Xorriyatal Qawlka iyo Sharciyada Dunida Dimuqraadiga ah Q.2aad (WQ: Prof-Abdi Ali Jama)

Xorriyatal Qawlka iyo Sharciyada Dunida Dimuqraadiga ah.

Dunida Dimuqraadiga ah ee aynu canjilno, ee sharcigu shaqeeyo waxa lagu shaqeeyaa mabda’a la yidhaa isu-dheelitirka xorriyadda hadalka ee qofka muwaadinka ah iyo dhawrista xuquuqda dadka kale ee muwaadininta ah, (ama madax ha ahaadaan ama yaanay ahaane). Saxaafadda iyo muwaadinka, waxa sharcigu xorriyad iyo ilaalin badan siinayaa saxaafadda; iyada waxa loo aqoonsan yahay in ay tahay ilaaliyaha mujtamaca (watch dog) ka ilaalinaya qaladaadka dawladdu ku samaynayso, sidaa darteed, waxa loo ogol yahay in ay qorto war kasta oo ay ku qanacdo in uu yahay war jira (due diligence), lamana waydiin karo isha ay ka heshay warkaas; waxa kale oo ay faalooyin ka qori karaan arrimaha siyaasadda iyo bulshada.

Marka laga hadlayo cidda dhaliil aflagaado ah loo gaysan karo, waxaynu u qaybinaynaa saddex:

1-Siyaasiyiinta (madaxda) 2- Saraakiisha dawladda (civil servant) 3- muwaadininn caadi ah.

Ilaalinta ugu badan wuxu sharcigu siiyaa muwaadinka caadiga ah, oo anu ogolayn in sina loo aflagaadeeyo; ilaalinta ugu yar waxa sharcigu siiyaa siyaasiga; macnaha waxa la ogol yahay in qofka siyaasiga ah illaa xad wax laga sheego. Waxa ku xiga madaxda ama saraakiisha dawladda (civil servants), isagana sharcigu ilaalin badan ma siinayo, laakiin wuxu dhaamaa siyaasiga, halka muwaadinka caadiga ah aan la ogolayn in wax laga sheego, maadaama aanu isagu wax xil ah u hayn umadda; Haddii uumuwaadin caadi ah aad aflagaadayso oo uu ku dacweeyo, sharcigu aad buu ugu hiilinayaa, maxaa yeelay ma aha qof madax ah, sabab loo aflagaadeeyo ama loo caayaana ma jirto.!!

Dhinaca kale, siyaasigu marku yahay qofka hadlaya ama wax qoraya, sharcigu wuxu siinayaa xorriyad badan, waxana dhacda in loogu dulqaato marar badan in qadaf ka dhaco, ama ha ku talo galo ama yaanu ku talo galine!!!. Sidaa darteed, xisbiyada mucaaridka ah waxa loo ogol yahay  xorriyatal qawl ka badan ka dadka caadiga ah, shaki se kuma jiro in uu xad leeyahay!!; wadamadu way ku kala duwan yihiin inta uu le’eg yahay dulqaadkaasi, waa se la isku raacsan yaahy in aan saxaafadda iyo xisbiyada mucaaridka ah aan maxkamad iyo xadhig la gu la degdegin hadii ay yara taraaraan. Haddii ay dhacdo in la dacweeyo, inta badan lama xidho, ee kiis baa loo furaa iyaga  oo bannaanka iska jooga; haddii ay dhacdo in la xukumo  waxa lagu xukumaa ganaax lacageed, ee xadhig laguma xukumo;

Xataa waxa doodi ka taagan tahay ganaaxa, oo la leeyahay wuxu  keenayaa mustaqbalka in dadku xorriyatal qawlaka ka cabsadaan, oo ay ka baqaan ganaaxa, taasina ay keento in dawladdu waxa ay doonto iska samayaso, qofki hadlana lacag ganaaxa ay ku xukunto!!!; Sidaas oo kale, sharcigu wuxu siinayaa xorriyatal qawl qofka muwaadinka ah, taas oo aan ka dhicin ta uu siinayo qofka siyaasiga ah.

Si kastaba ha ahaatee, haddii qof siyaasi ah la aflagaadeeyo, sharcigu aad uguma hiiliyo. Aslan ba waa loo sheegaa qofka siyaasadda galaya in ay khatartaasi jirto oo haddii uu noqdo qof siyaasiya oo xil qabta, in uu luminayo qayb wayn oo ah Privacy giisa, macnaha in wax badan laga sheegi karo noloshiisa, lana aflagaadayn karo!!! maxkamadaha yurub ee aynu canjilno waxay eegaan qaab-yaalka (context ka), waxana dhici karta in aan waxba laga soo qaadin caydaa ama ceebtaas laga sheegay qofka madaxda ah, haddii aanay ahayn ceebtu mid gabigeedu ba wada been abuur ah, ujeedada loo sameeyay na tahay xiqdi iyo nacayb shakhsi ah, isla markaana aanay sheeg-sheegidda ceebtaas wax dan ahi ummadda ugu jirin.

Ugu danbayntii , haddii ceebta laga sheegay qofka madax da ah ay jirto, waxa dhici karta in baadhis lagu sameeyo, taaso keeni karta in qofka madaxda ah la soo gole joojiyo, halkaasoo laga yaabo in uu is casilo, ama shaqada laga eryo!! Laakiin, taasi waa marka ay jiraan hay’ado madax bannaan oo wax baadhi kara!!

 

Cabdo; maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.