Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisada 14aad (WQ: Cabdi Caawiye)

Qiso DiiniAh Oo Aad U Xanuun Badan Dhacdayna Xiligii Rasuulka SCW “Ku Cibro Qaado”.

Waxaa la yidhi Waqtigii Rasuulka CSW, inuu jiray Wiil Dhalinyaro ah oo la yidhaahdo Calqamah, Wuxuu ahaa mid aad ugu Dadaala Daacada ilaahey, Salaadda, Soonka iyo Sadaqada, WuuJiradey waxaa aad u Adkaatay Jiradiisa, Xaaskiisa ayaa waxey u tagtay Rasuulka CSW, waxeyna ku tiri:- Rasuulkii Alloow:- Ninkeyga Calmaqah wuu Jiran yahay, waxaan dooney inaan ku Ogaysiiyo Rasuulkii Ilaahayoow Xaalkiisa.

Rasuulka CSW, Wuxuu u direy Cammaar, Suhayb iyo Bilaal wuxuuna ku yidhi:- u Taga oo Shahaadada u Qabta, wey Aadeen, Guriga ayeyna ugu Galeen, waxey Arkeen asaga oo Harjadaya oo ay Naftu Dhibeyso, waxey u Meeriyeen Towxiidka ( ﻻ ﺍﻟﻪ ﺍﻻ ﺍﻟﻠﻪ ) Carabkiisu ma awoodininuu dhaho,waxey u Cid-direen Rasuulka CSW, iyagoo u Sheegaya inuusan Carabkiisu karin Shahaadada, Wuxuu yir:- Nabigu CSW:- Labadiisa Waalid mid ma Nool yahay?.

Waxey dhahen:- Rasuulkii Alloow, Hooyo Da’ ah, ayaa dhashay. Kolkaas ayuu Rasuulka CSW, yiri Hooyada ha leeygu yeero, Kuna dhaha hadaad u tagi kartid Rasuulka CSW, ayaa kuu baahan, haddii kale Gurigaga Joog ilaa uu kuu yimaado, wuu u Tagey wuuna u Sheegay Aqbaartii Rasuulka CSW, waxeyna tiri:- Nafteyda Naftiisa waan ku Furanayaa, Anigaa mudan inaan u Tago Rasuulka CSW..

Wey Cuskatey oo waxey ku Istaagtey Ul, waxey u Timid Rasuulka CSW, weyna Salaantey, wuuna ka Qaaday Salaanta, wuxuuna ku yiri:- Hooyadii Calqamah Run ii sheeg Hadaad Been ii SheegtidWaxyi baa Alle Xagiisa ka imaan:- See ahaan jirey Xaalka Wiilkaaga Calqamah?.

Waxay ku tiri:- Rasuulki Alloow wuu Salaad badnaa, wuuna Soon badnaa, wuuna Sadaqobadnaa. Ka din wuxuu Rasuulka CSW, ku yiri:- Xalkaagu waa Sidee Adiga?

waxey tiri:- Rasulkii Alloow waan ka Carays nahay Isaga. kolkaas ayuu yiri Rasuulka CSW:- Sabab?. waxeyna tiri:- Xaaskiisa buu Dhankeeda u badnaa, wuuna i Casin jirey.

Rasuulka CSW wuxuu yiri:- Carada Hooyada Calqamah ayaa ka Dabooshey Carabkiisa Ashahaadada. ka dib waxaa uu yiri:- Bilal soco oo ii keen Xaabo badan. Kolkaas ayey tiri Hooyada Calqamah:- Rasuulkii Ilaahayow maxaad ku Samaynaysaa Xaabada?.

Wuxuu yiri Rasuulka CSW:- Hortaada ayaan ku Gubayaa.

waxey tiri:- Rasuulkii Alloow Qalbigeygama Awoodo in aad Wiilkayga Dab ku Gubto Aniga hortayda.

Wuxuu yiri Rasuulka CSW:- Hooyadii Calqamaay Cadaabta Alle ayaa ka Daran, Hadaad Rabtid inuu Ilaahey ka Raalli noqdo, AdiguRaali ka noqo, Ilaaheyga Nafteyda ay Gacantiisa ku jirtaan ku Dhaartaye waxba Tari meeyso Salaadiisa, Soonkiisa iyo Sadaqadiisa, haadii aad adiga ka Caraysan tahay.

Waxey tiri Umu Calqamah:- Rasuulkii Alloow waxaa Marag ka ahey Ilaahay Sareeye, Malaa’igtisa iyo Muslimiinta waxa jooga halkaan inaan Raali ka ahey Wiilkayga Calqamah.

Intaas ka dib Rasuulka CSW, wuxuu yiri:- Bilaal u Tag oo soo Fiiri inuu Awoodo Shahaadada iyo inkale? waxaa Suurto Gal ah iney Hooyadaa Calqamah ku Hadashey Qalbigeedawaxaan jirin oo ay iga Xishootay Aniga.

Bilaal wuu u tagey wuxuu maqley Calqamah oo ku Dhawaaqaayo Towxiidka

( ﻻ ﺍﻟﻪ ﺍﻻ ﺍﻟﻠﻪ ), Bilaal ayaa soo Laabtay wuxuu yiri:- Carada Hooyadiis ay ka Carootay ayaa Carabkiisa u Diidey inuu Ashahaato, Raali markey ka Noqoteyna waa kaas Dhahey. intaas ka dib wuu Dhintay.

Isla maalinkii waxaa yimid Nabiga CSW, wuxuu Amray inla Dhaqo oo la Karfano, kadib wuu ku Tukadey, wuunaka Qeyb galay Aaskiisa, ka dib buu yiri:- Qabrigiisa agtiisa asago taagan (Muhaajiriin iyo Ansaareey Qofkii ka Fadila Xaaskiisa Hooyadiis (micnaha qofkii Xaaskiisa ka weyneeyo Hooyadiisa) waxaa Korkiisa ahaatay Nacallada Ilaahey iyo tan Mala’igta iyo tan Dadka Dhamman, Ilaahey ka Aqbali maayo Wax yar oo Wanaag ah ilaa uu u Towbad keeno Alle kor ahaaye, uu u Samafalo Hooyadiis, uu Dalbo Raali ahaanshaheeda, Ilaahey Raali Ahaanshihiisa waa iney Raali kaa tahay Carradisana waa Carradeeda.

Wabillaahi Towfiiq.

(Allow Hooyo Adduun iyo Aakhiraba noo dembi dhaaf)