Xuska maalinta hooyooyinka (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Inkastoo ay maalin kasta iyo amin kastaaba hooyaddu mudantahay maamuus iyo milge wayn oo ilaahay ku maamuusay , hadana waa maanta oo bishu tahay 10-may waa maalinta Aduunyaddu isla garatay in loo asteeyo maalinta hooyadda aduunka , sidaa darteed waxaan maqaalkan kooban ku xusayaa hooyaday Aamina Ahmed Guuleed sugule Faarax .

 

Marka horre hooyaday waa hooyo ka midda hooyooyinka Soomaaliiyeed , waxaanay la wadaagtaa hooyooyinka Soomaaliyeed haybta , haybta iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee hooyo nimo , marka labaad hooyo waa hooyo labaad oo u hooyo ah dadwayne badan oo ay soo barbaarisay waxna soo bartay oo ay macalin usoo noqotay maadaama ay ka mid ahayd macalimiintii loo soo tababaray in ay dadka waxbaraan .

 

Hooyo waxay ka qalinjebisay Jaamacaddii umadda Soomalaaliyeed ee lafoole sanadkii 1977 ย waxaanay ku baraty cilmiga Biolagy , waxaanay macalimad kasoo nooqotay ย Dugsiyadii sarre ee Hargaysa ee kala ahaa , First July oo ah halka imika jaamacadda Hargaysa tahay iyo Maxamuud Axmed Cali .

 

Dugsigga sarre ee Maxamuud Axmed cali , hooyo waxay macalimad ka ahayd sanadihii 1983-84 , waxaanay wax u dhigtay Dufcadii ugu horaysay ee ka baxday dugsigaa sanadkii ย 1984 , dufcadaas oo taariikhda Gobolka wax wayn kusoo kordhisay , una badatay dhakhaatiir aynu odhan karro dadaalkii hooyo wax badan bay ka gunteen , dhakhaatiirtaa hadaan dhawr idinka barro, aan ugu horaysiiyo , Dr Xaglo-toosiye , Dr Mustafe cali deeq , Dr Caga-wayne , Dr C/salaan muuse lagga gayoon maayo , ragga kale ee dufcadaa ku jirayna aan ka xuso , Saaxibkay Eng kayse shugri ย  ย  jama oo ย imika ah , Gudomiyaha daryeel .

 

Dhinaca kale , sawirkan hoose aan isna inyar ka xusee , hooyo waligeed in ay waxbarto may daynaynin , sawirkanina waa mar ay ka qalinjabisay jaamacadda Hargaysa 2012 .

 

Ninka hooyo shahadaadada gudoon siinayaa waa Axmed Maxamed siilaanyo oo aan u baahnayn in la iskiin barro , waxaase xusid gaara mudan , Axmed siilaanyo waxay isku fasal ahaayeen dugsigii sarre Abtigay ama hooyaday walaalkeed dugsigii sarre ee Camuud , Xasan Axmed guuleed , oo loo yaqaano Xasan Nairobi , hadeerna ku nool wadanka kenya .

 

Dhinaca kale , waxaa Oday Axmed daba taagan Marwo samsam oo ahayd wasiirkii waxbarashadda Somaliland xiligaas 2012 , Samsam iyo hooyo na waxay isku lod ahaayeen Jaamacadii lafoole , waxanaay mar wada galeen xalane , jaamacadana isku ย dufcad bay ahaayeen , isku subject na way ku qalin jabiyeen , sidaa darteed oday siilaanyo iyo samsam ba waxaanu nahay family friends marka waxyaabaha kale lagga tago .

 

Hooyooyinkeen oo dhan alle xafido