Xildhibaanada D. Hoose ee Hargeysa iyo dantii guud Madaxweyne (WQ: Cabdi Caawiye)

XILDHIBANADA D.HOOSE dantii guud ee xaafadaha cusub MADAXWEYNE wey iibsadeen bulshaduna way baahantahay dantii guud.

Waxaa xaqiiqa in aynu dooranay dadkii ugu liitay bulshada aynu dhex joogno oo aynu u dooranay xildhibaanada dawladaha hoose waxaa yaaba waxaynu dooranay ragii dumarkoodu orodoo kalah ka waayeen.

Waxaa ayaandaro weyn ah in aynu dooranay dadkii ugu badanaa ee marfash la dirirka ahaa sida MARFASH CAMIRAYAASHII, DILAALIINTII DHULKA, ISKA SEEXDAYAASHII {DROP-OUT} AHAA.

FARIIN KU SOCOTA M.MUUSE BIXI CABDI

Mudane madaxweyne waxaanu diyaar u nahay inaanu badka soo dhigno nin walbaaba waxa uu iibsaday iyo inta hanta uu lunsaday anigoo ku hawlan hadda sawirada guryaha iyo danta guud cidii ay ka iibiyeen oo xaqiiqa sida ay tahay.

Waxaanu markasta soo dhigi doonaa hantida guud oo loo badalay hanti gaara baraha bushada. adigana waxaanu kugu dooranay cadaalade waa inaad waajibka iyo wixii waq ay cuneen kula xisaabtantaa.

Laga bilaabo malintii aynu u hub qaadanay in aynu galo doorashadii golaha deeganka
hargeysa, runtii waxaad mooda in ay dad badan waxii ay kala kulmeen nacsiisay in ay doorasho danbaba codeeyan, dhibatooyinka inaga soomaray hadan wax ka tilmaamo gaar ahaan casimada hargaysa oo aan xogogaal in badan aan u noqday, dhaqamada qalafsan ee , hanti boobka leh ee yalaa halkaas waxaa ka mida Xildhiibaan ku hawlan in uu danguud u badasho dangaara oo uu ka dhigo mid uu isagu leeyahay.

Xildhiiban ku hawlan hadii ay madaxda ka saraysaa fulin waydo waxa uu rabo in isaga
iyo inla midi mooshin soodiyaariyaan ka dhana cidii ka hor timaada musuqmaasuqa uu
wado Qashinka magaalooyinka waaweyn oo aanad garanayn marmarka qaar cid inooga
masuula , haga jintooda , Hadaan usoo noqdo dhulkii loogu talo galay danta guud , ee u qorshaysnaa in ay noqdaan garoomo kubada lagu ciyaaro , goobo caafimaad , goobo waxbarasho, goobo hayada abnigu isticmaalan, iyo dhul kayda oo marka dawladu u bahanto la isticmaali karo, oo uu wajibku ahaa in intaas ba laga helo dhulka dihiin ee beeraha ee hada qorsha cusub u ka socdo ,si hargaysada cusubi u heesho Janis kabadan intii hargaysadii hore wayday ,ayaa waxaad arkaysaa iyadoo beerihii danbana wakhtigaa aynu joogno aan laga heli Karin meel danguuda , oo shiciku ku xisaabtamo ,sida runtiiiya arintaas waxaan ku tilmaami karaa masiibo qaran oo inagaga timi dawaladaheeni hoose, walaalayaal shacabka reer somalilandnow indhihiina wax ku arka oo soo kormeera waxaan aan ka hadlayo waayo xilba inaga saran wadanka dhamaan macalim, madaxweyne, xildhibaan, aqoon yahan, dumar, iyo dhalinyaraba, waxaaynu dhamaan wadanka u nahay danjire waxaynu huursanaa maanta, barri caruurteena ayey sugayaan waxay waayidoonaan xitaa meel ayku ciyaaraan, waxay waayi doonaan dhaqtar lagu daweeyo ama buuryada lagaga jaro, waxay waayi doonaan berked biyaha loogu kaydiyo, hadii aynu sidaa u aamusnaano waxa xaqiiqa inta yare e nimankan u hadhay inay laamiyada iibsan doonaan.

Maqaaladayda dambe waxaan si cad ugu soo tafatiri doonaa niman soo amaahday lacagtii ololaha ay ku galeen maantana sakado dhan oo guryo ah iska samaytay.

Waxaan soo bandhigi doonaa niman aan noloshooda kalihin oo koobshaaha soo cadayn immikana jiif oo jaq ku jira.

Waxaan kusoo gunaanadayaa Madaxweyne nimankaa wadanka ka qabbo.

Bulshooy adiguna baraarug.

Cabdi Caawiye
Shaywaal12@GMAIL.COM
​+252634115877