Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha Afraad ee Xisbiga KULMIYE oo Arrimo Muhiim ah La Wadaagay Ergooyinka

Xubnaha guddida qaban-qaabada shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, ayaa ka hadlay halka ay u marayaan hawlaha qaban-qaabada ee shirweynaha, waxana ay farriimo muhiim ah u direen ergooyinka shirweynaha ka qaybgelaya ee ka imanaya gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu horrayn xoghayaha guddida qaban-qaabada, Mudane Faysal Cumar Madar (Faysal Qumuj) oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday waxyaabaha ilaa haatan u qabsoomay, waxana uu sheegay inay guddi ahaan madasha shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE ugu talo galeen inay kasoo xaadiraan Kun iyo Boqol Ergay, islaa iyo imikana ay is diiwaangeliyeen tiro ergooyin ah oo dhan siddeed boqol iyo sagaal iyo toddobaatan ergay, isaga oo xubnaha aan weli is diiwaangelin ay waqtiga dhawraan oo ay kaadhadhkooda soo doontaan.

Dr. Carabayto oo kamid ah xubnaha guddida qaban-qaabada shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, ayaa isaguna caddeeyey inay guddi ahaan xil weyn iska saareen badqabka iyo caafimaadka xubnaha ergooyinka tirada badan ee kasoo qaybgeli doona shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, islamarkaana ay diyaariyeen jawi ergey kasta u saamaxaya inuu helo dhammaanba agabka lagaga hortago xanuunka COVID-19 oo waqtigan adduunka cidhiidhi badan ku haya, islamarkaana qof kasta xummaddiisa la cabirri doono, xubno dhakhaatiir ahina madasha ku sugnaan doonaan.

Ugu dambayntii guddoomiyaha guddida qabanqaabada shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), ayaa isaguna dhammaanba ergooyinka iyo marti-sharafta shirweynaha kasoo qaybgeli doonta ugu baaqay inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan, guddi ahaanna ay muhiimad ballaadhan siin doonaan badqabka ergooyinka.