Khilaafka Khaliijka: Waxa laga baqayaa in uu u xuubsiibto dagaal hubaysan

 

Telefishanka caanka ah ee CNBC ayaa mareegta uu ku leeyahay internet-ka lagu baahiyey faallo ay khabiirro dhinaca amniga ahi qoreen taas ay kaga digeen suurtogalnimada in uu Khaliijka ka qarxo dagaal dhex mara huwanta uu Sucuudigu hoggaaminayo iyo Gadar.

Faallada waxa lagu sheegay in shuruudaha ay xulufada Sucuudigu soo gudbiyeen yihiin qaar aanay suurtogal ahayn in la fuliyo sidaas daraadeedna ujeeddada ka dambaysa in Gadar la go’doomiyo ay u badan tahay iyadoo in la doonayo in la beddelo qoyska boqortooyada Gadar, taas oo aan ahayn arrin sahlan.

Safiirkii Maraykanka u fadhiyey Sucuudiga markii uu qarxay dagaalkii koowaad ee Khaliijka 1990kii ayaa sheegay in khilaafka Khaliijku uu gaadhay meel ay dhici karto in uu ka soo noqon kari waayo taas oo sababi karta in gacmaha la iskula tago.

Shuruudaha lagu xidhay Gadar waxa ka mid ah in ay Al Jazeera xidho iyo in ay xidhiidhadhka u jarto ama yarayso xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Iiraan kuwaas oo ay ku gacan saydhay. Taas ka soo horjeedkeeda, Gadar waxay kiraysatay shirkad Switzerland laga leeyahay oo dacwad ku soo oogta waddamada go’doomiyey si looga qaado magdhow la xidhiidha dadkii ay dhibaatadu ka soo gaadhay go’aankooda.

Shixnaddii labaad ee ciidan ay ayaa shalay soo gaadhay Gadar kuwaas oo ka socda Turkiga oo si toos ah ula saftay Gadar. Sidoo kale Gadar waxay heshiis gaadhaya 12.5 bilyan oo doollar laba toddobaad ka hor la saxeexatay Maraykanka.

Sucuudiga iyo xulufadiisa ayaa sheegay in haddii dalabaadka ay u gudbiyeen Gadar oo laga doonayo in ay ku fuliso mudd 10 maalmood ah, haddii ay fulin waydana Gadar ay mutaysan doonto cunoqabatayno halis ah oo hor leh iyo waliba furriin.

Amniga Khaliijka iyo Gacanka Beershiya ayaa toddobaadadii u dambeeyey amnigiisu sii xumaaday kadib markii ciidan Sucuudi ahi ay rasaas ku fureen koox Iiraaniyiin ah, halkaas oo uu hal qof naftiisa ku waayey dhawr qof oo kalena ku dhaawacmeen.

Sucuudiga ayaa sheegay in kooxdaasi ay damacsanaayeen in ay qaraxyo argagixiso ka fuliyaan mid ka mid ah dekedaha Sucuudiga halka ay Iiraana ka sheegtay in ay ahaayeen kalluumaysato marayey biyaha caalamiga ah.

In kastoo ay Boqortooyada Kuwayd dhexdhexaadin waddo haddana wali ma muuqdaan ifagaalo muujinaya in muruggan diblomaasiyadeed xal laga gaadhi karo, waxaana la dhawrayaa waxa dhici doona marka ay dhammaadaan 10kii maalmood ee Gadar loo qabtay oo ku eg toddobaadkan.

bandhige@gmail.com