Xuska sannad-guurada 36aad ee SNM

 

Maanta oo kale, 6 April 1981, waxaa magaalada London lagaga dhawaaqay ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM (Somali National Movement), ururkaas oo ku guulaystay in uu dalka ka xoreeyo dawladdii Kacaanka ee uu hoggaaminayey Jeneraal Maxamed Siyaad Barre (Af-weyne).

Ku-dhawaaqidda SNM ayaa timid kadib markii xukuumaddii Kacaanku ay cadaadis ba’an saartay dadka reer Somaliland kadib markii ay u aragtay dadka reer Somaliland oo awalba cabasho ka qabay midowgii labadii Soomaaliyeed ay haddana si gaar ah uga biyo diideen nidaamkii lagu sheegay in uu ahaa “Kacaan Cilmi Ku Dhisan.”

Shirkii koowaad ee SNM lagaga dhawaaqay waxa isugu yimid xubo badankoodu ka yimid Sucuudi Carabiya oo ay ka mid ahaayeen Axmed Ismaaciil Dikhsi, Xasan Aadan Wadaadiid, Maxamed Xaashi Cilmi, Cabdisalaan Yaasiin, Maxamed Yuusuf Xusee iyo Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.

Muddo 10 sanno ah oo halgan adag iyo halaag ah ay ayay ku qaadatay SNM in ay himiladeeda ku xaqiijiso oo ay dib ay Somaliland dib ugu soo celiso xorriyaddeedii.

Dagaalladii dhex maray SNM iyo xukuumaddii Siyaad Barre waxa lagu qiyaasaa in ay ku nafwaayeen 100,000 oo qof oo 50,000 oo ka mid ahi ahaayeen wax la xasuuqay iyo wax ku dhintay diyaaradihii garaacayey magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Sidoo kale waxa ku bara kacay ku dhawaad 1 milyan oo qof, waxaana ku burburay oo dhulka lala simay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland badankooda.

Prof. Cabdisalaan Yaasiin iyo Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah xubnaha ka sii nool aasaaseyaashii SNM oo maanta BBC-da la hadlay ayaa sheegay in midhihii SNM qaybo ka mid ah la hayso sida haykal dawladeed iyo xornimo laakiin ay maqan yihiin qaar ka mid ah hadafyadii loo soo dagaalamay sida caddaalad iyo horumar buuxa.

Halkan ka akhriso maqaal hore oo uu qoray Xasan Aadan Cali oo ku soo baxay mareegta Farshaxan kaas oo faahfaahinaya qaybo ka mid ah taariikhda SNM. 

Bandhige@gmail.com