Xikmadihii Sheekh Axmed Diidaat (Caalimkii waqtigiisa ku bixiyay, faafinta diinta Islaamka) (WQ: Maxamed Deeq Darajo)

1: “Qofna markii uu dhalanayay ma uu dooran midabkiisa, nasabkiisa, hantidiisa iyo cidda uu noqonayo; ee haddii aadan abuurka ixtiraamayn, abuuraha ixtiraam.”

2: “Cadowga ugu weyn ee Islaamku waa muslimka jaahilka ah. Kaas oo xanaaqiisa iyo xamaasadiisa ku samaynaya, falalka sumcad-darrada usoo jiidaya Islaamka. Dadka kalena marka ay arkaan, waxay moodayaan inuu Islaamku yahay isaga oo kale.”

3: “Anigu Muslim baan ahay, Islaamkuna waa diin dhamaystiran. laakiin, anigu ma ihi insaan dhammaystiran. Haddii aan gef ku dhaco Islaamka ha canaananina, ee aniga i canaanta.”

4: “Qofka gudaha ka wasakhaysani, ma suuraysto in ay jiraan dad wanaagsani.”

5: “Dadka kuwa ugu dhaqanka xumi waa, kuwa marka ay kaa cadhoodaan wanaaggaaga inkira, sirtaada faafiya, noloshaadana diida, wax aanad ahaynna kaa sheega.”

6: “Annagu ma nihin, kuwa ka dib dhacsan reer Galbeedka. Balse, waxaynu nahay kuwa ka dib dhacsan Islaamka. Caalamka waxaan ugu harnay, ka dib markaan ka tagnay Diinteena.”

7: “Waa in aad Ilaahay ka filataa, wax aanu garaadkaagu sugayn. Ilaahay wax walba wuu awoodaaye.”

8: “Joogiddaada iyo la’aantaadu, Islaamka waa iskugu mid. Balse, adigu Islaamka la’aantii waad lumaysaa.”

9: “Islaamku adiga la’aantaa wuu guuleysanayaa, laakiin adiga Islaamka la’aantiis waad khasaareysa.”

10: “Waxaan aaminsanahay in Alle yahay ka kaliya ee wax abuura, wuxuu na noo soo diray rasuullo iyo nebiyo, si ay noo hagaan.”

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

 

Qalinkii: Maxamed Deeq Darajo