Maxaa Iska Bedelay Ambassador Yomamato 1996 ilaa 2020
Waa wakhti dayreed, sannadkii 1998 kii, ammintu waa subaxnimo hore, foodhida shimbiraha cidoodu ay sida hormada iska daba dhacaya, duleedka magaalada Washington DC, ee caasimadda dalka maraykanka hotel ku yaalla waxaa degen, wefdi uu hogaaminaayay madaxweynahii Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
Subaxa madaxweyne Cigaal wuxuu daarta Capital Hill ee golayaasha baarlamaanka dalka maraykanka kula ballansana mudanayaal ka tirsan golayaasha Senateka iyo Congresska, oo uu ka mid ahaa guddoomiyahii guddi hoosaadka golaha congresska maraykanka u qaabilsana arrimaha Africa Congressman Bob Stump.
Markii madaxweyne Cigaal iyo wefdiga la socda soo gaadheen Capital Hill, waxaa ku soo dhaweeyey Donald Yukio Yamamoto, oo marka ahaa nin da’yar oo la shaqaynaayay guddi hoosaadka Congresska dalka maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika, una ahaa gacan yare, dhawr sanno ka hor uun ka soo qallin jabiyay jaamacad.
Madaxweyne Cigaal, waxaa loogu soo dhaweeyey Capital Hill, si heer sare, ah waxaana uu halkaasi kulano kula yeeshay ilaa afar mudane oo golaha Congresska ka tirsan oo ay wehelinayeen gacan-yarayaal uu ka mid ahaa Yomamato.
Maalintaasi waxay ahayd maalintii xidhiidhkii dalka maraykanka iyo Somaliland furmay, waxaa mudane Stump, ka codsaday Yomamato inuu ballan uga sameeyo madaxweyne Cigaal, wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka maraykanka, oo ay marka qaybta Afrika haysatay gabadh yar oo da’deedu 25 sanno jir ah oo la odhan jiray Susan Rice.
Maalintii xigtay madaxweyne Cigaal wuxuu tagay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka maraykanka, wuxuuna ka qayb gallay kulan fool ka fool ah oo uu la yeeshay madax wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka maraykanka (The US State department) ka tirsan oo ay hogaaminaysay Mrs Rice, kulankaasi kuma soo dhamaan guul, balse wuxuu ku dhamaaday is faham la’aan, sababtay in madaxweyne Cigaal ka baxo kulanka oo aan xidhmin, ka dib markii Mrs Rice, ay si quudhsi leh, ay madaxweyne Cigaal ugu tilmaantay inuu yahay hogaamiye kooxeed.
Markii madaxweyne Cigaal ka baxay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda isagoo aad uga cadhaysan, ee uu ku laabtay hotelkiisii uu ka degena Washington DC, ayaa waxaa ka war hellay maxsuulka kulankaasi, oo markii danbe ka shaqeeyey kulan labaad oo madaxweyne Cigaal lagu martiqaaday oo ka dhacay wasaaradda gaashandhiga ee dalka maraykanka ee Pentagon, Congressman Stump oo adeegsanayaayay Yomamato.
Sannadahii 2002 ilaa 2006 dii, Ambassador Yomamato wuxuu ka soo qabtay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka maraykanka xilal kala duwan oo safiiro ah isagoo u fadhiyay dalalka Ethiopia, Eritrea iyo Djibouti.
Qoraal uu sannadkii 2012 kii, uu ku qoray jariiradd uu leeyahay mac-hadka American Enterprise institute, ayuu wuxuu si weyn ugu ammaanay Somaliland iyo sida hufan ee ay nidaamka dawladnimo u hirgalisay, wuxuuna sheegay inay Somaliland u qalanto in la aqoonsado, qoraalka wuxuu Ambassador Yomamato ku xusay inay Somaliland ka mudnayd South Sudan inay noqoto dal madax banaan, marka la eegayo hannaanka dawladnimo, iyo qaabka ay salka uga soo bilaabeen dhisidda haykal dawladnimo oo dadka reer Somaliland ka wada raali yahay.
Maxaa Isbedelay.
Markii loo magacaabay danjiraha dawladda maraykanka ee Soomaaliya bishii November 17 keedii, sannadkii 2018, magacaabistiisa, waxaa si weyn usoo dhaweeyey, siyaasiyiin iyo khubaro dhinaca diblomaasiyadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland daneeya, iyagoo Ambassador Yomamato u arkaayay nin fahamsan horumarka ay Somaliland ay samaysay, iyo taariikhda iyo faraqa siyaasiga ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.
Balse, laba sannadood ka dib, Ambassador Yomamato wuxuu la yimid go’aano siyaasi ah oo ka duwan tii ay ra’yul caamka siyaasadda ee somaliland ka filayeen, wuxuu meesha ka saaray siyaasaddii labada jiho ahayd, ee hore maraykanku ula macaamili jiray Somaliland iyo Soomaaliya ee loo yaqaanay (US DUAL TRACK POLICY for Somalia), wuxuu sidoo kale Joojiyey xidhiidhkii dhinaca siyasadda iyo deeqaha tooska ah ee dawladda maraykanku siin jirtay Somaliland, isagoo u leexiyey inay dawladda Soomaaliya masuul uga noqoto Somaliland.
Khubaradda siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee mandaqadda Barriga Afrika ku takhasusay, ayaa ku tilmaamaya arrimahani isbedel laxaadleh oo ku yimid fekerkii dawladda maraykanka, waxaana ay khubaradaasi tibaaxayaan in sababta maraykanku u bedelay wakhtigani siyaasaddiisii Somaliland ay ku timid seddex arrimood mid uun, waa mida koobaad eh, saluug weyn oo maraykanku ka qabo hogaanka Somaliland wakhti xaadirkan hogaaminaya, oo ay u arkaan mid mayal adag oo aan ku socon jidkii diblomaasiyada furfuran.
iyo Mida labaad oo ah dano dhaqaale oo maraykanku ka leeyahay Soomaaliya, waxaana danahaasi dhaqaale dabada ka riixaya shariikaddahii shiidaalka maraykanka ee sannadahii 80-naadkii dawladdii Maxamed Siyaad Barre la gashay heshiisyada dhinaca tamarta iyo inay ceelal saliid iyo gaas ah ka qodaan goobo ay ka mid yahiin dhulka Somaliland.
Donald Yomamato iyo lataliyayaashiisu waxay is tuseen in Somaliland oo ka madax banaanata, Soomaaliya inteeda kale ay uga wacantahay maraykanka oo hal dal oo Soomaaliya ah dhisa.
Arrinta seddexaad ee ku keliftay in Mr. Yomamato uu bedelo mawqifkiisii uu Somaliland ka aaminsana ayaa ah, in Somaliland oo madax banaani hesha ay horseedi karto in gobolo kale oo mandaqada Barriga Afrika ku yaalla ay iyaguna ku dhawaaqan gooni u goosad sida gobolka Tigreega ee dalka Ethiopia iyo maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaana arrintaasi ka dhaadhiciyey Ambassador Yomamato iyo la taliyayaashiisa maamulka Farmaajo ee Muqdisho oo kaashanaya nidaamka ra’isal wasaaraha isbedel doonka ah ee Ethiopia Abiy Axmed.
Ugu danbayn, fekerkii uu hore Yomamato uga aaminsana Somaliland, waxaa bedelay siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland oo maraysa heerkii ugu daciifsanayd, olole laxaadleh oo kooxda Farmaajo oo kaashanaysa Ethiopia ay kula wareegeen labadii dhegood ee dalka maraykanka iyo danaha dhaqaale ee dalka maraykanka, ayaa keenay inay qaddiyadii aqoonsi raadiska ee Somaliland oo xukuumaddii Siilaanyo marka horaba labadii lugood ee ay ku tukubaysay lug jartay, in lugtii soo hadhay ay hadda itaal gabtay.
Mohammed Abdi Hassan Diridhaba