Xildhibaan Kaare mid baa seegtay, Reer Gabileyna mid baa seegtay, Reer Hawdna mid baa Seegtay. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Xildhibaan Kaare mid baa seegtay, oo waxa ay ahayd markuu ka hadlaayo deegaanno kale oo aan kuwii laga soo doortay ahayn inuu hadalka si dublamaasiyad ah u dhigo, oo uu yidhaahdo hadal aan deegaankiisana wax yeeleyn, kan uu joogana wax yeeleyn. midhaasi ayaa seegtay.
= Reer Gabileyna mid baa seegtay, mar haddii uu Xildhaanku dhinacooda ku soo ciiray oo hadalkii ka baydhay inay liqaan il-duufkaasi oo aanay ka fal-celin ayey ahayd. may se dhicin weerarro qaawan ayey la dul-koreen.
= Reer Hawdna mid baa seegtay, oo markay arkeen Xildhibaankii iyaga u hiiliyey oo Gabiley weerartay culayskii kamay qaadin oo way u aamuseen. waxa ay ahayd inay Xildhibaanka difaacaan oo ay yidhaahdaan wuxuu ku hadlay hadal gar ah ee cago-dhigta. may se sameyn.