Xornimadii Lixdankii iyo Madaxdii Afrika  (WQ: Cabdirisaaq Abaadir Ibraahim)

 

Intii u dhaxaysay Janaayo iyo Diisambar ee 1960-kii, 17-waddan oo Afrikaan ah ayaa waxay ka qaateen xornimadoodii waddanadii reer Yurub ee gumaysan jiray. Dawladdahaa xurnimada ka qaatay wadanadii ay maxmiyadda u ahaayeen kumay helin xornimaddaa nabad iyo caano balse naf iyo maalba waa loo huray waxaana ka mid ahaa waddanadaa British Somaliland, Italian Somaliland , Djabouti, Congo (Kinshasa), Nigeria, Niger, Madagascar iyo kuwo kale. Gumaystaha oo dano badan kalahaa waddana uu haysto ayaa waxay duruuftu ku khasabtay in uu xornimadda siiyo issaga oo aan jeclayn, kadib cadaadis kaga yimid dhalinyar naftood horuyaal ah oo dhiigooda u horay in ay xornimo ku naaloodaan. Haddaba su’aasha mudani waxay tahay wixii dhiigaa loo huray ee hooyooyin badani u goblameen malla dheeftay?

Waddan walbaa markuu xornimadii uu raadinayay helay farxad iyo damaashaad ayaa la isla dhexmaray iyadoo gabay iyo geeraarba lagu muujiyay waxaana loo gartay maalintaas inay noqoto maalin la xuso  dadkii naftooda u hurtay xornimada. Waxaa la dareemay dawladnimo waxaa la isku hambalyeeyay guul iyo gobanimo balse maddaxdii qabsatay afrika ayaa haaddaan ka tuuray himiladdii iyo rajaddii ay filayeen shicibku iyaga oo u horseeday qax iyo barakac. Marnaba may soo dhigan wiilkii aad dhashay ayaa xabad iyo warammo kula dhici. Waxaa u badalay gumaystihiii shisheeye caddaw sokeeye oo lanool oo aan waxba dhaamin kii shalay gumaystay balse kaba daran.

Maddaxdii qabsatay xukunka waxay la kawsatay kursi jacayl iyo hanti urursi waxayna u arkeen cadaw cid walba oo aan jeclaysan hab maamulkooda waxayna falcelin uga dhigeen xadhig, hadiddaad iyo dil. Tani waxay sababtay kacdoon bulsho markii danbe isku badalay ururo mucaarid ah oo dagaal la gala xukuumadihii jiray iyada oo sababtay dhimasho fara badan, barakac, gaajo, xanuuno, iyo burbur maskaxeed. Qaar ka mid ah waxay ku guulaysteen inay ka tuuraan xukuumaddahii ay ladagaalameen halka qaar kalena ay ku guul daraysteen inay ka tuuraan. Kuwa ku guulaystay inay ka tuuran xukunkii ay diidayeen may keenin wax dhaama kii hore balse mid la mid ah ayay dib u soo celiyeen taasi oo iyagana ku sababtay in ay mucaaradad kala kulmaan shicibkii oo haddana  mar labaad sababtay burbur kale.

Maxaa sabbabay kacdoonka bulsho iyo dagaaladda sokeeye?

Shaadhkii dawladeed waxaa loo isticmaalay dano gaara, waxaa indhaha la iska qabtay in shicibku yahay kuwii keenay xoriyadan, waxaa la duudsiisay shicibkii wixii ay xaqa u lahaayeen, waxa lakala jeclaystay laba meel ka soo wadda toosay, waxa dhegta la isugu sheegay innaga ayaa ah kuwo xaqa u leh maamulka, waxaa la dhacay hantidii dadku lahayd, waxaa dulmi lagu xidhay masaakiin, waxaa agoon laga dhigay caruur curdin ah, waxaa laga oohiyay  Hooyo aan haboonayn in laga ilmaysiiyo waxay xalaal ka dhigteen wax aan xalaal u ahayn.

Caddalad daradda, musuqmaasuqa, sad-burisga, is-quudhsiga iyo is-xulufaysiga jinsiyeed ayaa noqday waxa iksa caadi ah. Tani ayaa sababtay in uu dhaco kacdoon dadwayne oo horseeday dagaalo sokeeye oo aragtiyo  kala duwan xambaarsan iyo nabad aan lagu adag ku taagnayn. Eeg waxa ka dhacay  Mali, Madagascar, Djibouti, Congo, Somalia, Somaliland, central Africa, Nigeria, iyo kuwo kale dhamaantood waxay ka siman yihiin cadaadlad darro, sad bursi, aqoon la’aan, is-quudhsi, iyo is xulufaysi jinsiyeed

Maxaa xal ah?

Afrika xal umma-aha durmaan la tumo iyo ciidamo dariiqyada lagu xiijiyoo oo la yidhaah waxaan xusaynaa maalinkii aanu xorownay balse waxay u baahan tahay in la saxo wixii khaldamay. Waxay u baahan yihiin inay dadka ka xoreeyaan gaajadda, caddaalad darrada, is-quudhsiga, aqoon la’aanta, xirfad la’aanta, biyo la’aanta, tahriibka, cabsida iyo faqriga.  Madaxda Afrika hoos ha u eegto dadka ay matalayaan ee ay ka dhasheen. Caddaalada haka shaqeeyeen inta itaalkood, baahida hala qaybsadeen shicibkooda, fursad ha u abuuraan dhalintooda, adeegyada bulso ee dayacmay haka shaqeeyeen, sad-bursiga iyo musuq maasuqa hala dagaalameen taas baa xal u ah.

Xalku waxa uu ku jiraa dadka oo laga xoreeyo maskaxda;

Xalku waxa uu ku jiraa hogaan ku dhiirada xaqa sida uu xaqdaradda ugu dhiiranyo !!!!

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Cabdirisaaq Abaadir Ibraahim 

Maalintii Nuurka

Maxaad ii oggoshahay?

Jacaylku waa falcelin

Maya xal ku-meel-gaadh ah

Dooddii qalinka iyo warqadda

Falanqaynta sheekada “Bakayle iyo Diin” 

abadir01@yahoo.com