Waxaanu mar labaad idiin soo xulnay qormadan ka hadlaysa hoggaaminta oo Cabdikariim Xasan Ismaaciil ku baahiyey Mareegta Bandhige dhammaadkii 2015.
Soo-koobid buug
Dhawaan waxaan nasiibsaday in aan akhriyo buugga caanka ah ee la yidhaa “Leadership Wisdom from the Monk Who Sold His Ferrari” af-Soomaali ahaana ku noqonaya “Xigmaddii Hoggaaminta Ee Ka Timid Wadaadkii Xaraashay Gaadhigiisii Ferrari-ga ahaa.” Waxa iiga baxay casharo wax-ku-ool ah, waxanan jeclaystay in aan idinkana idinla wadaago si aad wax uga korodhsan kartaan, gaar ahaan intiina danaysa hoggaaminta habboon.
Qoraaga buuggan, Robin Sharma, wuxu horey u qoray buug kale oo la yidhaa “The Monk Who Sold His Ferrari” ama “Ninkii Xaraashay Gaadhigiisii Ferrari-ga ahaa” kaas oo ka mid noqday buugaagta hoggaaminta suuban la xidhiidha kuwooda loogu iibsiga badan yahay. Sharma sidoo kale waxa lagu yaqaan in uu casharo hoggaaminta la xidhiidha ka bixyo jaamacadaha iyo shariikadaha waaweyn ee caalamka.
Waxa i soo jiitay maaha xogta buugga ku duugan oo kali ah laakiin hannaanka uu qoraagu buugga u soo bandhigay iyo farshaxannimadiisa dhifka ah ayaa igu abuurtay xiiso gooni ah. Wuxu werinayaa qiso male-awaal ah laakiin gudbinaysa farriimo hoggaamineed oo qaali ah.
Julian oo ka mid ka ahaa qareennada ugu caansan Maraykanka ayaa si lama filaan ah u miyir-beelay isaga oo maxkamadda horteeda ka difaacaya kiis uu gacanta ku hayey. Cisbitaalka ayaa loola orday dhakhaatiirtiina waxa ay u aqoonsadeen in uu dhintay. Nasiib wanaag si lama-filaan ah ayuu uga soo kacay wadna-xanuunkii ku soo booday. Maalintaas wixii ka dambeeyey waxa is beddelaya sidii uu nolosha u arkayey wuxuna go’aansanayaa in uu beddelo qaab-nololeedkiisii. Wixii uu hanti lahaa, kol ay ku tahay gaadhigiisii Ferrari-ga ahaa ee uu ugu jeclaa, waxba kama reebin. Wuu wada xaraashay.
Kadib wuxu u socdaalay Hindiya si uu ula kulmo odayaal deggan buurta Himilaya. Gaar ahaan wuxu la kulmay Yogi Roman oo u oggolaanaya in uu ka mid noqdo ardayda uu baro xikmadda nolosha, waase haddii uu Julian hal shardi ka soo baxo kaas oo ah in uu ballan-qaado in uu casharada nolosha ee uu halkan ka barto isaguna sii gaadhsiiyo cid kasta oo uu awoodi karo, gaar ahaan reer-galbeedka oo ka indho la’ aqoonta bariga taalla.
Julian markii uu ka soo aflaxay madarasaddii Himilaya, waxa uu ku soo laabtay magaaladiisii isaga oo ku guulaystay in uu sameeyo isbeddel maskaxeed iyo mid jidheedba. Waxa uu la kulmayaa saaxiibkii Peter, oo madax ka ah shirkad weyn oo lagu magacaabo GlobalView, wuxuuna barayaa 8 cashar oo ku saabsan hoggaaminta suubban taas oo anfici karta qof kasta ama hay’ad kasta oo ku dhaqanta.
Sida uu qoraagu xusayo, hoggaamiye kastaa inta aanu ka fikirin in uu isbaddel ku sameeyo meesha/cidda uu hoggaaminayo, waa in uu horta ka bilaabaa sidii uu naftiisa u beddeli lahaa.
“In la beddelo hab-fikirka, dhaqanka iyo hannaankii bulshada hore ugu dejisnaa waa masuuliyadda hoggaamiyeha” ayuu yidhi qoraagu. “Si haddaba hoggaamiyuhu ugu guuleysto isbeddelkaas, waa in ay marka hore isaga dhab ka tahay. Qof kasta oo ka mid ah cidda uu hogaaminayana waa in uu u aqoonsadaa in uu yahay baalashii uu ku duulayey si uu u gaadho yoolka uu hiigsanayo” ayuu raaciyey Julian.
Isbeddelkii ugu horeeyey ee GlobalView waxa uu Julian ka bilaabay hiigsigii ama yoolkii u yaallay shirkadda. Halkii ay marka hore ka ahayd “waxa aanu hiigsanaynaa in aanu samayno maalaayiin dollar” wuxu u beddelay “qalabka aanu samaynaa waxa uu badbaadinayaa malaayiin qof.” Tani waxay ina tusaysaa yoolkaaga in aad la xidhiidhin karto wax ummadda anfacaya adiga oo maaliyiintaadiina samaynaya.
Casharrada i soo jiitay ee uu Julian ka soo bartay Yogi Roman waxa ka mid ah in aan guusha laga eegin dhinac qudha, balse laga yaabo guusha aad raadinaysaa in ay taallo meel aanad kaba filanayn.
Waxa uu soo xiganayaa qiso dhex martay aabo iyo wiil yar oo uu dhalay. Odaygu waxa uu ka soo rawaxayaa shaqada isaga oo daallan. Kadib waxa uu jeclaysanayaa in uu si deggan u akhristo dhacdooyinka dunida. Isla markii uu la kala baxay wargeyska waxa u imanaya wiil yar oo uu dhalay oo aad u xiisaynayey in uu aabihii la ciyaaro. Odaygii si uu wiilka isaga mashquuliyo waxa uu qurubyo u kala gooyey bog ka mid ah joornaalkii. Wuxuuna ku yidhi “Aabbo, xaashidan aan kala jarjaray qaybaheeda isku hagaaji kadibna soo saar sawirkii khariidadda dunida ee ku sawirnaa oo isku dhan.” In ka yar hal daqiiqo wiilkii wuxu aabihii ku soo celinayaa qurubyadii oo uu isku beegay isla markaana muujinaya khariidaddii dunida oo sax ah. Yaab iyo anfariir bay aabihii ku noqotay.
“Aabbo ma durba? Oo siday ku dhacday in hawl aniga igu qaadan lahayd saacado aad adigu hal daqiiqo ku dhammayso?” Wiilkii wuxu ku jawaabay “Aabbo xaashidii aad ii dhiibtay dhabarkeeda waxaa ku sawirnaa nin. Anigu sawirkii ninka ayuun baan isku hagaajiyey kadibna khariidaddii dunida ee dhinaca kale ku sawirnayd iyadaa iska soo baxday.”
Casharrada kale ee ku duuggan buugga waxa kamid ah “time Leadership” ama “hoggaaminta wakhtiga.” In badan oo innaga mid ahi waxaynu hore naqaannay “maareyn wakhtiga” ama “time management” laakiin Julian wuxu saaxiibkii Peter barayaa in sidoo kale wakhtiga la hoggaamiyo. “Maalin kasta oo maalmaha ka mid ah u qoondee hawl gaar ah oo kugu durkinaysa hadafka aad hiigsanayso” ayuu Julian yidhi. “Tusaale ahaan maalinta Jimcaha waxad u qoondayn kartaa xidhiidhinta dadka. Maalinta Sabtida-na wax kale oo gaar ah” ayuu raaciyey.
Cashar kale wuxu odhanayaa “arag waxa dadka oo dhami arkayaan, kana fikir wax aanu qofna ka fikirin.” Qoraagu xikmaddan wuxu uga jeedaa in hoggaamiyuhu had iyo jeer keeno fikrado cusub oo lagu najixi karo. Hase ahaatee Julian waxa uu Peter kula dardaarmay “waa in aad maskaxda ka shaqaysiisaa ka hor inta aanad fikirkaaga ficil u rogin”
Maalin maalmahoodii ka mid ah Julian wuxu saaxiibkii kula ballamay goobtii ay ku ciyaari jireen ciyaarta la yidhaa “gulf-ta.” Peter iyo dadkii kale ee goobta ka dhawaa waxay la amakaagayaan sida uu Julian u tuurayo kubbadda ulana helayo godkii loogu talo galay.
“Buurihii Himilaya intii aad joogtay “gulf-ta” ma ciyaari jirtay?” ayuu weydiinayaa. Julian wuxu ku jawaabay “Maya. Laakiin boqolaal kun oo jeer ayaan maskaxda ka ciyaari jiray taas ayaana maanta ii saamaxday in aan kubbadda goor walba godkeeda la helo.” Peter waxa ka dhaadhacday muhiimadda ay leedahay in hoggaamiyuhu maskaxdiisa ku sawirto kuna sii layliyo hawlaha uu doonayo in uu mustaqbalka qabto.
Ugu dambayn Julian wuxuu ximaddiisa ku soo gunaanaday casharkii u dambeeyey oo ah “noloshaada macno u samee, ummaddana dhaxal uga tag.” Wuxuu soo xigtay murtidii Leo C. Rosten ee hayad “Ma rumaysan karo ujeeddadaada noloshu in ay tahay ‘kaliya in aad farxad ku naalootid.’ Waxanse u malaynayaa in ujeeddadaadu tahay in aad ahaato qof macno leh, wax-soo-saar leh, masuuliyad qaadi kara, naxariis badan isla markaana nolosha isbeddel ku soo kordhiya.” Waxan filayaa in ay is waafaqsan yihiin xikmaddii Soomaaliyeed ee ahayd “Waari mayside war ha kaa hadho.”
Shakhsiyan waan ku raacsanahay casharaddan waxaanan aaminsanahay hoggaamiyaha ku dhaqmaa in uu wax badan soo kordhin karo. Waxa xusid mudan in wakhti aan sii fogayn aan akhriyey buugga af-Carabiga ku qoran ee “Jaddid Xayaatak” ama “Cuboonaysii Noloshaada” ee uu qoray Mohamed Al-Qasali kaas oo isbeddelka nolosha ka eegaya dhinaca Islaamiga. Isagana xikmad tan la mid ah amaba ka sii qiimo badan ayaa dhex kuududda. Ciddii ay suurtogal u tahay waxan kula talin lahaa in ay labada akhrido kana bogato.
WQ: Cabadikariim Xasan Ismaaciil “Qurusdoon”
qurusdoon@yahoo.com