Qarax ka dhacay Turkiga

Dhowr qof ayaa ku dhintay, tiro badanna way ku dhawacmeen, qarax ka dhacay meel u dhawayd gaadhi bas ah, magaalada badhtamaha Turkiga ee Kayseri, sida ay sheegeen saraakiisha amaanka.

Baska ayaa siday askar shaqada ka rawaxday sida ay wararku sheegayaan, wuxuuna hor marayey jaamacad markii qaraxu uu dhacay.

Wakaaladda wararka Turkiga ee Dogan waxay sheegtay in qaraxa uu ka dhashay baabuur waxyaabaha qarxa la soo saaray.

Qaraxa ayaa imanaya todobaad ka dib markii 44 qof lagu dilay weerar bambo oo ka dhacay magaalada Istanbul, kaasoo ay sheegteen mintidiinta Kurdiyiinta.

Muuqaallo TVga laga daawaday ayaa muujinayey baska oo uu cardaadiqaha ka dhigay qaraxa.

Turkiga ayaa waxa soo maray tirooyin qaraxyo ah oo loo nisbaynayo mintidiinta Kurdiyiinta iyo kooxaha jihaad-doonayaasha.

bandhige@gmail.com