Hargeysa Stadium marar buuq waa ay ka sameeyeen, laakiin rabshado khasaare ka dhashay marna ma ay samayn. Iyada oo taasi jirto, ayay haddana caado noqotay in taageerayaasha Hawd oo u badan degmada garoonka Hargeysi ku yaal iyo xitaa ciyaartoydooda lagu dacaayadeeyo in ay dagaal-u-joog yihiin, kubbaddana xoogxoog ku badiyaan.

Dacaayaddaa dadka fidiya waxa u badan kuwo marka horeba magaalada magan ku ahaa, oo cabsi darteed, meel aan xaafaddooda ahayn cag iyo sal midna aan dhigi karin. Heer bay joogtaa, ilayskii ay masuulka ka ahayd cidda garoonka maammusha ee ay ku fashilantay reer Hawd lagula galgashay. Reer Hawdna waxa u eg in ay ku jawaabaan maahmaahdii ahayd: “waraabe tuuryo lala gaadhi waa, cayna wax lagaga qaadi waa.”