Ururka Iskaashiga Islaamka waxay ugu baaqeen Madaxweynaha Gambia in uu is casilo

Ururka Iskaashiga Islaamka ee magaciisa loo soo gaabiyo IOC oo ay ku midaysan yihiin 57 dal oo Muslimiin ah ayaa madaxwaynaha Gambia, Yahya Jammeh ugu baaqay in uu ixtiraamo natiijadii ka soo baxday doorashada isla markaasna uu xilka wareejiyo.

Yahya ayaa ah Muslim khaalis ah, inta badana wuxuu sawirrada ka soo muuqdaa isaga oo gacanta ku wata kitaab Quraan ah.

Madaxwaynaha ayaa diiday natiijada wuxuuna dalbaday in gudi doorasho oo Alle ka baqaya ay qabtaan doorashada.

Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaaamka Yousuf al-Othaimeen ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in natiijada oo la khilaafo ay horseedi karto daganaansho la’aan ayna halis galin karto midnimada dalka.

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa sheegay in kormeerayaashii ay u direen doorashadii dhacday kawdii bishan labo iyo tobnaad in aysan diiwan galinin wax isdabo marin ah

Gambia ayaa martigalin doonta shirka u soo horeeya ee Ururka Iskaashiga Islaamka.

bandhige@gmail.com