Haddii la odhan jiray Carabi waxay ku heshisay in aanay waligeeed hashiin maanta qaar Carabta kamidi waxay ku heshiiyeen in falastiin la cuno galin horeba. Dawlada israaiil waxay raadinaysay waligeed in xidhiidh la samaysato waddamada carabta waana tii 1979 Masar nabad la saxeexatay halka 1994 ay Urduna la saxeexatay, 1993 fatax iyo heshiiskii oslo.
Hadda waxa dad badani is waydiinayaan sababta ay imaraadka doorkan u doorteen taasi oo uu ku macneeyay Cabdi baari Cudwaan in ay tahay khatarta ay israaiil ka baqayso ee iiraan waxaana heshiisku u muuqdaa in marka la eego diyaaradaha uu ka iibinaayo Maraykanku Imaaraadka in meesha ay ku hoos jirto duulaan lagu qaado Jamhuuriyada Islaamiga ee Iiraan.
Arrinta kale ee dad badani suโaalo laga keenay waa qaab ka heshiiska oo nabadayna taasi oo aan waligood dagaal dhex marin Israaiil iyo imaaraadka iyo baxrayn oo dhinaca balse laga dhiganaayo hal ku dheg doorasho oo madaxwayne Trum ah, halka lagu xaman jiray in waligood wadda shaqayn hoose jirtay.
Arrinta ka sii cajiibsan waxa weeyi in heshiika lagu sheegay in israaiil ay joojinayso damaceedii ahaa in dhulka daanta galbeed ee reer falastiin la wareegto uu heshiiskani joojinaayo taasi oo sharci daro la leeyahay sharci daradiibaanu joojinaynaa, oo reer falastiin baa joogee maxaad adigu u matalaysaa.
Arrinta kale ee ka sii daran waa hadalka uu sheegay Maxamed Siisi oo ah in talaabadani ay sii xoojinayso geedi socodkii nabada. Iyadoo la wada ogyahay xaalada heshiiskii Oslo iyo sida israaiil ay dhamaan shuruucda caalamiga iyo qiyamka dawladnimo ugu tumatay iyadoo maraykanku madaxa usalaaxayo. Arrintanina waxay falanqeeyayaashu ku tilmaameen in musbaarkii u dambeeyay lagu dhuftay naxashkii qadiyada falastiin.
Dhinaca kale waxay dadka qaar ku doodeen in ay doonaysay israaiil in ay ka ag dhawaawo barin biyoodka baabul mandab iyo hormos ee mashquulka badan taasi oo fursado istaraatajiyadeed usiinasa maadaama uu dunida isku xidho iyadoo marka horeba jootay jasiirado yar yar oo ku dhaw waa sida uu qabo Cabdala nafiisi.
Mudane Cudwaan waxa uu ku dooday maxay waydaarsadeen taasi oo dad badani u fasirteen marka ay ka hadlayaan qodobada heshiiksa dhinaca dalxiiska in gacan ku dhiiglayaashii xasuuqay ummadda reer falastiin in ay usoo tumasho iyo tamashle tagaan imaraadka. Markii hore heshiika waxa ugu muhiim sanaa in Nabad Dhul la dhaafado tiina ma jirto.
Dhinaca kale falastiiniyiintu waxay ku doodaan in israaiil aanay nabad doonayn ee ay doonayaa is dhiibid iyagoo laalay wixii Oslo 1993 lagu soo heshiiyay ee ahaa labba dawladood oo jaara halka qaar kale ku doodaan in maamul hoosaadka falastiiniyiintu leeyihiin loo abuuray is ay u ilaaliyaan israaiil waxaana sidaasi qaba aqoon yahayn Nashaat aqdash oo falasdiiniya.
Mushkilada ugu wayn ee israaiil haysaana waa cabsida mustaqbalka oo ay ka baqaan waxa dhici doona. Taasi oo hadda ugu wayn tahay Iiraan xageeda waxayna u sawireen carab in Iiraan ay haysato afar caasimadood oo carbeed halka israaiil ay haysato caasimad kaliya. Sidaa daraadeed wax heshiis Nabadeed la yidhaahdo ma jiro ee waa xulafaysi Iiraan iyo turkiga lagu khuukinaayo. waxa xigi doona Qaybta 2aad.
Qalinkii : Axmed Cali Kaahin.ย ย ย aakaahin@yahoo.com