Xuquuqda shaqaalaha ‘’Dawli vs Rayid’’ (WQ: Mahad Maxamed Xuseen)

Hordhac

Qoraalkan yare ee kooban waxaan kaga hadli doonaa Xuquuqda shaqo. Xuquuqda shaqo waa Xuquuqda ka dhexeysa dadka wada shaqeeya oo laba mid uun noqonaya loo shaqeeye iyo shaqaale. Xuquuqda ka dhexaysa waa in mid kastaaba waajibaadkiisa guto kana ilaaliyo dhinaca kale tacadiga iyo xadgudubka.

Qoraalkan waxaynu ka kala eegaynaa dhinacyo kala duwan haday noqoto qaanuunka dawliga ah iyo qaanuunka dalka.

Intaynaan Xuquuqda shaqaalinimo u gelin waxa muhiim ah inaynu isla fahano micnaha ‘’Shaqaale’’ hadaynu qeexno waa qofkasta oo u shaqeeya qof kale ama shirkad dawlad ama dhinac kale kaas oo ku shaqeeya mushahar iyo gunno ay ku heshiiyeen qabtana shaqo cayiman oo loo xilsaaray.

‘’loo shaeeye’’ waa qof bixinaya mushahar iyo gunno si loogu qabto adeeg kaas oo ku kormeeraya qofka uu shaqaaleystay.

Hadaba shaqaaluhu dhawr nooc ayuu noqon karaa oo kala ah

  • Shaqaale dawladeed
  • Shaqaale rayid
  • Qandaraasle
  • Xirfadle

Noocyaddan kala duwan ee shaqaalaha ah hadaynu mid mid u yar sharaxno waxay kala yihiin ‘’ shaqaale dawladeed’’ waa qofkasta oo u shaqeeya dawladda kaas oo ku jira nidaamka dawliga ah ee payrollka, shaqada uu qabtaana waa bixinta adeeg dawladeed, wuxuuna ka mushahar qaataa dawladda waxaana nidaam ahaan u hoos yimaadaa hay’adda shaqaalaha dawladda, waxaana lagu maamulaa xeerka shaqaalaha dawladda.

‘’shaqaale rayid’’ waa qofkasta oo u shaqeeya shirkad ama meel gaar ah oo aan aheyn meel dawli ah ee ah meel shaksi ah qabtana adeeg ganacsi ama adeeg faa’do doon ah, wuxuuna hoos tagaa kolba cidda uu u shaqeynayo ee loo shaqeeyaha ah. Sdoo kale waxa lagu maamulaa xeerka shaqalaha rayid ah.

‘’qandaraasle vs xirfadle’’ labadan shaqo xoog ayay iskugu dhaw yihiin waxaanay kaga duwan yihiin labaddii hore ee nooc shaqo, labadan shaqo qofku wuxuu u shaqeyn karaa dawli iyo shaqo gaar ah ‘rayid’, halka labadii shaqo ee hore qof shaqaalaha ah aan loo ogolayn in uu ka shaqeeyo.

Labadan shaqo ee danbe waxay yihiin marka qofka shaqaalaha ahi ku shaqeysanayo xirfadiisa ama takhasus gaar ah oo uu leeyahay, noocan shaqada ahi waxay dhamaataa marka ay dhamaanto shaqadii aad qandaraaska ku qadatay ama xirfadaada laguugu dhiibay

Tusaale qofka lawyer ka ah shaqadiisu waxay bilaabantaa marka muwakilka qofkii uu ahaa ogolaanshaha wakaladda siiyo waxaanay dhamaata marki case kii dhamaado, wuxu ku shaqeysanayaa waa xirfadiisii gaar aheyd.

Hadaynu Tusaale usoo qaadano qandaraaslaha waxa isna ka mid ah shirkadaha guryaha dhisa ‘’construction companies’’ marka gurigii laguu dhiso ayay shaqadiina dhamaanaysaa. Labbadan nooc ee shaqo ee danbe badanka ma maamulaan dadka ay qandaraaska ka qaateen ama dadka ay khibradooda ugu shaqeynayaan.

XUQUUQDA SHAQO

Marka hore waxa isweydiin mudan qofku hadanu shaqo heynba ama aanu helayn xuquuq shaqaale ma imanayso sidaas dated waxa muhiim ah in marka hore fahano Xuquuqda qofkasta uu uleeyahay in uu shaqo helo.

Xaqa shaqada waa mid ka mid ah waxyaabaha aasaasiga u ah xuquuqaha iyo noloshaba waxaana qofka loogu damanaad qaaday xeerar badan iyo cahdiyo duwali ah iyo mid dawladeed ba. Sida cahdiga xuquuqulinsaanka ee paris 1948 december. Qodobkiisa 23 wuxuu si cad u sheegayaa in qofkastaaba uu xaq u leeyahay in uu shaqo helo shaqo ikhtiyaari ah oo ku haboon lagana ilaaliyo in uu shaqo waa ku dhaco.

Waxa Xuquuqda shaqo ka hadla cahdigii Xuquuqda bini’aadantinmadda iyo dadka ee Africa qodobkiisa 15 wuxuu odhanayaa qofkastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu shaqeeyo oo shaqo helo iyo inuu qaato lacag u dhiganta shaqada uu qabto, kuna shaqeeyo xaalado munaasib ah oo loo  siman yahay.

Waxa kale oo ka hadla baaqa caalamiga ah ee wadamadda islaamka ee lagu qabtay qaahira qodobkiisa 13 in ay shaqadu tahay xuquuq ay damaanad qaadeen Gobolka iyo Jaaliyaddu qof kasta oo awood u leh inuu shaqeeyo. Qof kastaa wuxuu xor u yahay inuu doorto shaqada isaga ku habboon ee u adeegaysa danahiisa iyo tan bulshada. Shaqaaluhu wuxuu xaq u leeyahay inuu ku raaxeysto nabadgelyo iyo badbaado iyo sidoo kale dhammaan dammaanadaha kale ee bulshada. Looma dhiibi karo shaqo ka baxsan awoodiisa mana lagu qasbi doono qasab ama ka faa’iideysi ama waxyeelo sinaba. Wuxuu xaq u leeyahay – iyadoo aan loo kala soocin ragga iyo dumarka – mushahar cadaalad ah oo shaqadiisa ah dib u dhac la’aan, iyo sidoo kale gunnooyinka ciidaha iyo dallacaadaha uu u qalmo. Dhiniciisa, waa in looga baahan yahay inuu u huro shaqadiisa si taxaddar leh. Haddii shaqaalaha iyo loo shaqeeyeyaashu ku khilaafaan arrin kasta, Gobolku waa inuu soo farageliyaa si loo xalliyo muranka loona xalliyo cabashooyinka, xuquuqda la xaqiijiyo iyo in caddaaladda la dhaqan galiyo iyadoon eex lahayn. 

Hadaynu eegno dastuurka Somaliland qodobkiisa 20 faqradiisa koowaad in qofkasta xaq uleeyahay waajibna ay ku tahay haddii uu gudan garo, sidoo kale faqradani waxay sii sharaxysa cidda masuuul ka ah shaqo abuuristuna ay tahay dawladda.

Sidoo kale wax aka hadla xeerka shaqaalaha rayidka ah qod 7 in muwaadinkastaa xaq u leeyahay in uu shaqo helo iyadoon lagu kala saareyn jinsiyadda, midabka, fikirkiisa siyaasadeed diin iyo weliba hayb ahaan.

Xuquuqda shaqo waxa lagu sheegay meelo badan oo kale oo ay ka mid tahay yoolasha horumar waara ‘’sustainable development’’ tiirka 8aad. Magaca kale ee ay leeyihiin waa yoolasha aduunka ‘’Global Goals’’ Yoolashan muhiimadda loo sameeyay si loo dabarjaro faqriga iyo gaajadda si loo ilaaliyo deegaanka loona dhibaateyn in la hubiyo in dadku ku raaxeystaan cadaalad iyo barwaaqo.

Xuquuqda shaqo in uu helo waxay qofkasta u saamaxaysaa in uu horumar la taaban karo gaadho, qofka muwaadinka ahi in uu shaqo helo waxay dawladda u soo kordhinaysaa cashuur iyo dakhli taas oo kor u qaadeysa miisaaniyadda dawladda.

Dawaladdu waa inay samaysaa mashaariic iyo maalgelin badan oo dhalinyaradda lagaga saarayo shaqo la’aanta ka jirta wadanka inkastoo shaqo la’aantu ay tahay dhibaato geeska afrika iyo weliba kala badh dunida haysata waa inay dawladdu intii awoodeeda ah la dagaalantaa shaqo la’aanta. Waxyaabaha sababi kara wax aka mid ah in qofku xirfado badan oo uu ku shaqeysto aanu laheyn, iyo in kheyraadka iyo dadku kala bataan.

HESHIISKA SHAQO

Heshiiska shaqo waa heshiis iyo is af-garadka u dhexeeya qofka shaqaalaha ah iyo loo shaqeeyaha kaas  oo midkasta waajib ku noqonaya in uu fuliyo waajibaadkiisa ku xusan heshiiska shaqaalenimo, kaas oo dhinacyadu ay saxeexayaan. Sidoo kale heshiis shaqaalonimo wuxuu u dhaxeyn karaa shirkad iyo qof iyo qof iyo ururka shaqaalaha.

Heshiiska shaqalenimo wuxuu ilaaliyaa qeexaana xidhiidhka shaqo iyo weliba xidhiidhka sharci ee u dhexeynaya shaqalaaha iyo loo shaqeyaha.

Noocyadda heshiiska shaqaalinimo

  • Heshiish shaqo oo joogto ah ‘’permanent employment contract’’

Heshiiskan sida magiicasaba ka muuqata waa heshiis abidi ah waana heshiis ay shaqadu tahay joogto oo keliya waxay baabi kartaa marka qofka shaqalaaha ahi si iskii ah uga tago shaqadda ama loo shaqeeyuhu fasaxo siiyana xuquuqdiisii mana laha muddo cayiman.

  • Heshiis shaqo oo muddo ceyiman ah ‘’fixed employment contract’’

Heshiiskani waxa weeyi nooc heshiis oo ay ku heshiiyaan dhinacyaddu muddo cayiman in shaqadu ka dhaxeyso tusaale heshiis 1 sanno ah, in dib loo cusboonaysiiyo iyo in kale dhinayadda ayay u taalaa laakin noocan heshiis waxa la ogyahay wakhtiga uu dhamaanayo.

  • Heshiis shaqo oon caadi aheyn ‘’causal employment contract’’

Nooca sadexaad isagu wuxu kaga duwan yahay kuwii hore saacadaha shaqada Ayaan aheyn mid joogto ah ama aan aheyn mid ceyiman.

  • Heshiis shaqo carbis ‘’internship contract’’

Noocan heshiis laba mid uun buu noqdaa 1. In qofka shaqaalaha ahi yahay mid xirfadle ah oo aqoonna leh shaqa caadiyana qabanaya kaliya ay tahay shaqo mushahar la’aan ah. 2. Iyo in qofka shaqaalaha ah lagu tababarayo shaqadda oo aanu xirfad u laheyn shaqadaas.

Akhri qodobka 25 ee xeerka shaqaalaha rayidka ah

Waxyaabaha uu ka kooban yahay heshiiska shaqo

  • Saacadaha shaqada
  • Xuquuqda shaqaalaha iyo Waajibaadka shaalaha
  • Xuquuda loo shaqeyaha iyo waajibaadkiisa
  • Muddada heshiiska iyo nooca heshiiska
  • Mushaharka iyo gunadda shaqaalaha
  • Faa’idooyinka ‘benefitska’.
  • Fasaxyadda shaqalaaha
  • Waxyaabaha heshiiska lagu baabiin karo ‘termination of the contract’’
  • Magaca iyo faahfaahinta shaqsiyeed ee loo shaqeeyaha iyo shaqaalaha
  • Taariikhda shaqada la bilaabayo
  • Cinwaan shaqo iyo sharaxaad kooban oo ku saabsan shaqadda.
  • Hawlaha iyo waajibaadka uu qabto shaqaaluhu
  • Tirada saacadaha la shaqeeyo asbuucii iyo maalintiiba.
  • Nooca shaqada (tusaale, wakhti buuxa, wakhti dhiman ama aan caadi ahayn)
  • Qaabka loo bixiyo (yacni mushaharka, gunadda , komishanka ama qayb yar)
  • Tirada ogeysiiska looga baahan yahay inay siiso loo shaqeeyaha iyo shaqaaluhu si loo joojiyo xiriirka shaqada
  • Heshiiska sirta
  • Qodobadda xalinta khilaafkaadka
  • Shuruucda wax looga qabanayo isbeddelada iman kara
  • doorka shaqaalaha ama baaxadda waajibaadkooda

sidee loo dhameeyaa heshiiska shaqo?

Labadda qof ee wada shaqeynaya xaq ayay u leeyihiin inay dhameeyaan kana bixi karaan heshiiska muddadii loogu talagalay heshiiska. Ka bixtaanka ama burinta heshiisku waxay noqotaa laba hab oo kala ah mid sharci iyo mid sharci darro ah.

Hababkan baa looga bixi karaa:-

  1. in qofka shaqalaha ahi shaqo ka tegis sameeyo oo is casilo ‘’resignation’’
  2. in uu dhamaado wakhtigii shaqada ama muddadii heshiiska.
  3. In s toos ah uga baxo qofka shaqalaha ahi ‘’ automatic termination’’ oo noqnaysa tuasaale ahaan marka uu xafidi waayo sirta shaqada ama uu galo dembi culus.
  4. In loo shaqeeyuhu uu fasaxo am aka eryo shaqada qofkii shaqaalaha ahaa
  5. Marka si sharcigu dhamaynayo ‘’operation of law’’ waa marka qofkii shaqaalaha ahaa uu dhinto ama loo shaqeyihii ama ku dhaco xanuun aan dawo laheyn lagana soo bogsan kareyn ama marka uu maskax ahaan waasho.

XUQUUQDA SHAQAALAHA

Xuquuqda shaqaaluhu waa xaqa uu qofka shaqaalaha ahi ku leeyahaya loo shaqeeyaha, sidoo kale Xuquuqda shaqaaluhu waa waajibaadka saran loo shaqeeyaha.

  • Qofkast oo shaqaal ah wuxuu Xaq u leeyahay in uu helo mushahar iyo gunno.
  • Waxa kale oo u leeyahay Xaqa in uu helo dhamaan noocyadda fasaxyadda.
  • Xaqa in uu helo aqoon korodhsi iyo tababaro kor loogu qaadayo aqoontiisa.
  • Xaqa in uu helo dalacaad iyo abaalmarino haduu u qalmo oo uu shaqo wanaaag la imaado.
  • Qofkastoo oo shaqaale ahi wuxuu leeyahay Xaqa xaqul ciidka labadda iidood ba.
  • Xaqa in la ixtiraamo oo aan la faquuqin oo aan la takoorin.
  • Xaqa in uu helo nasasho.
  • Xaqa in loo sinaado fursadaha shaqadda oo loo tartamo si cadaalad ah.
  • Xaqa in qofku ku shaqeeyo deegaan aan wayeelo u keenaynin naftiisa.
  • Dadka isku shaqada ahi ay helaan mushahar siman
  • Xaqa ceymiska caafimaadka, guriga iyo ceymiska hantidaba.
  • Xaqa in loo damanaad qaado shaqada oo aan sifo sharci darro ah lagu eryi Karin
  • Xaqa in uu shaqeeyo wakhti cayiman, haddii uu shaqeeyo saacado dheerad ahna wuxuu xaq u leeyahay in uu helo lacag dheeraad ah.
  • Xaqa in uu ku biiro urur shaqaale kana mid noqoan karo.
  • Xaqa in uu helo shaqadda uu qabanayo mushahar u dhigma.
  • Waxa kale oo u qofka shaqaale ahi xaq u leeyahay xaqsiin ‘’compesation’’ marka uu shaqada ka tago.

Hadynu eegno qodobka 23 ee baaqa Xuquuqda aadamaha faqradiisa 2, 3 iyo 4aad.

(2) Qof kastaa, iyada oo aan kala sooc lahayn, wuxuu xaq u leeyahay in loo siman yahay mushaharka dadka isku shaqada qabta.

(3) Qof kasta oo shaqeeya wuxuu xaq u leeyahay mushahar  iyo ixtiraam iyo wanaagba isaga iyo qoyskiisaba u xaqiijiya jiritaanka u qalma karaamada aadanaha, laguna kordhinayo, haddii loo baahdo, qaabab kale oo ilaalin bulsho ah.

(4) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu sameeyo ama uu ku biiro ururrada shaqaalaha si loo ilaaliyo danahiisa.

Isla baaqan xuquuqul insaanka qodobkiisa 24 wuxuu u dhigan yahay ‘’24 Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nasasho iyo firaaqo, oo ay ku jirto xaddidaadda macquulka ah ee saacadaha shaqada iyo ciidaha xilliyada leh ee mushaharka la siinayo.

Waajibaadka shaqaalaha

Sida qofka shaqaalaha ahi uu u leeyahay xuquuq ayay sidoo kale u saran tahay waajibaad taas oo noqonaysa Xuquuqda uu u kuleeyahay qofka loo shaqeeya ahi waxaana ka kid ah waajibaadkan:-

  • In uu xifdiyo sirta shaqada iyo danaha loo shaqeeyaha iyo shirkadaba
  • In uu si feejignaan ah u ilaaliyo alaabta uu ku shaqeynayo
  • In uu u dhaqmo si anshax leh iyo edaab leh
  • In uu fuliyo dhamaan amaradda uu loo shaqeeyuhu faro wixii aan ka hor imaneyn xeerka shaqalaha
  • In uu waafaqo shuruucda iyo xeerarka shaqadda
  • In uu si daacadnimo ah u shaqeeyo oo uu ka feejignaado khiyaamo iyo wax isdaba marin.
  • In uu ka fogaado iska hor imaadka danaha shirkadda
  • In uu ilaaliyo wakhtiga shaqadda.
  • In uu la shaqeeyo si wanagasan dhamaan shaqaalaha ay isku shaqada yihiin iyo loo shaqeeyahaba.

Fiiri qodobka 33 ee xeerka shaqaalaha rayidka ah iyo qodobadda 5 iyo 6 ee xeerka shaqaalaha dawladda.

Noocaydda fasaxyadda:- 

Shaqaale kastaaba waxa uu xaq u leeyahay in uu helo dhamaan noocyadda kala duwan ee fasaxyadda ee uu xaqa u leeyahay in uu qaato si shuruud la’aan ah, loo shaqeeyuhuna kama hor istaagi karo noocyadda kala duwan ee fasaxyadda. Waxaana guud ahaan ka kid ah fasaxyaddan hoos ku xusan

Fasaxa dhalmada ‘’maternity leave

Noocan fasax waa fasax la siiyo hooyadda uurka leh, inkastoo ay kala duwan tahay marka ay dhicso iyo marka ay umusho ay kala duwanaanayaan fasaxyadda ay helaysaa. Ugu badnaan waa 4 bilood oo ka bilaabanta marka ay hooyaddu uurka bisha 9 gasho, waxyaabaha kale e ay hooyaddu xaqa u leedahaya wax aka mid ah inaan laga saari Karin shaqadda ilaa ilmuhu uu gaadhayo 1 sanno jir.

FASAX SANADEEDKA

Noocan fasax waa fasax qof walba oo shaqaale ahi uu xaq u leeyahay in uu helo mudada fasaxani waa 30 cisho amah al bil sanadkasta, qofkastoo shaqaale ahi wuxuu xaq u helayaa mushaharkiisii oo dhamaeystiran inta uu ku jiro fasax sannadeedkiisa, wuxuu kaloo xaq u leeyahay in uu bedesho oo lacag ahaan ku qaato bishiisa fasaxa, haddii shaqadda uu hayo awgeed looga maarmi waayona wuu iibsan karaa oo lacag ahaan ayuu ku qaadan karaa.

FASAXA NAASNUUJINTA

Fasaxanna waxa qaata hooyadda umusha ee ilmaha naaska jiqsiinaysa ayaa waxa la siinayaa 1 sacaad oo laga jaraya saacadaha shaqadda ee caadiga ah.

Guud ahaan shaqaluhu waxay ka mideysan yihiin dhamaan xuquuqaha ee aynu soo sheegnaya waxaana ka mid fasaxyada oo dhawr nooc u kala baxa ‘

fasaxa bukaan

qofkasta oo shaqaale ahi wuxuu xaq u leeyahay in marka xaalad caafimaaad ku timaado la saacido oo la caawiyo haddii uu shaqadda uu qabanayay awgeed ku xanuusaday isna xuquuq gaar ah ayuu yeelanayaa oo noqon karta mushaharkiisoo dhan, dawadda iyo dhakhtarka kharashka ku baxaya.

fasaxa masuuliyadda qoyska

fasaxani waa qeyb ka mid ah fasaxyadda ay shaqaaluhu xaqa u leeyihiin oo qofka la siiyo marka uu aroosto ama ay geer ku timaado badankana waa 3 cisho.

Waxyaabaha ay ka siman yihiin waxaa ka mid ah saacadaha shaqada oo ah 8 saacadood

Fasaxyadda qaranka

  1. Ciidal Fidri Laba(2) Maalmood
  2. Ciidal Adxa Laba(2) Maalmood
  3. Dhalashada Nabiga Hal(1) Maalin
  4. AwalMuxaram Hal(1) Maalin
  5. Micraaju Nabi Hal(1) Maalin
  6. 1da May Hal(1) Maalin
  7. 18ka May Laba(2) Maalmood
  8. 26da June Hal (1) Maalin
  9. 1 January Hal ( 1 ) Maalin

Akhri qodobadda 34, 35 iyo 36 ee xeerka shaqaalaha dawladda.

Iyo qodobaddda 11, 12, 13, 14, 15, 16, 17, 18, 19 ee xeerka shaqaalaha rayidka ah.

NASASHO

Qofkasta oo shaqaale ahi wuxuu xaq u leeyahay in uu nasto, taas oo dhawr nooc u kala baxda oo kala ah maalintii inta uu shaqadda ku jiro wuxuu xaq u leeyahay in uu nasto 30 minute oo ku dhameysto dhamaan baahiyihiisa iyo nusaacihiisaba, marka shaqadda laga baxanna waxa uu xaq u yeelnayaa 12 saac oo nasasho ah oo noqonaysa marka uu shaqadda ka rawaxo ilaa inta uu berry shaqada ka soo galayo.

Nooca sadexaad ee nasashoa ahna waxay noqonaysaa nasashadda in uu helo usbuuciiba hal maalin oo nasasho ah taas oo badanka noqota maalinta jimcaha.

Akhri qodobka 11 xeerka shaqaalaha rayidka ah. 

WAXYAABAHA KA MAMNUUC AH SHAQAALAHA IYO LOO SHAQEEYAHA 

  1. FAQUUQ

Faquuq iyo in lakala saraysiiyo shaqaalaha waa sharci darrro iyadoo lagu kala sareysiinayo qabiil, qawmiyadd, jinsi, hab fikirkiisa, midabka, waxyaabahaas oo dhan waa ka mamnuuc in qof shaqaale ah lagula kaco.

  1. Shaqaaleysiinta qasabka ah

Shaqaaleysiinta khasabka ah waa marka qof shaqaale ah lagu shaqaaleysiiyo shaqo aanu rabin ama in loo dirro shaqadii uu qaban lahaa mid ka badan oo aanu awoodin iyadoo looga faa’ideysanayo baahidda jirta, sidaas daraadeed sharcigu wuu reebay in qofka shaqaalaha ah si khasab ah loo shaqaaleysiiyo.

  1. Shaqadda habeenkii

Shaqadda habeenkii caadi ahaan waa shaqadda ka bilaabanta 10 habeenimo ilaa 6 subaxnimo shaqada la qabto saacadahaas dhexdooda ayaa loo yaqaanaa shaqadda habeenimo, xeerarka wadankasta u yaala waa shay ay ka siman yihiin oo in haweenka iyo caruurtu ay shaqadda habeenimo qabtaan way mamnuucaan oo ma ogola in xilliyaadaas ay shaqeeyaan maxaa yeelay waxay aad wax ugu dhimaysaa caafimaadkooda iyo weliba amnigooda.

  1. Tartan aan cadaalad aheyn

Tartanka aan cadaaladda ku dhisneyni waa in siffo qof jeclaysi ah loo shaqaaleysiiyo dadka ee aan loo eegin shaqadda qofka aqoonteeda iyo khibardeedaba leh.

  1. Deegaan khatar ah in uu ka shaqeeyo shaqaaluhu

In qofka shaqaalaha ahi ka shaqeeyo meel naftiisa, maskaxdiisa wax u dhimaysa uu ka shaqeeyo waa mamnuuc oo sharcigu ma ogola, ,maadama ay nafta bini’aadamku ka qaalisan tahay shaqadda waa in iyadda la daryeelo oo la ilaaliyo.

  1. Siffo sharci darro ah in lagu eryo

Waxay timaadaa marka qofka shaqaalaha la eryo iyadoo aanu dhamaan heshiiskii shaqaddu, ama sababta lagu eryay ay tahay mid sifo sharci iyo xeer toona ku dhisnayn, tani waxay ka hortgaysaa in shaqaaluhu noqdo qof adoon ah oo xilli walba la eryi karo.

  1. Shaqaaleysiinta caruurta

Caruurta shaqooyinka loo dirayaa waxa la eegayaa maslaxadda caafimaadkiisa, jidhkiisa, mustaqbalkiisa, iyo weliba maskaxdiisa saameynta ay ku leedahay shaqaddda loo dirayaa hadii ay noqoto saamey togan waa mamnuuc shaqadaasi sharciguna ma ogola hadiise ay noqoto mid taban oo aan waxyeelo u geysaneynin caafimaadkiisa iyo maskaxiisaba wuu ka shaqeyn karaa ilmaha yari, in kastoo sideedaba ay mamnuuc tahay in la shaqaaleysiiyo ilmo yar oo caruur ah.

 

FAA’IDOOYINKA UU LEEYAHAY URURKA SHAQAALUHU

 

Qofkastoo shaqaale ahi wuxuu leeyahay xaqa in uu ku biro ururka shaqaalaha oo dantiisa ka shaqeyanaya, loo shaqeeyuhuna kuma qasbi karo in uu ka baxo ururkaas shaqaalaha shaqada kuma waayi karo in uu urur shaqaale ah galay.

Xuquuqda in uu shaqaaluhu geli karo ururo shaqaale waxa lagu damaanad qaaday cahdiyo iyo heshiisyio dhawr ah waxaana ka mid ah cahdig caalamiga ah ee xuquuda rayidka iyo siyaasdda ee la soo saaray 1966 taas oo dhaqan gashay 1976 bishii march ayaa qodobkiisa 22 ayaa wuxu nuxur ahaan sheegayaa in qofkastaaba xaq u leeyahay in uu ku biro urur shaqale sameyn karana isagu urur shaqaale si loo ilaaliyo danihiisa.

Ururka shaqaaluhu waa urur sharci ah oo ay ku midoobaan shaqaaluhu taas oo ay xaq u leyihiin muhiimadda ugu weyni ay tahay in ururku ilaaliyo danaha shaqaalaha kana hortago tacadiyadda ka dhanka ah shaqaalaha. Waxaana faa’idooyinkiisa ka mid ah:-

  • Ururadda shaqaaluhu waxay abuuraan fursado ay kula gorgortami karaan loo shaqeeyaha
  • Ururka shaqaaluhu wuxuu faa’ido u yeelan karaa in shaqada qofku noqonto mid sugan oo loo damanaad qaaday oo aan si fudud lagu eryi kareyn.
  • Wax kaloo abuuraan in mushaharka loo kordhiyo shaqaalaha
  • In la ilaaliyo sinaanshiyaha, cadaaladda.
  • In marka qofka shaqaalaha ahi gaadho da’da hawlgabka uu yeesho xuquuq gaar ah
  • In shaqaaluhu isku duubnaado oo uu yeesho awood

Ugu danbeyn waxaynu ka hadli doonaa hababka kala duwan ee loo qaado dacwadaha shaqaalaha. Dacwad ama muran shaqaale wuxuu iman karaa marka labadda qof ee heshiiska shaqaalenimo kuwada jira uu khilaaf soo kala dhexgalo ama mid ka mid ahi uu sharci darro ku kaco.

Noocyadda kala duwan ee anshax marinta shaqaalaha

Qofka shaqaalaha ahi marka uu galo fal danbiyeed ama waxyaabo ka baxsan waajibaadkiisa shaqo shaqadana wax u dhimaysa ama uu la imaado habacsani iyo daryeel la’aan ama masuuliyadd daro wuxu xaq u leeyahay in la anshax mariyo taas oo looga hortagayo shaqo eryidda waxaana guud ahaan ka mid ah:-

  1. Digniin afka ah
  2. Digniin qoraal ah
  3. In laga hakiyo mushaharkiisa
  4. In muddo laga joojiyo shaqadda
  5. Ka hakin dalacaad iyo abaal mari
  6. In labaddaba layskugu darro
  7. Shaqo dhimis

Fiiri ama EEG qodobka 28 aad xeerka shaqaalaha dawaladda iyo qodobadda 50 51 ee xeerka shaqaalaha rayidka ah.

 

HABABKA LOO QAADO DACWADAHA SHAQAALAHA DAWLADDA

Dacwadaha shaqaalaha dawladda waxaa loo qaadaa xarunkasta oo dawladeed waxay leedahay guddiga dacwadaha shaqalahaa waxaana ka mid agaasimaha guud, qof xafiiska shaqaalaha ka socda iyo qof sharci yaqaan ah badanka halkaas ayay fadhiga koowaad  ee dacwaddu ka soo  bilaabantaa, ka dib waxay timaadaa hay’adda shaqaalaha dawladda oo go’aan ka gaadha arinkaas, haddii dhinacyaddu ku qanci waayo wuxuu dacwad ka furanayaa maxkamadda sarre oo dacwaddu waxay noqonaysaa dacwad idaari ah.

Akhri qodobka ee 25, 26, iyo 27 xeerka shaqaalaha dawladda.

HABABKA LOO QAADO DACWADAHA SHAQAALAHA RAYIDKA AHA

Dacwadaha shaqaalaha rayidka ah waxa jira guddi ka garnaqda oo lagu magacaabo gudida dacwadaha shaqaalaha rayidka ah, gudidani waxay hoos timaadaa wasaradda shaqo-gelinta iyo arimaha bulshadda,gaar ahaan xafiiska ‘’labour inspector’’ taas oo dhinacyadda si isku mid ah u dhageysanaysa waaxanay kaga garnaqeysaa muddo 14 cisho ah iyadoo go’aan ka soo saareysa, go’aankaasi maaha mid fulin leh ama kama dambeysa, haddii go’aankaas ku qanci waayo dhinac waxa u furan xaqii racfaanka oo waxay tagayaan maxkamadda gobolka, ka dib maxkamadda sare oo soo saareysa go’aanka kama danbeysta ah.

Akhri qodobka 39 aad xeerka shaqaalaha rayidka ah.

LABADDAN GUDDI MARKA AY DHAGEYSANAYAA DACWADAHA SHAQALAHA IYO LOO SHAQEEYAHA WAXYAABAHA AY DHAWRAYAAN WAXA KA MID AH:-

  1. Xaqa in ay dhinacyaddu helaan dhageysi cadaalad iyo mabaa’dida sharci ku dhisan.
  2. Xaqa madaxbanaanida guddiga oo laga hortagayo waxyaabaha faragelinta ku ah.
  3. Xaqa in si siman loo dhageysto labadda dhinac.
  4. Xaqa in jaanis iyo fursado isku mid ah la siiyo dhinacyadda.
  5. Sareynta sharciga
  6. Go’aan ku dhisan cadaalad, sharci, sinaaanshiyo.
  7. Xaqa racfaan qaadashadda.
  8. Xaq in midkoodba u leeyahay in uu duro ‘disqualification; haddii uu ku qanci waayo habka looga garnaqayo dacwadiisa.

GABAGABO

Qoraalkan kooban waxaan ugu talagalay in ka faa’ideystaan cidkasto oo shaqaale ah iyo cid kasta oo loo shaqeeya ahiba si midba midka kale u barto xuquuqdiisa una ilaaliyo, taas oo yareyn karta khilaafaadka ka imaada goobaha shaqadda, haddii khilaafku batana waxay saameyn ku yeelataa shaqadii oo waxay keeni kartaa faa’ido darro iyo shaqadii oo dayacmata yeelan wayda wax midho dhal ah.

Waxaan kaga hadlay dhawr mawduuc oo kaga mid yihiin Xuquuqda muwaadinka iyo qofkastoo kaliba ay xaqa in shaqadda ay helaan u leeyihiin, iyo guud ahaan Xuquuqda shaqada ee shaqaaluhu leeyahay, ururadda shaqaalaha iyo muhiimadda ay u leeyihihiin shaqaalaha, iyo hababka loo garnaqo dawacadaha shaqaalaha.

Qoraakan kooban waxan sidoo kale kaga hadlay dhamaan cahdiyadda caalamiga ah iyo baaqyadda caalamiga ah ee ilaalinya Xuquuqda shaqaalaha oo damaanad qaadaya xuquuqo badan oo shaqaaluhu leeyihiin. Sidoo kale waxaan si kooban uga hadlay heshiiska shaqaalaha iyo waxyaabaha uu ka kooban yahay. Iyo hababka kala duan ee anshax marinta.

Waxaan kale oo xusay waxyaabaha ka manuuca ah shaqaalaha in lagula kaco iyo guddiyadda shaqaalaha ka garnaqa waxyaabaha looga baahan yahay si guud. Qoraal laguma soo koobi karo Xuquuqda shaqaalaha laakin waxaan ugu talagalay si guud in uu u fahmi karo qofkasta oo shaqaale ah iyo qofkasto oo loo shaqeeya ahiba.

Waxaan soo jeedin lahaa in qofkastoo shaqaale ahi iyo loo shaqeeyo ahiba barto ugu yaraan xeerka shaqaaaalaha si ay u ixtiraamaan Xuquuqda midba midka kale ku leeyahay kana fogaadaan tacadiga iyo waxyaabaha sharci daroda aha.

TIXRAAC
1. Dastuurka hamhuuritadda Somaliland 2001

  1. xeerka shaqaalaha dawladda xeer lr 7/1996 oo wax kabedel iyo kaabis lagu sameeyay horayaalana golaha sharci dejinta.
  2. xeerka shaqaalaha rayid ah xeer lr 31/2004/007/10 isna waxkabedel iyo kaabis lagu sameeyay
  3. baaqa caalamiga ah ee Xuquuqda aadana ee paris 1948
  4. baaqa Xuquuqda dadka iyo bini’aadamka ee Africa 20 July 1979.
  5. baaqa islaamiga ah ee Xuquuqda bini;aadantimiadda ee qaahira
  6. cahdiga caalamiga ah ee Xuquuqda dhaqaalaha, bulshadda iyo dhaqanka ee 1966
  7. cahdiga caalamiga ah ee Xuquuqda rayidka iyo siyaasadda ee 1976

9.https://www.epi.org/publication/briefingpapers_bp143/#:~:text=This%20paper%20has%20presented%20evidence,legislated%20labor%20protections%20such%20as

Author

Mahad Mohamed Hussein

Contact: phone num 634222758

Email: mahadmohamed203@gmail.com

Legal practioner.

Legal commentator.

Legal advisor ministry of energy and minerals.  

Independent lawyer.