Maraykanka waxa ka dhaqan galay xayiraaddii socdaalka Trump

 

Dadka ka soo jeeda lix dal oo Muslimiintu ku badan yihiin iyo dhammaan qaxootiga raba in ay Maraykanka u safraan ayaa hadda ka dib la kulmi doona shuruudo ka adadag sidii hore, arrintaas oo ka dhalatay xayiraadda Trump ee muranka dhalisay.

Shuruudahan ayaa saamaynaya dadka ka imaanaya Soomaaliya, Liibiya Suuriya, Suudaan iyo Yemen.

Xayiraaddaas socdaalka oo murun baday dhalisay waxaa markii hore hor istaagay maxkamado hoose.

Sida uu dhigayo sharcigan cusub oo warbaahinta qaar heleen ayaa loo xaqiijiyey in 90ka maalmood ee soo socda loo ogolaan doono in ay dalka Maraykanka soo galaan dadka aanay ehelkood joogin, sida waalid, xaas, carruur, wiilka iyo gabadha sodoh ama sodog loo yahay iyo walaalo.

Sidoo kale waxaan ehelka ku jirin Ayayda iyo Awowga, eedooyinka, habaryaraha, adeerka iyo abtiga, gabdhaha iyo wiilasha ay walaaladaa dhalleen, xididka, qaraabada kale iyo carruurta ay carruurtaadu dhalleen.

Waxa mamnuucitaanka laga reebay dadka xidhiidhka ganacsi ama mid waxbarasho la leh dalka Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee shuruudahan cusub waxay si gaar ah u xusayaan in xidhiidhku uu noqdo mid la ogyahay oo caddayn loo hayo si caadi ahna ku yimid oo aan lagaga xeeladaysanaynin sharcigan cusub.

bandhige@gmail.com