Xildhibaan Ismaaciil Caga-yare wuxuu ku haboon yahay in laga dhigo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha (WQ: Cabdi Caawiye)

 

Sida xaqiiqadu tahay Xildhibaan Ismaaciil Caga-yare waa shaqsiyad ku sifowdaw wax qabadka da’ yarta taakulayn, daacadnimada, hawlkarnimada xilkasnimada ee si siman uga muuqda qarankan Somaliland.

Waxyaabaha aan la yaabo ee aan ku arkay Xildhibaan Caga-yare waxaa ka mida sida caadada u ah isagoo u labisan sidii loo baahnaa oo salaada hore shaqadiisa kusii kalahaya.

Xildhibaan Caga-yare in kasta oo aanan wali la kulmin qoraa ahaan waxyaabaha uu caanka ku yahay waxaa ka mida u gargaarida dhalinyarada waxaan ogaa isagoo ardey jaamacada looga joojiyey Duruuf awgeed isagu uu dagta u ritay oo uu bixiyey.

Xildhibaan Ismaaciil waxaan odhan karaa waa Xildhibaanka kaliya ee bacadkii loo taagnaa abaalkiisii celiyey.

Waxaad la yaabaysaa hab dhaqankiisa waligii lama arag isagoo cid iska waynaysiinaaya ama cid wax u diidaaya waa astaamaha uu caanka ku yahay Xildhibaan Ismaaciil.

Aniga oo aan faanineyn waa shaqsiyad aad u xariira, waxaan odhan karnaa haddii loo dhiibi lahaa meel halkan ka sareysa rag badan oo lagu hungoobay ayuu dhaami lahaa.

Rag badan oo aqoon iyo shahaadooyin waaweyn sita ayuu ku dhaami lahaa jagooyinkoodaa, Xildhibaan Ismaaciil waxa uu ku haboonaa in laga dhigo wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha sida uu da’yarta uga war hayo awgeed.

Wiil daryara ayaa guursanaaya wuu garab taagan yahay

Will dayara ayaa shaqo doonaaya wuu garab taagan yahay

Will dayara ayaa wax u baahan wuu garab taagan yahay

Xildhibaanka waxaan leeyaay halkaa ka wad dadaalkaaga nin walbaaba waxa uu dadka gashado wuu helayaa xag adduun iyo xaga aakhiraba.

Qalinkii cabdi cawiye

Shaywaal12@gmail.com

Tell 0634115877

Caawiye17live.com