Xasan guure Jaamac: siyaasadii saldanadda huwanayd (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Qofka binu’aadamka ah waxaa saamayn ku yeesha noloshiisa  qofnimadiisuna kasoo aasaasantaa deegaanka ama ba’ayda uu ku koro , taasoo qof walba ka dhigta qofka uu noqdo , waana halka ay carabtu ka tidhaahdo ” Al mar’u ibnu bay a tihii ” ama khawaajuhu ka dhahaan” The man is slave of his circumstance ” .

 

Xasan isagoo dabcigaa iyo duruufahaa dadka kala siman , ayuu ka dhashay saldanadda ka mida saldanaha ugu dada wayn soomaaliland kuna soo koray kuna barbaaray , noloshiisa oo dhana saldanadaa uu kadoo jeeday  raadkeedu wuu ka muuqday  .

 

Xasan wuxuu ahaa nin xaragooda oo wax kastuu oo uu  hayo ku xaragooda , ereyga iyo odhaahdiisa , ujeedada iyo abaarteeda tilmaanta iyo toosinteeda intaba ku xaragooda oo aan marna xarago ka tegin .

 

Doorkiisii halgan iyo siyaasadeed hadii aynu si kooban u milicsanana , 1987 markii xaaladii snm ugu adkayd , ee garabadii snm ku heshiiyeen shirkii Awaarre in gudoomiyaha snm 3 xubnood magacaabo gudidada fulinta ,garabka mucaaridka ihina 3 xubnood magacaabo , Xasan wuxuu ka mid ahaa gudidii  fuliinta ee waagaas Snm yeelatay , gudidaas oo shaqaynaysay marxaladihii ugu adkaa ee 1987 ilaa 1989 .

 

Mar kale xasan wuxuu ka mid ahaa , golihii wasiiradda ee ugu horeeyey dawladii maxamed ibraahin cigaal , markii ay la ahaan wayday sidii ay wax ahaayeena wuxuu ka mid ahaa ragii iskaga tagay ee ka hakaday .

 

Mar kale , Xasan guurre wuxuu noqday Gudoomiyihii jimciyadda sooyaal , waxaanu badalay saaxiibkii Yuusuf Cabdi gaboobe , waxaanu door wayn ka qaatay wax baristii iyo jahayntii dhalinyaradii waayadaas u baahnaa jahaynta .

 

Dhinaca kale , Xasan wuxuu ahaa nin weligii doonayay yool u muuqday oo uu sawir ka haystay , sawirkaas oo ahaa dawlad wanaagsan , dawladaas oo aanu marna ka gaban jirin in uu tilmaamo siday u eegtahay iyo sidda loo heleyo .

 

Sidoo kale , Xasan wuxuu ahaa nin xorra , oo aan maslaxad gaara iyo muraad gaara midna u habranin , mar walbana sheega runta oo aan runta ka gabanin , runtaasaana wax walba u ahayd oo uu la noolaa .

 

Ugu dambayn , xasan wuxuu ahaa nin farxaana oo mar walba faraxsan , dabeecad wanaagsan , qof walba la hadla oo aan cidna ka qaloonin , inta badan u labista sidda salaadiinta oo huwadda goshaala ama cumaamad , sidda korkiisu u huwanaa dirayskaa salaadiinta ayuun baanay siyaasadiisuna u hawanayd saldanad una saxar tirayd .

 

Shir saaka ah , ama  saadanbe ah , amase saakuuna ,

ragii kala sabaalayn ogaa  sincadii madhaye ,

Gobonimo ragii sarre ka tagey , waa siraad dumey . Raagge ugaas .