26,558 arday ayaa maanta Somaliland u fadhiistay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare

 

Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo dhexe ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabmay dhammaanba gobollada iyo degmooyinka Somaliland.

Sidaa waxa lagu shaaciyey shir-saxaafadeed ay maanta wada jir u qabteen Wasiirka Waxbarashada Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habane, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Abokor Maxamed iyo Madaxa Xafiiska Imtixaanaadka ee heer qaran Daa’uud Axmed Faarax.

Sida uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadu ku baahiyey barta uu Facebook-ga ku leeyahay, 26,558 arday oo isugu jira fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe iyo Fadal ka 4aad ee dugsiyada sare ayaa maanta fadhiistay imtixaanada shahaadiga ah ee Somaliland.

Waa tiradii ugu badnayd ee imtixaanada shahaadiga ah ee Somaliland fadhiisata tan iyo 1996 markii imtixaanada shahaadiga ahi ka bilaabmeen Somaliland wakhtigaas oo ay baxayeen ardaydii ugu horaysay ee ka gudubta dugsiyada dhexe ee Somaliland shan sanno kadib markii Somaliland xoriyaddeeda la soo noqotay.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa toddobaadkii ugu dambeeyey jeedisay digniin ka dhan ah qishka ardayda waxayna sheegtay in ay dejisay istiraatjiyado ay kaga hortagayso qishka isla markaana ardaygii lagu qabto laga mamnuuci doono dhammanba imtixaanka shahaadiga ah.

Bandhige@gmail.com