Xurmo La’aanta Baraha Bulshada ─Sababaheeda iyo Saamaynta ay ku Leedahay Shakhsiyadda Qofka “Online disinhibition” (WQ: Dr. Cabdikariim Daahir Xasan)

Afeef: ereyga Ingiriisiga ah ee “disinhibition” waxa aan ku fasiray xurmo darro ama xayo la’aan, haddii aad erey Somali ah oo kaga sii haboon taqaano fadlan nagula wadaan xaga hoose.

Dad badan ayaa laba shakhsiyadood leh. Mid lagu yaqaan nolosha caadiga ah iyo mid ay ku mayracdaan guud ahaan internetka, gaar ahaanna, baraha bulshada. Waxyaalo aanay sameeyeen ama ku hadleen marka ay dadka fool-ka-fool ula hadlayaan ayay sameeyaan ama yidhaahdaan marka ay adeegsanayaan baraha bulshada!! Qofku wuu furfurmaa oo xaruuri ayuu noqdaa; xakamaha ayaa ka debca. Wuxuu ku dhiiradaa inuu kal furnaan isu cabiro; aragtidiisa oo isla saxnaan badani ku lammaantahay ayuu u dhiibtaa uguna doodaa si ka duwan shakhsiyaddiisa dhabta ah. Culimada nafsigu xaaladan waxay u bixiyeen “the online disinhibition effect.” Xaaladdan oo aynu ku macnayn karno “xurmo la’aanta baraha bulshada ” waxa ay leedahay laba waji oo iska soo horjeeda.

Waxa dhacda in qofku bulshada la wadaago arrimo isaga khaas u ah; waxa laga yaabaa inuu daboolka ka qaado caadifado gaar ah sida murugo, cabsi, riyooyinkiisa, guulihiisa, ama werweradiisa. Mararka qaar waxa qofka ka soo burqata naxariis iyo keni jileec aan lagu aqoon, isaga laftiisuna isku ogayn, waxa uu muujiyaa faxalnimo ama geesinimo aan laga filayn. Waxa dhici karta in uu daboolka ka qaado kalsooni darro uu qarsanayay, inuu talo dalbado. Xakame goosashada noocan ah waxa layidhiaa xurmo la’aan fudud “benign disinhibition”. Taas waxa kasoo horjeeda in qofku soo butaaco afxumo, cadho, iyo nacayb, qabiilinimo iyo durid aan gar ahayn oo aanuu duruufaha caadiga ah u badheedheen, dhaqankiisa fool-ka-foolka ahna lagu aqoon- xakame goosiga noocan ah waxay culimada saykoolajigu u bixiyeen xurmo la’aan xun “toxic disinhibition”.

Aqoonyahanka xaaladdan daraasadeeyay waxa ugu horreeyay, calankana u sida,  Dr John Suler, Ph.D oo ka tirsan Jaamacada Rider Univesity. Dr Suler waxa uu ku takhasusay Saykoolajiga hab-dhaqanada internetka (The psychology of Cyperspace). Sannadkii 2004 tii ayuu cilmi-baadhistii ugu horaysa ee mowduuca “online disinhibition” ka diyaariyay, taasi oo sees u noqotay dhammaan daraasadihii ka danbeeyay ee mowduucan laga diyaariyay. Sida ay diiwaan gelisay mareegta magaca wayn ee lagu ururiyo cilmibaadhisa ee PubMed, daraasadda Dr Suler oo la xigtay 4599 jeer, waxa dejisay lix arimood oo sabab u noqon kara in qof ay ku dhacdo “online disinhibition”.

Iyadoo lixdaa arrimood laga duulayo ayaa aqoonyahanka cilmi-nafsigu waxay aaminsanyihiin in sababahaas da’yarta ku carin kara xurmo la’aanta baraha bulshada “online disinhibition” ay sii xoojiyaan khibrad yaraan, muuqasho jacayl iyo aqoon darro ka haysata sida si togan loogu cabbiro caadifaddooda. Da’yar badan ayaan wali shakhsiyaddooda baran, jiritaankooduna aanu yool muuqda yeelan, waxay ku jiraan degenaansho la’aan maskaxeed taas oo ku riixda in ay ku tallaabsadaan falal aanay ka sii fikirin cidhibtooda danbe ama aanay miisaamin saamaynta ay ku yeelan doonaan shakhsiyaddooda samaysmaysa iyo muuqaalka bulshadu ka qaadan doonto.

Dadka waawayn iyagu way ka duwan yihiin da’yarta. Inta badan waxa dabada ka riixaya dareen guuldarro, aargoosi iyo han jab. Tusaale qof siyaasadda ku fashilmay oo cadho u qaba qofkasta oo uu ka dhex arko in uu qayb ka ahaa fashilaadda guushii isagu uu jeclaa in uu gaadho. Sababaha keena “online disinhibition” ee Dr John Suler uu hindisay waxaynu kusoo koobi doonaa dhowrkan arrimood ee aynu hoos ku sharaxnay.

  1. Ima taqaanid: Qofka oo og in haybtiisu qarsoon tahay ayaa ku dhiirada inuu u dhaqmo si aanu u dhaqmeen haddii uu ogyahay in la garan doono ─Dissociative anonymity. “Anonymity” waa hayb-qarsoonaan; waa sitaarad qofka ka daahday in shakhsiyaddiisa iyo ficilkiisa la isla doonto, waana ta keenta in qofku yeesho laba shakhsiyadood oo iska soo horjeeda: mid uu dadka kula dhaqmo nolosha guud iyo mid xakamo goys ah oo uu kaga dhex atooreeyo caalamka qarsoon ee internet-ka.
  2. Ima aragtid: Qodobkaa hore waxa uu tilmaamay shakhsi aan gebigiiba la aqoon oo meel loo raaco la garan karin (inkastoo dad tiro yar oo aqoon dheer u leh IT gu ay soo heli karaan), qodobkan labaadna waxa uu tilmaamayaa qof la garan karo laakiin gabashadiisu tahay ─Invisibility oo ah qarsoonaan. Waa qof la garanayo oo haddana dabeecaddiisa internet ku aad uga dhiiran tahay shakhsiyaddiisa caadiga ah. Dadku ma arkaan sida wajiga akhristuhu uga falceliyo waxa ay qoraan, ma arkaan sida qoraalkoodu u saameeyo dareenka nafsiga ah ee akhristeyaasha. Dareen celinta wajigu (facial expressions) qayb muhiim ah ayay ka qaadataa xadhiidhka bani’aadanka; haddii ay kaa qarsoontahay oo aanad akhriyi karin wajiga qofka waxay da’yar badan dhaxalsiisaa khajilaad iyo qoomamo la’aan ku saabsan hab-dhaqankooda qalafsan ee baraha bulshada.
  1. Isma soo gaadhno: Asynchronicity─ Marka laga wada xidhiidhayo iimayl, tuwitar ama fays-buuk waxa suuro gal ah dadku isu warceliyaan amino kala fog iyagoo adeegsanaya hadal mutuxan. Qof waliba muddo badan ayuu u helaa inuu rogrogo warcelintiisa taasina waxay fududayn kartaa isfahan darro iyo buunbuuninta caadifadaha qaar (exaggeration of emotions). Waana mid kamid ah sababaha xurmo-darrada. “Asynchronicity” waxay mushkilad wayn noqotaa haddii sheekadu dadbadan u furan tahay oo sheeko wadaagayaasha qaarkood u qaataan in si gaar ah loo duray ama sharaftooda la liiday. Waxa dhici karta in qofka caadifadi madax marto oo uu daboolka ka qaado dareen qoto dheer oo uu qari is lahaa, ama uu deexdo xaglin iyo xagjirnimo aan hore loogu ogayn.
  1. Dadka qaar oo u qaata in noloshiisa caadiga ah iyo ta internet ku yihiin laba caalam oo kala madaxbanaan ─Dissociative Imagination. isagoo dareensan in uu ku awood badan yahay caalamka mala’awaalka ah ee qarsoon. Tusaale, waxa uu la doodayaa dad aqoon ahaan, karti ahaan iyo khibrad ahaanba aad uga sarreeya oo aanay isasoo gaadheen nolosha dhabta ah. Waxa uu dhalleecaynayaa qof mas’uul ah oo uu ciqaab ku mudan lahaa haddii uu bannaanka sidaa ku samayn lahaa. Waxa uu metelayaa shakhsiyad aan dhab ahayn oo aanu mutaysan sida aqoonyahan, abwaan, qoraa, dhaqaale yahan iyo kuwo lamid ah. Sidaa darteed waxa uu ku kala nool yahay laba adduun oo is dhinac socda (two parallel universes). Qofku waxa uu kala soocaa “dissociates” adduun mala’awaal ah oo uu kayahay halyahay aan libiqsan kana madhan baahiyaha, mas’uuliyadaha iyo abaal marinaha ka dhasha dhaqanka qofka haddii uu taraaro iyo adduunkii caadiga ahaa oo uu qunyar socod tallaabada dhukubiya yahay. Dr Emily Finch oo ah bare sare oo ka tirsan Jaamacda Surrey, UK kuna takhasustay aqoonta Criminology muddo dheerna baadhitaan ku samaynaysay xatooyada haybta qofka “Identity theft in the cyberspace” ayaa waxay leedahay “dadka qaar dhaqankooda internet ka waxay u haystaan inuu yahay ciyaar aan lagu dabaqi karin sharciga iyo akhlaaqda xukuma dhaqankeena nolosha caadiga ah” iyadoo sii sharaxaysa sida maskaxdoodu u shaqayso ayaa waxay raacisay “ inta ay dhex mushaaxayaan internet ka waa xakama-goys ah libiqsiga aqoon, marka ay kombiyuutarka bakhtiiyaana waxay u soo laabtaaan shakhsiyaddoodii dhowrsanayd”. Khatarta arrintan Dissociative Imagination ay leedahay waxa weeye in dad badan ay ku qarqoomaan adduunkaas mala’awaalka ah, shakhsiyaddii ay abuureenna waxay u soo talowdaa nolol maalmeedkooda. Waxa jira jariimooyin kala duwan oo ay ku kacaan dadka xaaladdani la fogaatay.
  1. Qodobkani waxa uu saamayn ku leeyahay dadka bulshda awooda ku leh. Awooddaasi ha noqoto mid madaxnimo, mid diineed, mid dhaqan, ama mid hantiyeed e. Dadka hormuudka ka ah noloshooda waxa ku xeeran xeerar aad u tiro badan oo xadeeya waxa ay odhan karaan, aragtida ay dadka la wadaagi karaan iyo doodaha ay ka qab geli karaanba. Caalamka internetku dadkan waxa uu u suuro geliyaa in ay mas’uuliyadda bulsho iyo xeerarka dabrayaba ka faro muruxsadaan iyagoo ka faa’iidaysanay qarsoonaanta─ Minimization of status and authority. Marka dhinaca dadka laga eego, dadku kuma keni adka in ay goodiyaan, duraan ama yasaan qof awood leh marka ay horjoogaan, laakiin haddii ay ogyihiin in qof mas’uul sare ahi internetka kula jiro waxay ku dhiiradaan in ay qalafsanaan xad-dhaaf ah kula dhaqmaan sababta oo ah baraha bulshadu dadka waxay siiyaan madal loo siman yahay oo isku derejo layahay, awoodda iyo saamaynteeda nafsiga ahina qarsoon tahay. Taasi waxay fursad siisaa ay dad badani ku edeb daroodaan, xurmo daro badanna ay ku kacaan.
  1. Aniga uunbaa isla hadlaaya: Marka qof akhriyayo qoraal qof kale qoray waxa dhacda in qoraalkaas uu u samaynayo cod ama hummaag qof kale oo maskaxdiisa uu ka dhex maqlayo. Waxay ka dhigan tahay sidiiyoo maskaxda akhristuhu ay la midowday maskaxda qoraaga oo codkiisiina ka dhex gurxamayo maskaxda akhirstaha. Xaaladdan waxa looyaqaan Solipsistic Introjection. Waa caadi in aynu qoraayaasha aynu qoraaladooda akhrino ama codkooda dhegaysano maskaxdeena ugu samayno hummaag aynu ka sawiranay sida aynu filayno in ay u eg yihiin, laakiin, dadka qaar marka ay qoraalkaa ka falcelinayaan waxay aaminaan in sheekaduba ka dhex socoto maskaxoodada uun oo cid kale aanay qayb ku lahayn. Solipsistic Introjection waa process muddo qaata oo dhowr marxaladood mara, laakiin ugu danbaynta waxa uu keenaa in qofku xakamayn kari waayo caadifadihiisa oo uu hubsiimo la’aan hu’ga uga qaado bannaankana usoo dhigo dareeno u huursanaa.

Sababaha keena xurmo la’aanta internet-ku intan kuma koobna, laakiin waxaynu ka soo qaadanay cinwaanada ugu muhiimsan ee aqoonyahanka saykoolajiga barasha bulshadu ay badankoodu isla oggol yihiin. Online disinhibition oo keli ahi ma’aha waxa keena in qof doxore ku noqdo baraha bulshada ama xurmo la’aan u dhaqmo. Deganaanshaha iyo fayo-qabka maskaxda qofka, awood badnaanta dareenadiisa, iyo baahida uu u qabo in uu muuqdo ayaa ku riixa in uu doxore xayo la’ noqdo.  Waxa aynu ka hadlaynaana waa dad u badheedhay in ay u tallaabaan docaha madow ee internet ka ama ugu talo galay inay filanwaa iyo anfariir ku abuuraan macaamiisha caalam internetka. Waxa hubaal ah in baraha bulshadu leeyihiin wax tar, dad badanna ay uga faa’iideen in ay aqoon ahaan iyo garaad ahaanba koraan. Waxa kale oo marwalba jirta fursad ay dad badan ku kala faa’iidaan, isku abaabulaan, isku hawaale waraystaan, mararka qaarna isku gacan qabtaan. Da’yar iyo waayeelba waxa fiican in qofku mas’uuliyad wayn iska saaro dhaqankiisa baraha bulshada. Waa in aynu ogaano in af iyo adinba waxa aynu galabsano la inagu abaal marin doono, in ay ina sugayso maalin aan qofna qarsoomi karin. Waxa kale oo muhiim ah in dhaqankeena internet ku uu saamayn wayn ku leeyahay hab-dhaqankeena nololeed sidaa darteedna loo baahan yahay in aan xakamaha la goosan ee xayn daabka dadnimada lagu negaado.

Dr Abdikarim Dahir Hassan ─ waa dhakhtar caafimaad oo wax ka qora caafimaadka, siyaasadda iyo arrimaha bulshada. Waa bare wax ka dhiga Jaamacadda Hargaysa.

ckariim2411@gmail.com