Dab khasaare weyn gaystay ayaa ka holcay Wajaale, hanti laxaad leh ayaa ku shuf beeshay

Xalay saqdii dhexe waxaa magaalo-ganacsiyeedka Wajaale ka holcay dab halis ay oo burburiyey ganacsi laxaad leh isla markaana lagu guulaysan waayey bakhtiintiisa barqadii maanta ka hor.

Gurmadka bakhtiinta dabka looma kala hadhin iyadoo dab-damiska Hargeysa, Gabiley iyo Boorama iyo ciidamada booliiska qaranka oo uu hoggaaminayo Sarreeye Gaas Cabdillahi Fadal Iimaan ay ka qayb-qaateen.

Magaalo-xuduudeedka Wajaale ayaa hoy u ah ganacsiga ugu ballaadhan ee ay Somaliland la leedahay Itoobiya.

Hoos ka daawo warbixinta Mukhtaar Nuux Ibraahim ee dhacdadan.