Xirsi iyo gole iska sheegiisa: Waddani muxuu kusoo kordhinayaa? (WQ: Cabillaahi Xasan “Plastaro”)

Hoggaamiye xisbi talaw waa maxay? Jawaabta meel kale haka doonin. Xirsi Cali X. Xasan ayaa maanta kaga jawaabay khudbadii ugu milgaha badnayd erayadii laga yidhi shirkii golaha dhexe ee xisbiga Waddani. Khudbadiisa oo dhinacyo badan taabatay waxa Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Soomaalilaan uu kaga jawaabay su’aasha dad badan maskaxdooda ka guuxaysay ee ah muxuu Waddani uu kusoo kordhinayaan isaga iyo kooxdiisi Isbahaysiga Kulmiye?

Hogaamiye Xisbi:

Xisbiga Waddani markii uu Xirsi u magacaabay xilka aan hore u jirin ee hogaamiyaha aad ayaa loola yaabay, welibana kaftan iyo dacaayad ayaa loogu daray. Dacaayadaas waxa ugu dambeysay afhayeenka Kulmiye oo isla golahaas ugu duurxulay Xirsi isaga oo sheegay in uu nasiib u helo “xilal cajiib ah.”

Khudbada Xirsi ayaa hadaba caddaysay in aan xilkiisu mid madhan ahayn oo jawaab waafi ahna ka bixisay doorka uu ka ciyaari doono xisbiga.  Hogaamiyaha ayaa sidiisaba waxa uu la xidhiidhaa maaraynta hiraalka, dhisida himilada fog, u gudbinta labadaas iyo la wadaagida bulshada ama taageerayaasha, iyo kicinta dadka iyo dhiirigalintooda. Khudbada Xirsi ayaa intaasba koobsatay. Waxa taas u saamaxday aftahannimo uu u dhashay iyo aaminsanaan waxa uu leeyahay uu ku kalsoonyahay oo ka muuqatay tamarta hadalkiisa.

Xirsi  waxa uu ku nuuxnuuxsaday in himilo siyaasadeed tartanka lagu galo iyo sida  iyagu xisbi ahaan ay umada u soo bandhigeen barnaamijkood oo cad. Waxa uu canbaareeyay kursi iska doonka aan hiraal iyo himilo hagtaa toonna kadambayn isaga oo goobta ka jeediyay tuducyo qurux badan oo uu ku halqabsaday gabayga caanka ah ee ‘Toban Hal baa Dilay.

Murashaxa iyo guddoomiyaha xisbiga Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro waxa uu caan ku yahay dad iskuwad, guddoon wanaagsan, iyo hanashada dadka ay golayaasha kooban kuwada hadlaan. Waxa taas marag u ah sida uu hantay siyaasiyiinta ugu magaca weyn dalka haatan badankooda oo Xirsi iyo kooxdiisu uga danbeeyeen. Waxaan haddaba taageerayaashiisa kuwa ugu waaweyni aanay sheegan karin ayaa ah in kicinta dadka iyo xamaasad gelinta dadweynaha uu ku fiican yahay. Haddii Cabdiraxmaan iyo lataliyaashiisu hogaamiyaha sidaas u fahansanyihiin, Xirsi halkiisi ayay la heleen.

Hub ka dhigista Kulmiye

Xisbiga talada hayaa waxa uu haystaa faa’ido dheeraad ah marka tartan doorasho la galayo. Halka axsaabta la tartamaysaa ay ballaanqaad wadaan, isagu waxa uu ku ololeeyaa waxqabad iyo ballanqaad wadasocda. Sida aan tan u qabtay ayaan taasna u qaban doonaa ayuu ku doodaa. Mucaarad kastaa wuu ku dadaalaa sidii uu meesha uga saari lahaa  faanka waxqabad ee xukuumada isaga oo dhaliilo ama iino u baadha.

Wadani isagu isku luri maayo dhaliilidda waxqabadka Kulmiye iyo dawladiisa. Riyada mucaarad kasta ayaa sidaas ugu rumowday. Waxa intaas u dheer in ay murashaxa Kulmiye Muuse Biixi ka sheegan karaan oo ka xigsadaan waxqabdkaas.

“Madaxweynuhu hiraalka ayuu lahaa, annaguna hirgalinta ayaanu lahayn,” ayuu Xirsi yidhi. “ 23 ka degmo min Saylac ilaa Laas Qoray, mid aanan istaagin oo aanan mashruuc ka fulini ma jirto, marka laga reebo Laas Qoray iyo Badhan.” ayuu raaciyay.

Xirsi muu sheegin kaliya in dawlada waxqabadkeeda  uu waxbadan ku lahaa, balse waxa uu si cad uga xigsaday Muuse Biixi isaga oo tibaaxay, inkasta oo aanu magacaabin, in aanu wadooyinka ku darsan wax aan hagardaamo ahayn.

Marka aad tartan gelaysid, ciyaaryahannadii kooxda aad la ciyaaraysid ugu cadcaddaa in aad hanataa libin yar maaha. Xisbiga Waddani maanta raggii ugu cuslaa ayuu ka hayaa.

 

WQ: Cabillaahi Xasan (Plastaro)

Saxafi Madaxbanaan