Xisbiga Kulmiye: Kadeed, kacdoono xidhiidhsanaa iyo kacaa-kuf joogto ah kadib? (WQ: Mustafe Suleymaan Cilmi)

Hal-qabsi:

Guushaada waa lala jiraa ee gees ha ka ahaanin,

Guddoon dhaceyna waa nacas ninkii gaar u faashadey,

Gobanimona waa quus ninkii gowska dhaafsadey,

Guri ba’ayna waa cadow ninkii raarta sii Korey eh, …………………. 

Tixo ka mid ah Gabeygii Gud-gude ee Gabyaa M. I. Warsame (Hadraawi) 1990.

 Guushii doorashada madaxtooyada ee 26kii Juun 2010kii oo xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE hantiyey ma u aheyn LIB UU uu ka gaadhey dhinaca doorasahada balse duufaano hor leh oo aan kala go’ laheyn ayaa la currtey? Duufaanadaas waxaa saldhig u ahaa loolan adag oo soo kicinayeen xulufooyin qarsoonaa inta xisbiga kulmiye mucaaradka ahaa. Xulufooyinkaas ma aheyn kuwo si weyn ray’al caamka Somaliland loo wada arkayay marka laga reebo in yar oo si weyn ula socotey masraxa siyaasada dalkeena.

Bilowgii guushaba, hirdanka kooxaha iyo xulufooyinka ayaa isla oogsadey. Marnaba ma damin qeylada iyo is-heynta casaabadaha hirdanka ku jirey. Midba kan kale ayey horseed iyo bilow u aheyd. Waxaaba aynu qabatiney inta muddo shan sanno aheyd guluf joogto ahaa oo madaxtooyada iyo xisbigeeda KULMIYE hogaankiisa u dhexeeyey. Waa meesha xiisaha iyo xogtu ku duugan tahey eh, casaabadahaas oo inta badan loolanka kula jirey hogaanka xisbi-xaakimka oo rabey in laga TAKHALUSO.

Xulufooyinka inta badan hujuunka culus odorasayey ayaa u badnaa kuwo cusub oo khinradooda siyaasadu bilow ahaa. Waa wadaado, waa haween, waa ganacsato, waa dhallinyaro la majara habaabinayey, iyo in kale oo dabka ku qabsatey. Intuba waxay ka mideysnaayeen in ay mar uun taabaan AWOODA dalka oo ay ula muuqatey halka keliya oo ay tahey in ay ka gaadhi karaan hankooda xukun doonta ah isla markaa wakhtigu yahey midka ku haboonaa in laga midho dhaliyo himiladooda awood doonka ah.

Ma duugoodowdo taarikhdu eh, gulufka iyo is-heynta ayaa marar badan gaadhey heer dalku ruxmo siyaasiyan oo dadweynaha dareenkoodu kaco. Waaba madaxtooyadii iyo xisbi-xaakimkeeda oo laga dhex mukhalasayo. Waxaabey arrintu gaadhey heer la isku dayey in saaxada laga saaro XISBIGA KULMIYE marka la odorasayey dib-u-furka urrurada siyaasada oo qaar ka mid ah xulufooyinka hujuunka sida weyn ugu hayey hogaanka xisbigu ay isu dayeen in madaxtooyada ka dhalatey XISBIGA KULMIYE lagu MAXLALO URRUR CUSUB OO KUWA DHALAN DOONA KA MID AH.

Marar dhowr ah oo arrimuhu si weyn u cakirmeen, waxaa dhacey in garsoor qaran laga sameeyo oo la dhexdhexaadiyo madaxtooyada iyo hogaanka xisbiga. Waxaa cajiib aheyd, in marka arrimuhu heerkan gaadhaan ay tanaasul iyo is-afgarada mug leh ku dhamaadaan. Muddo yar ka dib haddana waaba dhul-gariir hor leh oo isla labada dhinac ah. Si kasta oo waayuhu ahaa, waxaa kacdoonadaas ku dhamaadeen is-faham buuxa oo dhex marey Madax-weyne Axmed Max’ed Max’uud (Siilaanyo) iyo Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha xisbiga kulmiye. Waxaa cajiib ah in labada hogaamiye si kalsooni leh oo is-afgarad ah ay arrimaha ku soo dabaaleen. Tan ma aheyn mid fudud balse waxaa ay u aheyd labadaba in ay ka soo doogaan kadeed, kacdoono xidhiidh ahaa, iyo kacaa-kuf soo noq noqdey. Xiisadahaas oo wakhti badan qaatey waa shan sanno oo xidhiidh ah (August 2010-Oct. 2015). Muddo ka dib ayaa uu Madaxweyne Axmed Max’ed Max’uud (Siilaanyo) si weyn oo geesinoma ah ugu go’aan qaatey in arrimaha soo dabaalo. Taas waxaa dhinac socdey mar walba oo mataano la ahaa tanaasul joogto ah, dul-qaad, iyo samir ay ku wakhti dhameysteen hogaanka xisbigu inta muddada aheyd oo dufaanadu hafinayeen. Waxaa aynu markhaati ka aheyn in arrimuhu si rasmi ah u soo gebo-gaboobeen dhamaadka sannadkii tagey ee 2015ka. Waa marka Madaxweyne Axmed Max’e Max’uud (Siilaanyo) uu si weyn oo kalsooni leh ugu go’aan qaatey in uu meel mariyo sida iyo maxsuulka dambe ee murashanimada xisbiga. Go’aankan oo meesha ka saarey mid ka mid ahaa xulufooyinka ugu adkaa misna ugu gulufka badnaa.

Si kasta oo waayaha iyo arrimuhu ahaayeen, waa mid aqoon, khibrad iyo dhugasho inoogu filan sida saaxada siyaasadeenu tahey MAANTA. Midan oo fursad ugu filan cid walba oo rabta ka qeyb qaadashada dheesha siyaasada. Waa midh dhab ah, in saaxadeenu ay weli curdin tahey, koriin iyo kaabis joogto ah u baahan tahey, taban taabo iyo caqli lagu habo inooga baahan tahey, isla markaa duruufaha mandaqada iyo guud ahaan kuwa duniduba saameyn taban ku leeyihiin kacaa-kufka saaxada siyaadeena.

MAANTA, Kadeedkaas, Kacdoonadaas, iyo Kacaa-kufkaas xidhiidhsanaa ka dib, waxaa muuqata in XISBIGA KULMIYE ka soo kabanayo oo dhabaha xisbinimada ee saaxada siyaasada sunaha u ah HAATAN QAABILEY. Waxaa dhab ah in xisbigu kaga soo gudbey duruufaaas qalafsanaa, dhabar adeyg aan dhamaad laheyn oo kaga soo gudbayey xilliyo adkaa. Waa markan iyo shirkiisa golaha dhexe ka dib oo xisbigu si aan kala go’ laheyn dib-isu habeeyey; waa agaasimka daladaha qurbaha muddo lix bilood ah ka hor, magcaabista garabyada dhallinyarada heer qaran, iyo hogaanada heer gobol iyo degmo oo dalka dhan laga simey muddo dhowr toddobaad ku siman. Intaas oo dhan ayaa maanta u XISBIGA KULMIYE guul iyo faa’iido siyaasiyan uu gaadhey ugu filan oo ku cimri tirsadey. Qabsoomida shir-weynaha garabka dhallinyarada heer qaran oo maalmahakan socday waa mid gunaanad u ah geediga adkaa, cuslaa, oo xanuun iyo hafeef badnaa ee XISBI XAAKIMKA KULMIYE SOO DHEX DABAASHEY INTA MUDDO AHEYD. Waa mid muujineysa in Xisbiga Kulmiye xardhey dheel siyaasiyan taas oo in badan oo reer Somaliland ah la madoobeyd marar badan balse MAANTA INOOGU WADA FILAN KHIBRAD CULUS LEH. WAA CURRIN SIYAASIYAN XIRGASHEY OO IN WAX LAGA BARTO AY TAHEY.

Waxaa Iyana xaqiiq ah in Madax-weyne Axmed Max’ed Max’uud (Siilaanyo) iyo hogaanka xisbiga oo guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ugu horeeyo ay si farshaxan leh u meel mariyeen himilo currin siyaasi ah oo in badan soo wada jilayeen misna taariikhda si weyn loo xasuusan doono in badan tixraac lagu sameyn doono-In sha Allah-.

Aan ku soo af-meero qoraalkeygan kooban“Reer Kulmiye maanta ayey bilow rasmi ah u tahey hilaadinta JIDKA XISBINIMADA” ka dib wakhti dheer oo ay soo waajahayeen kadeedo aan kala go’ laheyn, kacdoono is-daba joogey, iyo kacaa-kuf joogto ah. Inta kale ee reer Somaliland waa hal-xidhaale u laaban?

 Allaa mahad leh,

 Hoos ka akhri maqaallo hore oo uu qoray Mustafe Suleymaan Cilmi

SHIISH IYO KHAAKH: Masraxiyad-siyaasadeed caan baxday cahdigii SNM!

Dooda Kala-Reebka Doorashada 2017: Musawir Muujinaya Nugeylka Siyaasaddeena!

Maxaa Caqabad ku Noqon Kara Doorashada Is-barkan ee Kal-dambe?

Shan iyo labaatan-guurada 18-ka May

Go’aankii Maxkamadda Dastuuriga ah: Maalin kale oo loo hiiliyey dowladnimada!

Hargeysa iyo Xuskii 26ka Juun ee 23 Sanno Ka hor, 1991

Murugga ku lammaan nidaamkeena dawladnimo!

Saaxadda siyaasadda dalkeena iyo raad-raaca taariikheed!

Hargeysa, Somaliland.
Tel: 00 252 (0)63 4137470
Email: mustafe72@gmail.com