Obama waxa uu booqasho ku tagay Sucuudiga

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa maanta gaaday dalka Sucuudiga, halkaasi oo la filayo in uu boqor Salmaan kala hadlo arrimo dhowr oo muhiim ah.

Waxyaabaha ugu weyn ee diiradda lagu saarayo wada-hadallada labada dhinac ayaa waxa ka mid ah loolanka ka dhex oogan Succuudiga iyo Eeraan, dagaalka Yemen, iyo dadaallada la doonayo in looga adkaado kooxda Daacish.

Maraykanka iyo Sucuuidga ayaa ah xulufo muddo fog, hase yeeshee waxa dhowaanahan jiray xiisad ka dhex oogan labada dhinac.

Obama ayaa waxa uu Sucuudiga ku dhalleeceeyey in aysan wax badan ka qaban sidii looga adkaan lahaa Daacish.

Wada-hadallada maanta dhacaya ayaa waxa xigi doona shir madaxeedka lixda dal ee Iskaashiga Gacanka oo ka dhici doona Sucuudiga maalinta beritoole ah.

bandhige@gmail.com