Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga (WQ: Cabdirisaaq Rakuub)

Maalinkii uu geeriyooday Rasuulku ilaa maanta diintu halkeedi ayey taagan tahay; arrin walba oo aannu ogeyn oo dib laga keenay Ilaahay wuxuu u soosaaraa rag toosh ku muujiya oo u diida in saxar lagu soo kordhiyo waxna laga saaro, oo mid kala dhantaalan ka dhigta diinta Alle.

Nin kastaaba, waxa uu u banbaxay sidii uu dhankiisa uga ilaalin lahaa wixii tashuush ah ee lagu furi kareyey, taas oo laga faaโ€™idaysanayey geeridii Nabiga, waxana hormood u ahaa afartii Khulafaaโ€™ul raashidiin, oo ka biyo cabbay tarbiyaddii uu siiyey Rasuulku.

Waxa dhacay khilaafyo badan oo ka yimid maamulkii Ummawiyiinta, ka dib waxa uu Alle waafajiyey hoggaanka ummadda Cumar Bin Cabdicasiis oo xukuunkiisi ka dhigay mid caddaalad ku dhisan.

Afartii imaam ee dhigaallada u sameeyey fahanka bud-dhigga u ah diinta โ€˜Fiqigaโ€™ ayaa iyaguna ย door shariif ah ka qaatay ku toosnaanta xaqa. Raggii aqoon ruugga ahaa ee taariikhaha inoo ururiyey ayaa iyaguna ย ku lammaan oo uu calanka u sido Ibnu Khalduum. Aqoonyahankii tafsiiray Quraanka ayaa iyaguna ย ammaan iyo bogaadin mudan, ha ugu horreeyo imaamkii mufasiriinta Dabari.

Ilaawi mayno doorkii muuqday ee ay lahayeen xadiisyahannadii isu taagay hufidda iyo hubinta axaadiista iyo doorkoodii; Bukhaari, Muslin iyo rag kale oo Alle fahamsiiyey aqoonta xadiiska ayey ahaayeen raggii wakhtigooda u huray in ay Muslinka uga tagaan axaadiis sugan oo hufan.

Sida oo kale raggii la dagaalamay khuraafaadkii lagu soo kordhiyey diinta ee aan salka lahayn ayaa iyaguna ย noqday rag sida xiddiga uga dhex muuqda dadyowgii kale oo ย aynu ka magacaabi karno, Abu Xaamid Qasaali, Ibnu Taymiya iyo Maxamed Cabdiwahaab.

Culimo badan baa jirtay oo raggaa aynu tirinnay la saf ah sida; suldaankii culimada Cisi Ibnu Cabdisalaan, Nawawi, Ibnu Xasmi, Ibnu Cabdi Bar, Ibnu Muundir, Dahabi iyo rag door ah oo aynaan halkan ku soo wada koobi karin, Rabbi haka abaaliyo adeegiddoodaโ€™e.

Raggaasi waxa ay dhaqan galiyeen xadiiskii uu soosaaray Daaโ€™uud, ee Rasuulku ku yidhi, โ€œAlle boqolkii sannadoodba wuxuu u soosaara ummaddiisa mid dib u soo cusboonaysiiya diinta.โ€

Qof kasta oo tilmaantaa helay waxa uu noqday mid u ban-baxa in uu noqdo mid difaaca qarniga uu noolyahay wixii been abuur-diineed ah ee la samaynayo sida; axaadiis aan jirin in uu iftiimiyo beennimadooda, waxqabadyo aan diinta waafaqsanayn in uu ka digo samayntooda, fahanno qalloocan oo diinta lagu luqin-jibaadhayo in uu caddeeyo in ay yihiin fikir gurracan, aayado iyo axaadiis si khaldan loo macnaysanayo in uu fahankii saxda ahaa sheego iyo in uu isu taago soo celinta hab-xukuunkii Nabiga.

Qarnigan aynu joogno waa qarni ka duwan qarniyadii hore ee ina soo maray siyaasad ahaan; waa qarnigii ugu horreeyey ee Muslinku noolyahay hoggaan laโ€™aan, waa qarnigii ugu horreeyey ย ee Muslinku meel walba oo uu joogo yahay mid itaal daran oo laga adag yahay.

Tataarku markii uu qabsaday Baqdaad ee uu dhiigga badan daadiyey, dawladdii Cismaaniyiinta ayaa sii qabsanaysay Kustandiiniya. Andalus kolkii ay gacanta Muslimiinta ka baxday dhulka hadda loo yaqaan Shishaan ayaa Muslimiintu qabsanayeen, halkaa waxa aad ka aragtaa in quwadaha dunida ee muslim iyo gaal ahaa is ceshan jireen.

Labadaa dhacdo waxa aynu u soo qaadannay waa xilli la odhan karayey Muslinku quus ayuu taagnaa, haddana waa adigaa arkaya in ay wax sii noolayeen oo furasho iyo soo Islaamayni socotay, maanta se garbo siman baa la yahay oo dhibta iyo eedda ayaa lagu kala badan yahay ee dulinnimada waa la wada hadhsanaya.

Qarnigan Rabbi waxa uu soosaaray halyeey qaab-fikirkaa ku baraarugsan oo isku taagay baraarujin in uu ku sameeyo ummadda Muslimiinta oo uu u sheego sida xaal yahay, xalka lagaga bixi karaa in uu yahay hoggaan mid ah oo la helo, laakiin haddii qoloba ardaageeda iska doyeysato, kolka duul lala haadayana isha u marto in cid hadhaysaa aanay jiri doonin.

 

La soco…….