Marka hore waxaan salaamaya shacbiga iyo bahda saxaafada ee mar walba u adeega bulshadooda iyo dalkooda, marka xigta waxan jeclaystay in aan warbaahinta iyo shacbiga Somaliland la wadaago arrimo indhawaydba maskaxdayda iyo maankayga ka waynaaday, jeclahayna in bulshada inta jecel dadkooda, dalkooda iyo horumarka shaqsinimo ee la xidhiidha aayaha danbe ee bulshada soo koraysa ee u hanqal taagaysa in ay beesha caalamka wax la qaybsato lana jaanqaado waddamada jaarkeena iyo kuwa aduunkaba.
Aan gudo galo dulucda maqaalkaygan oo aan ku salaynaayo dhacdooyinkii u danbeeyey ee aan ka dhex dhadhansaday Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, gaar ahaan Guddoomiyaha xisbiga Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro oo muddooyinkii u danbeeyey aan odhan karo waxa uu qalad fahmay tartanka siyaasadda iyo ololaha xirfadaysan ee asxaabta mucaaradku shacbiga kaga raadsadaan taageero iyo shacbiyad si ay u noqdaan kuwo u isku haleeya shacbiga ay codka ka doonayaan.
Haddaba habkee ayaa haboon in wax lagaga doono shacbigaaga ma mid xirfadaysan oo loo maro dariiqa ay tahay in markaasi ay ku haboon tahaybaa mise waa in kolba meel aanay ka dhadhamayn taageero iyo olole siyaasadeed sawir iyo ma ka muuqday lala tago sida uu ku kaco waddani inta badan.
Bal ila arag oon mid mid u soo qaato qaladaadka Guddoomiye Cirro ee uu qalad fahmay muddooyinkii u danbeeyey:
- Guddoomiye cirro waxa uu siyaasadeeyey shilkii naxdinta badnaa ee ka dhacay duleedka magaalada Gabiley oo uu dhakhtarka ku booqday maydadkii la keenay isagoo sawiro lagaga soo qaaday dadkii oo barooranaya oo ka tiiranyeysan (accidents) ka dhacay, is waydii dadkaasi ma yihiin kuwo laga raadiyo taageero ama sawiro ololaysan laysku sawiro? idinkaan idin dhaafay su;aashaa.
- Guddoomiye Cirro waxa uu qalad fahmay oo olole ka raadiyey sawirona la soo galay Madaxweynaha walaalkii oo xaalad caafimaad u jifay markaasi dhakhtar, aragtida aan idin soo gudbinayaa een doonayo in aad ila wadaagtaan waxay tahay ma waxay ahayd in uu isku sawiro isagoo soo eegaya kamarada ood dareemi karto in uu yahay mid siyaasadaysan mise waxay ahayd haddii ay ka tahay daacad iyo damqasho in uu isagoo aan waddan warbaahin uu la kulmo oo uu shacbiga iyo qoyska uu ka soo jeedo odaygaasi xanuunsanaayey ogaadaan ama dareemaan daacadnimada iyo xilkasnimada guddoomiyuhu doonayo in uu dadka u ku beer laxawsanayo una xaqsoori doono haddii ay hoggaamintiisa mustaqbalku? idinkaan idin dhaafay taana aragtideeda.
- Guddoomiye Cirro waxa uu hore dhacdooyin dadka suโaal geliyey oo aanay fahmin ujeedada uu ka lahaa uu ugu kacay mar uu safaro ku maraayey gobolada dalka, kuwaas oo aan ka xusidoono in kasta oo ay badnayd, balse wadada u dhaxaysa Boorama iyo Gabiley waxa uu ku qoray iskuna sawiray Xarfo ka kooban Waddani oo dadku ay iswaydiiyeen ma xisbigiisa dhisay jidkaasi miyaanu ahayn kii loo wada jeeday sidii uu u dhismay, waxa iyana jirtay in uu sawir la galay isagoo Adhi daaqayey laamiga hareerihiisa uu Guddoomiyuhu dhex gurguurtay oo uu kolba lax sawir la galay, taas oo shacbigu iswaydiiyey maxaa masuulka qaaday ee idaha ka soo galay, dhacdo taa la midana ayaa iyana jirtay oo ahayd in uu geel Guddoomiyuhu hoos galay isagoo weliba halis geliyey naftiisa oo ay madaxa ka leef-leeftay hal ka mida geelaasi ka dibna warbaahinta loo soo diray dhammaan sawiradaa. Waxa ka soo dhego weyn Guddoomiayha in uu dameerna dabada qabsado.
- Guddoomiye Cirro waxa uu ku fashilmay oo nusqaan iyo magac xumo ugu filnaatay doorkii uu lumiyey ee dhinaca abaaraha dalka oo uu Guddoomiyaha iyo xisbigiisu noqdeen kuwo aan haba-yaraatee aan ka ciyaarin doorkii xisbinimo ee ay ka mudnaayeen shacbigiisa tabaalaysani, isagoo weliba ugu daray laba go’aan oo badi ummaddu u dhegtaagaysay kuwaas oo kala ahaa go’aankii uu la qaatay Asxaabta Qaranka, Guddida Doorashooyinka Qaranka, golayaasha baarlamaanka iyo Madaxweynaha Qaranka oo dhammaan isku raacay hakinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha muwaadinka oo Madaxweynuhu soo jeediyey in la hakiyo xaalada abaareed ee dalka ka jirta awgeed, taas oo Guddoomiyuhu laba bogleeyey oo uu marba dhinac la soo saftay muujin kari waayeyna kartidiisa go’aan, kana soo saaray warfaxaafadeed uu ku sheegay in aanu isagu la qabin hadalka ay ku dhawaaqeen masuuliyiinta dalka ugu saraysay ee la isla qaatay in diwaangelinta la joojiyo muddo bil ah.
- Guddoomiye Cirro waxa uu tafaxaytay olole aan wakhtigiisi joogin oo uu isleeyahay ku raadi taageero iyo shacbiyad balse aanu dhaadanayn in shacbigu qiimaynayo oo uu la socdo dhaq-dhaqaaqiisa siyaasadeed ee la xidhiidha mustaqbalka shacbiga karaamada badan ee ku nool dalka Somaliland.
- Guddoomiye Cirro dhacdooyinka ma guuraanka ah ee aan marnaba la ilaawi karin waxa ka mid ah mar uu booqday dad waayeel ah oo uu cagad saliida iyo haaf daqiiqa uu dacalka qabsaday yidhina sawir iga qaada in aan islaantan Guddoonsiyey intaa yar oo aan anigu qabo in ay sharaf iyo karaamo u ahaan lahayd in uu iyada iyo inta la jaarka ahba gaadhsiiyo deeqdaas lana galo sawiro.
Bal u fiirso oo dib u eeg su’aashan, Maxaa sababa in masiibo kastoo dhacda halkii Waddani dadka tacsiyadeen lahaa uu ka dayo siyaadad iyo cod uu shacabka ku beer-laxawsado, hadda eeg geeridii naxdinta lahayd ee Dr Cabdi Aw Daahir Cali AHN, Guddoomiye Cirro wuu ka dhoofay isagoo samayn karayey in uu baajiyo safarkiisa oo uu dib u dhigto maalin iyo lababa, haseyeeshe may dhicin taasi, waanu ka dhaqaajiyey geeridii halyey Cabdi Aw Daahir oo aynu ogayn sida ay dadku meelwalba isaga yimaadeen.
Waxan kaga baxayaa arragtidayda in bulshadu u dhugyeelato daminada qarsoon ee Guddoomiye Cirro u maleegayo shacbigiisa isagoo iska dhigaya nin kelidii damqaday badina shacbigu ay dareemeen hagardaamooyinka Waddani iyo Guddoomiye Cirro oo aan ogsoonayn taariikhda uu ku leeyahay Somaliland in ay tahay sidii uu ka yeelay hoggaaminta wakiilada Somaliland muddo 15 sanno ah, taariikhdana ay u gashay taageero shacbi iyo karaamana uu ku waayey feedhkii Guddoomiye-ku-xigeenkiisa ee uu fagaaraha loo dhammaa ku dhex feedhay aqalka wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo ah shaqsi lama taabtaan ah oo dhammaan bulshada Somaliland ka mudan xushmad iyo qadarin isaga iyo inta la mid ka ahba.
Waxaanan u soo jeedin lahaa inta jecel, samaha iyo waddankaba in ay u fiirsadaan xisbiga Waddani iyo Gudcoomiye Cirraba, si aynu uga badbaadno dhuumasho dhabarku muuqdo oo hadhaw weji kale yeelan doonta.
Waxa Qoray: Ugaas Muuse Salaad
E-mail: ugaasyare@gmail.com
Hargeysa, Somaliland