Xukuumadda Uu Soo Dhisay Madaxweyne Muuse xal maaha ee waa xul, Wasiirka Maaliyadduna waa kii ku habboonaa (WQ: Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye iyo Axmed Gaaxnuug )

Marka hore waxaan hambliyo u dirayaa madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi waxaan ku bogaadinayaa Xukuumada uu soo dhisay oo aan odhan karo Xal-maaha Ee Waa Xul marlabaad waxaan madaxweynaha ku bogaadinayaa Wasiirka Cusub Ee Uu U Soo Magacaabay Wasaarada Maaliyada.Yuusuf Maxamed Cabdi oo aan leeyahay waa wasiirkii ku haboonaa xilkaasi .

 

Waa nin dhaliin yaro ah oo ka soo Shaqeeyey Wasaarada Maaliyada Xilal kale duwan ka soo qabtay wasaarada ,waa nin aqoon u leh Shaqaalaha waa nin ka bix kara hawusha Maaliyada ,Waa nin Aamin ah oo daacad ah waxaan leeyahay Waa Qof waangasan oo loodoortay meel Wanaagsan waa nin Firfircoon oo hawul kar ah waxii qaloocdayn waa uu toosin karaa waxuu wasaarada ku soo kordhin karaa Cadaalada iyo sinaan ,waxaana Nin Garanaaya Shaqaalaha Wasaaradu siday ugu kale Firfir Coon yihiin Dakhli Kordhinta.

 

Waxaa isagu hambliyo iyo bogaadin iyo ducaba u diraya Wasiirka Cusub Maamulihii Hore Ee Kastamka Kale baydh Axmed Gaax Nuug Cali.

Marka Hore Waxaan hambalyeynayaa Madaxweynaha Md Muuse Biixi Oo Aan isleeyahay Waa ka dhabeeyey balan qaad kii ahaa dawlad kuuban oo tayo leh waanu ku guulaystay waxaan odhan karaa Madaxweynuhu Waxuu Maaliyada u magaacabay qof kii ugu Haboonaa uguna Wanaag sanaa Markaad u eegto tobankii Sano Ee ugu Dambeeyey wasiirad soo maray waxaa la keeni jiray dad aan aqoon u lahay markaa maanta waa uu asiibay waxaanan leeyahay Anigoo ku hadlaaya Afka shaqaalaha Wasaarada Maaliyada waxaanu kuu soo dhaweynaynaa Si Kaliyo Laab ah oo aan u kuula Shaqaynaynaa

 

Ilaahayn xilkaasi hakuu Fududeeyo aamin aamin