Axmed Muumin Seed: Caddaalad-darradii aanu diidanayn ayaa ka dhacday Waddani, Cabdiraxmaan-Ciroow waa inoo Boorama

 

Axmed Muumin Seed ayaa cadho kaga baxay shirkii Golaha Dhexe ee Waddani maanta gelinkii dambe kadib markii magaciisa laga horraysiiyey ka Maxamed Cali wakhtigii ay codbixintu dhacaysay. Wuxu warbaahinta kula hadlay hoolkii shirku ka dhacayey hortiisa.

“Waxan xaq u lahaa in magacayga lagu xijisiiyo ka Cabdiraxmaan-Cirro maadaama aan ahay Guddoomiy-Xigeenka 1aad, laakiin waxa la iga horaysiiyey nin aan xisbiga waxba soo tarin oo uu hoosta ku haystay Cabdiraxmaan-Cirro.”

Sidaa waxa yidhi Axmed Muumin Seed oo cadho darani ka muuqato isagoo intaa raaciyey wax kasta oo ka soo baxa doorashada Waddani in ay tahay qayrul-sharci isla markaana aanu aqbali doonin.

“Caddaalad-darradii aanu in badan diidanayn ayaa xisbiga Waddani ka dhacday. Cirro waxan leeyahay waa inoo Boorama” ayuu ku hanjabay Axmed Muumin Seed.

Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in uu muddo dheer taageereyaashiisa qalbiga ugu qaboojinayey in aanu Cabdiraxmaan-Cirro cidna wadan laakiin ay maanta u caddaatay in uu murashax gaar ah si hoose u watay, taasina ay tahay caddaalad-darro.

Golaha Dhexe ee Waddani ayaa in yar kadib shaaciyey in Maxamed Cali uu ku guulaystay murashaxnimadii madaxweyne-xigeenimada Awdal.

Cabdiraxmaan-Cirro ayaa la arkayey in uu isagu gacanta u taahay Axmed Muumin Seed in kastoo aanu Axmed goobta joogin wakhtigii isaga gacanta loo taagayey.

Taageereyaasha iyo beesha uu ka soo jeedo Axmed Muumin Seed ayaa laga baqayaa in ay taageerada kala noqdaan xisbiga Waddani una wareejiyaan xisbiyada kale.

Axmed Muumin Seed wuxu ka soo jeedaa mid ka mid ah saddexda beelood ee Awdal.

Hoos ka daawo muuqaalka shir-saxaafadeedka Axmed Muumim Seed:

BANDHIGE NEWS

bandhige@gmail.com