Xiisaha Face book iyo xarakaadka Jiilka (WQ: Mustafe Cabdirisaaq)

Aniga oo ku bilaabaya, magac macbuudkeena weyn ee Allah, waxa aan halkan idiinku soo tabin doona, qormo aad u xiisabadan, oo ka waramaysa facebooga iyo xiisaha ba’an ee ay bulshadeenu ku hayso isticmaalkiisa.

Muddo haatan laga joogo 7 sanno, waxa dadyowga soomalida dhexdeeda ka soo ifbaxay, aaladan lagu magacaabo Face book, oo ah bare ama hooy balaadhan, oo kulmisa bulshada caalamka oo idil, isaga oo si weyn iga qaby qaatay wada xaajoodka, dadyow jooga meelo kala duwan oo caalanaka.

Waxa sanadki 2004, lagu dhawaaqay aaladan, oo uu soo saaray wiil da yar oo lagu magacaabo Mark Zuckerberg,  oo xiligaas ahaa arday ku jira jaamacada Harvard University, waxaana haatan laga leeyahay waddanka Maraykanka.

Aaladan oo noqotay, mida ugu caansan Dunida iyado sifahas ku qaadatay, narki la ogaaday tirada dadka isticmaala oo sandii 2015kii marayay 1.6 billion oo qof, taas oo ka dhigtay in uu noqdo baraha ugu isticmaalka badan dunida.

Waxa jira waddamo dhawra, oo joojiyay isticnaalki aaladan, waddamadas oo kala ah Shiinaha, Suuriya, Eeraan, Bakistaan iyo Fidnaam.

Waxaa la ogyahay ama laga war qaba, in faceboogu ka qayb qaatay kacdoonadi carabta, kuwaas oo xilalka lagaaga xayuubiyay madaxweynayaal caraba.

Haddaba soomaalida, oo ah dad inta badan lagu xanto “dadki hadalka”, waxa ay si aan kala go lahayn u adeegsadan aaladan, iyago iskugu tabiya, qoroolo, sawiro ama muuqal daawasha waxa uu qay weyn ka qaatay, qaab nololeedke bulshada, waxa uu noqday qabatin aan la joojin karin hal maalin, hadii uu shaqaynayo wuu isticmaalaya, haduu isk fadhiyo wuu isticmaalaya, hadii jiifo wuu isticmaalaya, haduu socdo wuu isticmaalaya, waxa uuna noqday shay ka mida noloshooda caadiga.

Dhinaca kale haddii laga eego, aaladani waa mid la odhan karo waxa uu ka caawiyay bulshadi dhinici isku xidhnaanti, waxayna ka dhigantahag in ay wada joogaan saacad kasta, waxa ay ku soo gudbiya xaaladahooga u gaarka, ah sida xanuunka, dhallashada, guurka, geerida iyo wax kasta oo noloshooda la soo gudboonaada, halkaas oo uu ka dheehanayo, saxiibkisa kale ama qoyskooda oo dhami, midani waa mid faaiido u leh bulshada, balse ma is odhan karna waxa uu qayb laxaad leh ka qaatay horumar la’aanta dadkeena haysata, saboobtoo ah wakhti badan oo ay wax ku taransan lahayeen ayuu ka cunay, su’aasha waxa aan kaaga tagay adigan Akhriyaya, Hadii aad tahay isticmaalaha facebook ma tabaysaa, wakhtigaas mise waxaad tahay mid ka adag wakhtigiisa, oo aan marnaba isku qaldayn.

Waxa aan halkan, idiinku soo gudbinaya, tix yar oo aan anigu ka sameeyay aaladan, Akhris wacan.

Faceboogi baan ahay
1=Faceboogiiban ahay
2=Faal la so dhigan ahay
3=Film gaala samayso
4=Fasahaad wadan aahay
5=fidmo socota ban ahay
6=Foorarkaagi ban ahay
7=Foof soo gudan ahay
8=Fasirada dadba qaba
9=Dhinac kala filkaygow
10=Dadka ficiladoodiyo
11=Falalkooda gaarka ah
12=Ana kala furdamiya
13=Midi waa faan rabaysto
14=Fiicnaanta Sawirkiyo
15=Faalaynta comenkiyo
16=Likediisa faraha badan
17=farxad buu ka qaadaa
18=Dadku waa kala faco
19=Sida faraheen weeyan
20=Inta diinta fidisiyo
21=Inta waanaaga fasirta
22=Iyaguna waa fac gooniya
23=Hadal waa falaago
24= Haday foodhi yeedhtana
25=Ninka sida fiinta olole
26=foolxumo la cararkiyo
27=Isku fataalka sheekada
28=Kala fataalka umadiyo
29=Fidmadiisa gaarka ah
30=Fadhigeediban ahay
31=Aniga xumaan fala
32=Firqiya wanaagana
33=Kolba waa halkad filan.

WQ:   Mustafe Cabdirisaq