Aadamaha adduunka saarani waa dawariye xorriyad nafeed iyo mid bulsho, mid dawladeed iyo mid wadaniyeed ba, waxaayna u maraan waddo kasta oo ay ku heli karaan xorriyad waarta oo dhab ah, xorriyaddu kuma timaado xaglo laaban iyo tiraab oo kali ah, waxaase lagu helaa adeegsiga kartiyeed, maskaxeed iyo awoodaha kale ee aad haysato oo lagu gaadho duruufta xorriyadeed ee waddan ama qof u baahan yahay. Xorriyadaha iyo guulaha dhabta ah ee Somaalidu gaadhay waxaa ka mid ah helitaankii xorriyadii 1960 ee gumeeystihii Ingiriiska iyo Talyaaniga eeSomaalida badan koodu ka xorobeen, ujeedka xorriyadaaasi waxaay ahayd kala duwanaanshiyaha dhanka dhaqanka iyo diinta ee u dhaxeeyay waddanka Ingiriiska, Talyaaniga, Faransiiska iyo Somaalida, gaar ahaan Somaalidu waxaay waqtigaas ka feejignayd in gumeeystuhu ku faafiyo ama fidiyo afkaar qarsoon oo uu aqbalo dareen kooda inta koraysa ama inta ay fududahay inaay halloow ku dhaco, hadhoowna laga saari waayo arrinkasta oo lagu abuuro ama uu qanjaha dego.
Ingiriiksu waxaa uu dalka keenay Iskuulo waxbarasho, sababta ugu wayni waxa ay ahayd dadka Soomaalidu waxa ay lahaayeen malcaamado Qur’aan, bulshooyinka Soomaalida ahaa ee waqtigaas degganaa waxaay ahaayeen dad ku xooggan dhaqanka iyo akhlaaqda suuban, maay ahayn dad noloshoodu takoortay baahi ay u galaan god kasta oo abeeso, dhulku cad iyo caano ayaa meelkasta buuxay, biyaha iyo barwaaqada ayaa togkasta dur-duraayaydadkuna waaay ka mahad naqi jireen marka la helo barwaaqadaas, haddiise abaar la galana, Soomaalidu Allahood baa ay baryi jireen oo ma jirin cidkale oo ay u qaylo dhaan raadsan jireen ama talo saaran jireen, Alle iyo baryadiisa ayaa maciin iyo waddo u ahaa.
La kulankii gumaaystihii ka hor waxaa jiray waxyaabo ay ka xishoon jireen bulsho waynta Soomaalidu oo gumaystuhu markii dambe baray sida xatooyada xoolaha dadwaynaha iyo laaluushka, hanyari ku waartay dadka Soomaalida oo ilaa hadda ku jirta badhkood sida, ku faanista iyo amaanista waddamo shisheeyee, ama baryada iyo taakulo waydiisiga waddamadii gumeeystay, waxa kale oo ka mid ah in dadka Soomaalida habkii qabiilka in loo roggo siyaasad ama hanaan kii daawladnimo ahaadona mid qabiilaysan. Gumeeystihii hadii uu dhulka Soomaaalida sii joogi lahaa waxaa lumi lahaa xorriyadda diinta iyo xeerarka maamul ee dugsoonaa, kaa soo laga dhaxlay diinteena suuban intii ay ina soo gaadhay, waxaana badan keenu maanta aaminsanaan lahaayeen in diinta iyo daawlada la kala saaro, arinkaasi waa mahad Allee, waxaaynu maanta ku taaganahay in diinta iyo dawladnimadu meel na aanay kala tegin, sidaas ayaa dadka badan koodu aamin-san-yihiin, waxaase muuqata ayaamahan danbe in dhalin iyo dhowr qof oo Soomaali ah, hadda si gaar ah ugu ololeeyaan arinkaas, kuwaasi maaha kuwii dalka ku barbaaray ee waa in ka mid ah dadka qurbaha tagay.
Gumays-tuhu wuxuu afrika kaga tegay inuu dhaqaalo ahaan iyo siyaasad ahaan gumeeysto, dadka afrikaanka ahi intooda badan waxaay u hanqal taagayaan wadamada Yurub si ay u helaan noloshooda dhabta ah, waxase meesha ku jira in Afrika tahay waddan barwaaqo ah, waddan u baahan tacab oo kali iyo maamul wanaag. Afrika in ay hesho hoggaamiye suuban ayaa keeni karta in dadku badankoodu ku nabad galaan sidoo kale ku negaadaan, kana nabad galaan u hilowga Yurub ee aan lahaayd doorka dhabta ah ee aad ka daawato ama lagu sheego marka aanad tegin Yurub.
Gumaaystuhu, intiisa badan ee Afrika ama Soomaalida gumaaystay waxaa uu horseeday in waddamada aay ku nool yihiin Islaamku laga daboolo caqligii suubanaa, lana baro afkaar ay leeyihiin ash-khaas reer Yurub ah, waa sababta keentay in fariidnimo oo dhan dusha looga xambaariyo qof keenay dhoowr maah-maahood oo aan ka xikmad badnaayn kuwa Soomaalidu intaas kugu celceliso, dhib kale ma jirtee walaalkiis ayaa fariid noqday oo amaanay, halka qofka Soomaaliga ah isagoo walaalkiis amaani waayay ayuu daba socod ku yahay qof aanu aqoon caqiidadiisa iyo hankiisa, xagge gumaaysi kaaga dhiman yahay?.
Doodaha caaynkaa oo kale ah marka uu qofku is-way-diiyo ayuu ka jawaabi karaa xogta saxda ah ee dunida taala, barbaarta iyo dadkaxogaha dunida ee dhabta ah iska indho tiraawaxaay ka hallaabaan intooda badanijidkii toosnaa, haddii ay ku jirto wax-korodhsi dhaqaalo ama nolol kale oo iskaa waxu qabso ah waxaa ku haboon jidad ilaalin kara sharaftaada iyo karaamadaada, gaar ahaan bahda dadka inta badan ka weerarta dhanka caqliga oo caqiidadooda shakiga iyo walbahaarka ku abuurta ee xoogga isugu daya in ay sheegaan hadallo aan sax ahaayn ama aan ku sal-fadhiyin xaqiiq da lagaaga baahnaa hadaad muslim tahay.
Dadka Islamka ah waxa ugu muhiimsan in Allahood iyo diintooda xaniifka ah ay u helaan si madax banaanuna caabudaan iyagoo hiigsanaya bad-baado aakhiro iyo xorriyad nololeed ayaa ah tiirka koowaad ee nolosheena. Markaad doonayso inaad xorriyad u hesho naftaada waxaa loo baahan yahay in ammaan koow kaaga ahaado diintaada, fikirna uu kow kaaga ahaado aaminadda Alle, kitaabkiisa xaniifka ah, doorasho iyo dadaal koow kaaga ahaato cibaado Alle, dadaalna uu koow kaaga ahaado barashada wixii kugu waajibay, xeerinna ay koow kaaga ahaato xidhiidh ka Alle, baqdin iyo cabsiay koow kaaga ahaato balanka Alle, rajona ay koow kaaga ahaado abaalmarinta Alle, xidhiidh wanaag uu koow kaaga ahaado kan dadka ugu dhaqan ka wanaagsan, waxsheeg iyo faris na ay koow kaaga ahaato kan haloowsan ee uu baahan in la bad-baadsho.
Haddii waajib ay kugu tahay inaad barato cilmiga lagu fuliyo waajibaadka Alle, maaha inuu waqti kaaga lumo daraasado kale oo nololeed waayo marka waajib la joogo waxaa meesha ka baxa waxkasta oo ka hooseeya, qofaan baran sidii Alle u caabudi lahaa noqon maayo aqooyahan, noqon maayo qof waxbartay.
Iswaydaarsiga cilmiyada dunidu waa qaar ku jaan go’an maalinba meesha la taagan yahay oo leh isbedelo dhammaanaya hadba marka la gaadho waqtigii loogu talo galay, sidaas ayuu hadba maalin isu bedelayaa heerka gumaaystaha ee dunida u dhexeeyaa, haddii shalay lays haystay waddan ahaan, maanta caqli ahaa iyo fikir ahaan baa lays haystaa. Hanaanka gumaaystaha dunidu waxa uu intiisa badan ku salfadhiyaa ama ugu xoog badan hab diimeed, waxaa jira hab dhaqaale iyo habab kale oo la xidhiidha dhanka degaanka, laakiin arrinka diinta oo ah tiirka ugu balaadhan ee lagu loolamaa, waxaa reer galbeedka iyo wadamada aan islaamka ahaayni leeyihiin qawaaniin ta guur-guurta oo sanad ba dhinac laga eego iyo fikiro ka yimaada qofaf ay u yaqaanaan waxgarad, halka Islaamku yahay hiraalka degsan ilaa dhamaadka aduunka, diinta Islaamku uma sameysna in ay cid gumeeyso ee waxaay u jirtaa xoraynta kuwa la gumaysto iyo gaadhsiinta nolosha raaxada.
Afkaar-ta saxda ahi waa taan is bedelin ilaa dhammaadka aduunka, weli maan arag iyadoo kitaabka Qur’aanka ah iyo axaadiista wax laga bedelaayo ama wax lagu kordhinaayo, waxaanse taariikhda ku arkay intaas oo sanadood oo wax ka bedel lagu sameynayoo fikirada kale ee dunida ka jira, naf ahaan iyo nolol ahaan kuma jiri kartid inaad maalin ba nooc cusub ku noolaato hadii sidaas fikirkaagu yahay.
Inta laysla ogyahay, xikmadaha waara waa kuwa ku dhisan fikirro hore loo xusay kana yimi Alle iyo awoodihiisa kale, ee maaha kuwo aad la ashqaraarto markaad maqasho ama aad ku faraxdo markaad dhegaysato, beritana aad aragto qofkale oo si kale u turjumaya sida hadalada ku dhisan khiyaali ama malo-awaal aan ku anfacayn.
Ugu dambaayntii dadkii aduunka wax ka bedelay badan-koodu waxaay dul joogeen afkaar waarta oo aan lahayn guur-guur iyo xeelado maalin ba xiiso gaar ah kugu kalifaan, taasi waxa ay ku kalifaysaa inaad dhowr jeer ku khasaarto, hadhoowna aad garan waydo meelaad u socoto.
Xor u ahoow hankaaga, xor u ahoow Allihii ku abuuray iyo awoodahan aad ku dhex nooshay, xor u ahoow xorriyado aan is bedelin, xor u ahoow xeelado aan lahayn xanaf aan lahayn canaan nololeed, xor u ahoow inaad Aadmaha u aragto inaay daah fureen arrimo qarsoonaa.
Dhamaadkii, xorriyada aad raadinayso ilaa waqtigii gumaaystaha, ha ahaato mid dhuleed, mid siyaasadeed, mid qoffeed ama mid caqli ama fikir waxaad ku helli kartaa inaad ogolaato qofkaad tahay iyo asalka noloshaada sidaay u abuuran tahay.
Waxa qoray: Xasan Cabdi Shire