Boqor Xayle Salaase “Haile Selassie”, oo ka mid ahaa madaxdii ugu saamaynta badnaa ee xilka ka soo qabtay waddanka Itoobiya, balse magaciisa dhabta ah lagu magacaabi jirey Tafari Makonnen ayaa ku dhashay magaalada Herer, tariikhdu markii ay ahayd 23kii Julaay, 1892 kii. Hase yeehsee, wuxuu ku dhintay magaalada Addis Ababa taariikhdu markii ay ahayd 27kii Ogos,1975kii.
Si kastaba ha ahaatee, boqor Xayle waxa uu ka soo jeeday qoomiyadda Axmaarada oo dhammaantood loo badinayo in ay ka soo jeedaan bariga dhexe. Sababta oo ah, sida la sheego waxa Axmaaradu dhammaantood ay ka soo tafsiirmeen Menilik I oo ahaa Axmaarkii ugu horreeyay ee gudaha Itoobiya ku dhasha, kana soo jeeday ama ay waalid u ahaayeen Boqor Salamuun iyo xaaskiisii Shebba oo ahaa Yamaniyiin.
Haddaba, waxa aynu si cad u ognahay in Boqor Xayle Salaase uu soo hoggaamineyay Itoobiya intii u dhaxaysay 1930kii ilaa 1974 kii, sila markaana uu Itoobiya la tiigsadey xaddaarad iyo horumar qoto-dheer, isaga oo u sahlay in ay ka qayb qaataan siyaasadda Africa xilliyadii ka dambeeyay dagaalkii 2aad ee dunida. Waxa xusid mudan in Xayle uu Itoobiya u fududeeyay sidii ay uga mid noqon lahayd Ururkii Qaramada (Leage of Nations) iyo Qaramada Midoobeyba, hase yeeshee uu Addis Ababana ka dhigay xarunta Midowga Africa (African Union).
Xayle iyo Menilek (2) ba , waxaa awowgood la odhan jirey Sahle Selassie oo mid wuxuu u ahaa awow labaad midna wiilkiisa ayaa dhalay. Haddaba, Sahle ayaa la shaqayn jirey dowladda wuxuuna ka tilin jirey boqortooyadii Shewa ee Amxaarada. Xalye Aabihii wuxu la-taliye sare u ahaa Menilek(2), marna badhasaabkii xukumi jirey Gobolka Herer. Xayle aqoon tiisii hore waxa uu ku qaatay guri dhexdii, waxaana halkaas wax ku bari jirey wadaaddo mutacalimiin ah oo Kiristan u badnaa.
Si kastaba ha ahaatee, muddo ka dib waxa ay boqortooyadii aad ula tacajabtey kartida iyo aqoonta uu leeyahay Xayle waxaana loo dhiibey xilal kala duwan. Ugu horreyn madaxa gobolka Sidaamada, ka dib na badhasaabka Herer, oo uu aabbihiina ahaan jirey. Wuxuu isku deyey in uu soo ciyaarsiiyo siyaasado cusub oo kor loogu qaadayo sumcadda iyo awoodda dawladda, isaga oo billaabay in uu shaqaalaha qaybta uu maamulo u sameeyo mushahaaro. In taa ka dib wuxuu guur saday Wayzaro Menen oo uu Minelik ll awow u yahay sannadkii 1911 kii.
Waxa ay sidii ahaataba, markii ay Minelik(2) iyo Xalye is fahmeen muddo yar ka dib waxaa geeriyooday Minelik ll oo ahaa madaxii boqortooyada, sannadkii 1913 kii. Waxaa halkii lagu caleemo saaray Lij Yasu oo uu awow u yahay Minelik, laakiin Yasu xilka kumuu raagin oo wuxuu la kulmay caqabado badan, waxaana loo aanayneyey in uu xidhiidh xoogganla leeyahay Islaamka, balse sidii Minelik oo kalena muu noqonin mid saamayn leh oo ay isku raacsanyihiin Muslimiintii iyo Kiristaankii Itoobiya.
Hase ahaatee, mucaaradaddii ayaa sii xoogaysatay oo dhinacyadii ka soo horjeedsaday Lij Yasu oo ahaa Kiristaanka waxay garab siiyeen Xayle oo noqday qofka keliya ee ay ku aammini karaan xilka boqortooyada.1916 kii, markii uu Yasu saddex sanno ku fadhiyay kursiga ayaa laga tuuray, waxaana la caleemo saaray Zauditu, oo ahayd Minelik ll innantiisii, kadib waxa ay noqotay boqoradii dalka Xalylena waxaa loo magacaabay dhaxal sugaha kursiga boqortooyada.
Zauditu siyaasaddeedu waxa ay u muuqatay mid xag-jirnimo ah. Laakiin, waxa taageero iyo talooyinba la garab taagnaa Xayle oo doonayay in la casiriyeeyo hawlaha dawladnimo. Nasiib wanaag, sannadkii 1926-kii ayuu Boqor Xayle Salaase ku guulaystay in dowladda Itoobiya ay xubin ka noqoto Ururkii Ummadda, matkan weli laakiin muu ku guuleysan boqornimada. Sannadihii ku xigay sannakaas Xalyle wuxuu billaabay duulimaadyo is daba joog ah oo uu ku bookhanayo saddexda magaalo ee Roma, Paris iyo London, wuxuuna noqday qofkii koowaad ee xil sare ka hayay boqortooyinkii Itoobiya soo maray ee dibedda safaf ugaga baxay waddanka gudihiisa.
1928kii wuxuu isu sii magacaabay xilka “Negus” oo ah “ Boqor.” Hase ahaatee, laba sanno ka dib waxa geeriyootay boqorad Zauditu, waxaana isaga loo caleemo saaray xilkii boqornimo, taariikhduna markan waxa ay ahayd 2dii Nov, 1930 kii. Sidoo kale, waa markii uu la baxay magaca “Xayle Salaase”. Intaas waxa dheer, isla markii xilka loo dhaariyey sannad ka dib wuxuu Xayle aasaasay dastuur cusub kaas oo yaraynaya awoodda madaxda kale ee boqortooyada (baarlamaanka ).
Hase yeeshee, xataa ka hor muddo xileedkiisa oo ku beegan illaa 1920kii saamayn weyn buu ku lahaa siyaasadda Itoobiya, waxqabadyadiisii ugu mudnaana waxa ka mid ahaa daadajinta waxbarashada tooska ah ama dugsiyada waxabarashada oo uu gaadhsiiyay illaa heer gobol (Jaamacadda Addis Ababa waxaa la odhan jiray Jaamacadda Xayle Salaase), ciidamada oo uu xoogeeyay iyo nidaamka cashuuraha oo uu hirgeliyey. Intaas waxa dheer, waxa uu isku hawli jirey sidii uu u caawin lahaa bulshadiisa , awoodda dowladda dhexena uu kor u qaadilahaa.
Dhanka kale, markii uu xilka hayay mudo shan sanno ah ayuu Talyaanigu ku soo weeraray ama ku soo duulay Itoobiya sannadkii1935kii, balse Xalyle wuxuu billaabay kacdoonno lagaga soo horjeedo Talyaaniga, laakiin sannadkii 1936 kii ayaa Xayle lagu qasbay in uu dalka dibedda uga baxo, waana sannadkii uu qudbadda qiirada leh ee dadyawga badan soo jiidatey ka jeediyey xaruntii Ururkii Qaramada (Ururkii Qaramada Midoobey ka horreeyey) ee Geneva, taariikhdu waxay ahayd 30kii June , 1936kii
Xilligan ayaa ahayd waayadii uu soo hurayey dagaalkii labaad ee adduunku, wuxuuna taageero ka helay Ingiriiska, taas oo uu ciidamo ku urursaday gudaha dowladda ay jaarka yihiin ee Suudan. Ciidamadii Xalyle ee Suudan oo Ingiriiskana taageero ka haysta ayaa dib ugu soo soo rogaal celiyey ciidamadii galyaaniga ee Itoobiya ku sugnaa waxaanay gacanta ku dhigeen magaalada Addis Ababa sannadkii 1941 kii, bishiisii Jeenawari.
Haddaba, toddobadan ee ay Ciidamadii Xayle Talyaaniga la dagaalamayeen ayaa ah 7da sanno ee ay Itoobiya ka reebtay taariikhdeeda ama ay ka dambayso taariikhda Joorjiyaanka.
Sidoo kale, markii Ciidamadii Xayle ay waddanka gacanta ku dhigeen waxa uu mar 2aad Xalyle dib u noqday boqor kii dalka, wuxuuna soo celiyay awooddii dowladnimo.
Nasiiib wanaag, waxa uu mar 2aad xoogga saaray oo uu bilaabay dib-u-qaabayn lagu saxayo dhaqaalaha, waxbarashada iyo Arrimaha bulhsada oo ay ku jireen in uu Jaamacadda Addis Ababab University oo la odhan jirey “Haile Selassie University” ka aas-aasay Kulliyadda Arrimaha Bulshada (Department of Social Work).
Waxa uu isku deyey in uu casriyeeyo hannaanka dowladnimo oo uu Itoobiya ka dhigo mid ku dayasho mudan. In taa ka dib, sannadkii 1955 kii waxa uu dib u cusbooneysiiyay dastuurkii, cusbooneysiintaas oo uu uga dan lahaa in awooddii uu lahaa uu sii laban-laabo. Nasiib-darro, sannadkii 1960kii ayay aas-aasmeen mucaaradkii ka soo horjeeday xukunkiisa ee Derg. Laakiin, 1963kii markii ay waddanka ka dheceen dhibaatooyin bulsho oo badani sida gaajo/macaluul iyo shaqo la’aan baahsan, ayaa wuxuu ku guulaystay in uu door muhiima ka ciyaaro aas-aaskii Ururka Midowga Africa, hase yeeshee waxaa aloosnaa xaalado aad u daran oo kale, isla markaana ay kow ka yihiin jacaankii ama ciidamo goboleedyadii lagu magacaabi jirey Dhergi oo haystay aragtidii Shuuciyada oo gacanta ku dhigey goballo dhowr ah, balse wuu iska sii watay xukunkiisii illaa 1974kii.
Ugu dambeyn , Dhergigii wey ka guuleysteen Xayle waxayna ku xidheen guriigii uu ka talin jirey gudihiisa. Laakiin ilo-wareedyo xooggan ayaa sheegaya in dhimashadiisu ay ahayd mid dabiici ah oo uu si iskii ah isuga dhintay. Halka cadeymo xilli dambe soo baxayna ay shaaciyeen in gacanta lagu bakhtiiyey oo loo adeegsaday xukun uu bixiyey Mengistu oo ahaa hoggaamiyihii Dergiga, wakhtigaanna Itoobiya ka talinayey oo kursiga fuushanaa ka soo bilow 1974kii ilaa 1991kii oo ay kooxdii TPLF oo uu Males Zenawi hoggaamiye u ahaa kala wareegtay xukunka, wuxuuna ugu dambayn Mingistu u fakaday waddanka Zimbabwe, halkaas oo uu magan-galyo siyaasaddeed ka helay. Waxa la sheegaa in uu dib u soo celiey dayuuradii u ku baxsaday bistooladdii iyo qalinkii xafiiska oo uu sheey in ay ahaayeen hanti dowladdeed. Mengistu waxa uu ka id yahay beeralayda magaalada Xaraare ee waddanka Zimbabwe. Si la mid ah sidaas, Males Zenawi oo xukunka qori ku qabsaday ayaa ayaa dhintay bishii Ogos, 2012kii.
W/Q: Khaalid Curaagte