Xoghayihii hore ee Qaramad Midoobay ayaa laga yaabaa in uu madaxweyne-nimada dalkiisa u tartamo

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa shaaciyey in uu dhawaan u tartami doono madaxweynenimada waddankiisa Kuuriyada koofureed.

Wakhtiga uu Ban haynayo xilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku eg dhamaadka bisha Diisambar.

Shirkiisii jaraa’id ee ugu dambeeyey ayuu ku sheegay in waxoogaa nasasho ah kadib uu ku laaban doono Kuuriyada koofureed, uuna ka baaraan degi doono sida ugu wanaagsan ee uu dalkiisa wax ugu tari karo.

Doorashooyinka soo socda ee Kuuriyada koofureed ayaa la qorshaynayaa in la qabto Diisambar 2017, laakinse waxaa dhici karta in cod bixin ay dhacdo laba bilood gudahood, kadib markii baarlamaanku uu u codeeyey in dacwad lagu soo oogo madaxweynaha iminka, haweeneyda Park Geun-hye, taasoo la xiriirta fadeexado ku saabsan dad ku hodmay saamayn ay iyada ku lahaayeen.

Park ayaa lagu eedeeyey in ay u ogolaatay saaxib aad ugu dhow in ay ka macaashto xidhiidhkeeda.

Haddii maxkamadda dastuuriga ah ee dalka ay meel mariso cod bixintii todobaadkii hore lagu go’aamiyey in dacwad lagu soo oogo, Park waxay noqon doontaa madaxweynihii ugu horreeyey ee waddankaas ee isagoo xilka haya si dimoqaraadiyad ah loo eryo, waxaana doorashooyin madaxweynenimo la qabanayaa 60 maalmood gudahood.

Hadalka Ban ayaa ku soo aaday iyadoo banaanbaxyo ay ka socdaan magaalada caasimadda ah ee Seoul. Maalmahan ayaa la filayaa in dad aad u tiro badan ay isu soo baxaan, kuwaasoo weydiisanaya in Park ay degdeg isu casisho. Isu soo baxa ayaa noqon doona banaanbixii 8aad ee xidhiidh ah, kuwaas oo looga soo horjeedo Park.

bandhige@gmail.com