Xubin Ka Mid Ah Guddiga Qaban-Qaabada Shirweynaha Kulmiye Oo Sheegay In Saylici & Saajin Tartamayaan, Haddii Lagu Guul-Daraysto Waan-waanta Socota

Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye ayaa ka hadlay loolanka ka dhex taagan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo Wasiirka Ganacsiga, oo hadda laga dhex wado heshiis dhexdooda ah.

Siyaasi Maxamed Ibraahim Madar oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waa dhab oo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ah Guddoomiye ku-xigeenka afraad ee Xisbiga Kulmiye, ayaa waxaa shaaciyey inuu la tartamayo Wasiirka Ganacsiga, inay tartamaana sharciga iyo xeerka Xisbiga ayaa ogol, laakiin hadda ergooyin ayaa iskaga daba qaadaya oo si gooni gooniya ula kulmay, si isfahan iyo heshiis looga dhex dhaliyo, haddii ay is fahmaan oo isku tanaasulan heshiisna gaadhan waa caadi, laakiin haddii lagu guul daraysto heshiiska laga dhex wado Madaxweyne ku xigeenka iyo Wasiirka Ganacsigu dantu waxay keenaysa inay ku kala calaf qaadan  Shirweynaha Xisbiga Kulmiye”.

Dhanka kale, Siyaasi Maxamed Ibraahim Madar ayaa ka hadlay halka uu marayo qaban-qaabada Shirweynaha afraad ee Xisbiga Kulmiye oo uu guddigiisa qaban-qaabada ka mid yahay, waxaanu tilmaamay inay meel fiican wax u marayaan, kuna rejo weyn yahay in Shirweynuhu si fiican ugu qabsoomo.

Siyaasi Maxamed Ibraahim Madar oo hadda ka mid ah Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha 4-aad ee Kulmiye ayaa Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo ka soo noqday Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maxamed Xasan Sacad (Saajin) ayaa doonaya inuu hanto Kursiga Afraad ee hoggaanka Xisbiga Kulmiye, kaasi oo uu hadda ku fadhiyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Xigasho: Geeska Afrika