Xanta shacabka dhexdoodda ee ย siyaasiyiinta Somaliland waxay tilmaam u tahay koriinka dadkeenna
Shacabka Somaliland waa dad fiiro dheer oo aan lagu guuri Karin, waa dad ka horeeya siyaasiyiintooda hogaamin lahayd, waa dad kala yaqaan masuulka fiican iyo ka aan fiicnayn, waa dad runta ka sheega qof walba waxay ka aaminsan yahay, inta badana madaxdooda u samra, taas oo keentay in marka ay madaxdu khiyaamayso alla uga jaro.
Dadka maskaxda furani hore uma dumaan, waayo waxay xaraabaad ama madadaalo ka dhigtaan xanta madaxdooda iyo naanaysaha ay ula baxeen si ay intaas uga dhigtaan inay ka aar guteen oo kale, ama intii ay naftooda ku ciil ku dili lahayeen ayey ย madaxdooda ka dhigtaan sidii dad jilaya riyaawad oo iyaga ka qoslinaya, sababtay sidaas u samanayaan ayaa ah in aanay waxba ka qaban Karin sida madaxdoodu u dhaqmayso oo kaliya wakhtiga iskaga dhaafinayaan daacadoodda iyo kaftanka habkay u dhaqmayaan loogu magac daray.
Dadka sida Soomaalida u dhaqma ee madaxdooda dacaayadeeya waa dadweynaha Maraykanka oo siyaasiga iyo madaxdoodaba dacaayado ay ka kasbadeen bay u sameeyaan, mararka qaarkood kartoomo ay qof ka dhigeen bay ka dhigtaan oo ka xaraabadaystaan ama riwaayado ay qosol ka dhigtaan si shaqadda adag ee ay ku jiraan uga nastaan.
Soomaalidii hore inay qof bartaan waxay ku bixin jireen neef geel ah oo wakhtigaasi ugu qaalisana, waxaanay ku jirtaa maahmaahyadooda hubsiimo geel baa la siistaa, hal aad qof ku baratay kuma khasaarin, waxa muhiim u ahaa inay qofkaasi bartaan dadkana uga soocnaado, waxaana taas ku cadaynaysa qofka soomaliga waligii laba jeer uma wado codeen qof mar labaad isa soo sharaxay, waayo way barteen in aanu halkaasi munaasib ku ahayn, door kasta qof bay tijaabiyaan, inta waxay baadhayaan qofkii ay u baahnaayeen:
Bal aynu tirino siyaasiyiinta iyo naanaysaha u yaqaan ama xanta ay ku xantaan:
1. Siilaanyo xukuumadiisa waxay odhan jireen xukuumadii Dumarka iyo caruurta.
2. Muuse waxay u yaqaanaan magacyo badan ta ugu hadalka haynta badan waa ila meerayso.
3. Sheekh Samaale waxay ku xantaan, markii uu wasiirka ahaa ayaa kitaab ka dhacay markaasu yidhi ma lacag baa iga dhacday markaasa la yidhi waa kitaabkii xaashi casaha ahaa, iskadaa kaasi waan xifdisanahay, waxa kale oo lagu naanaysa janno ka bood.
4. Sheekh Saleeb-ka Saaxilna waxa markii uu xukuumadda lacag badan ka helay ayuu dharaar soo maray masaajidkii uu tukin jirey markaasu yidhi kaabad dheere alla muxuu wakhtiga iga lumin gaadhay.
5. Hogaamiye Xirsi marka ay dadku leeyihiin sirtii aan ku sheegay ha sheegin, Xirsi ha igu noqon bay isticmaalaan.
6. Marka qof iska yimaado meel aan lagu casuumin waxay isku yidhaahdan soodiga noqday ina Bile oo kale (jaamacadii Burco ee aan lagu casuumin markii uu iska yimid bay hantana bilaabantay )
7. Marka balan darada laga hadlayo ama qofku ballanta ku fiicnayn, imikaba Maxamuud Xaashi ha igu noqon.
8. Wasiir Sacad waxa lagu xantaa hoosaasiye, waa wakhtigii arrimaha DPWorld Laga hadli jirey oo sidii wax u jiraan uga hadli waayey maadaama oo lagu yaqaano qof daacad ah oo diinta ku fiican hadana aan runta ka sheegin khiyaamooyinkii DP word ka socday.
9. Gudoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro, ย isaga waxa lagu xanta in goโaankiisu labac-labax yahay, markaasay ku odhanayan โwaar hebelow ha igu ciroobin , goโaankii CIrro kale ha igu qaadan.
10. Faysal Cali Waraabe, marka dadku leeyihiin qofkaasi waa muwaadin dhab ah waxay ku odhanayan โsidii Faysal buu iimaanka wadaniyadu qanjaha joogaโ.
Adiguna inta kale ku dar