Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Guduhu ayaa gaadhay Laascaanood

Wefti uu hoggaaminayo wasiirka wasaarada  Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde  ayaa saaka aroornimadii gaadhay  Xarunta  Gobolka Sool ee Laascaanood.

Socdaalka weftigan ayaa ujeedadoodu tahay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dagaalka laba beelood ku dhex maray  deegaan ka tirsan Gobolka kaas oo khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jira soo gaadheen beelaha kuwaas oo dhaawacii haatan lagu daweynayo cisbitaalada Hargeysa, Burco iyo Laascaanood.

Badhasaabka Gobolka Sool oo  ugu  horeyn   la hadlay  warbaahinta ayaa sheeay in shaqaaqadiii ka dhacday miyiga Laysla ay gaadheen ciidanka qaranku wali wax dambe ka dhicin xaaladadan maamulayaan ciidanka qaranku.

Wasiirka  Arrimaha Gudaha  ayaa markii uu gaadhay Laascaanood la hadlay warbaahinta ayaa sheegay cidii diida wada xaajoodka iyo wanaaga ay gacan bira wax kaga qaban doonaan, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Illaahaybaa Mahada leh waxaaniu  saaka soo gaadhnay   gobolka Sool  magaalada Laascaanood  sidaa badhasaabku  sheegay  waxaa runtii ka dhacay waxyaalo naxdin leh oo aan runtii loo baahnayn, ka dawlad ahaana waxaanu  jecelahay in aanu  wax ka qabano  wixii nagaga aadan run ahaana waxaanu shacabka u sheegaynaa in aanu gacan wax kaga qaban doono cidii u hoggaansami weyda awaamiirta qaranka oo cudud ciidan u adeegsan doono dabkana  la saari doono markaa wixii gaadhay  cid walbaaba iyadaa is eersan doonta.”

Wasiirku  sidoo kale isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu mahadnaqay Guurtida, Salaadiinta iyo waxgaradka dhexdhexaadinta hore uga waday goobtaasi.

bandhige@gmail.com