Madaxweynaha JSL Oo Shacabka War Ka Siiyey Xaaladda Xanuunka COVID-19, Digniin Culusna U Diray Cidkasta Oo Isku Dayda Inay Jebiso Awaamiirta Xukuumaddu Kula Dagaallamayso Cudurka

Hargaysa(Bandhige) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka la wadaagay xaaladihii ugu dambeeyey ee xanuunka Covid-19, natiijooyinka kasoo baxay baadhitaannadii la sameeyey ee caddaynaya sida uu cudurku u faafayo, isaga oo bulshadana u diray waanooyin wax ku ool ah oo ay xanuunka kaga hor tagi karaan.

Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay goor dhaweyd, ayaa ugu horrayn shaaca ka qaaday in natiijooyinkii ugu dambeeyey ee uu saaray mishiinka casriga ah ee lagu baadhayo xanuunka COVID-19 muujinayaan inuu cudurku si xawli ah bulshada ugu dhex faafayo, islamarkaana bulshada looga baahan yahay inay halistaas soo korodhay ku baraarugsanaato, kuna dhaqmaan tallaabooyinka xanuunka lagaga hortegi karo.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka ugu baaqay in qof waliba si iskii ah uu isaga baadho xanuunka, si la dagaallankiisu u fududaado, faafitaankiisuna u yaraado, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ta aynu doonayno inaynu fahamnaa waa xanuunka aynu iska baadhno inaga oo caafimaad qabna aynu baadhis samayno, marka goor hore la ogaado inaanad waxba qabinba waad ka adag tahay oo muddo uun baad nasanaysaa, boqolkiiba laba saddex qof mooyaane waxa laga yaabaa inay ka wada kacdo inta kale, laakiin haddii adiga oo aan is ogayn aad dadkii gaadhsiiso dhibaatadaasuu keenayaa.”

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in  kala-fogaanshaha iyo  joogtaynta gacmo-maydhashadu fure u yihiin tallaabooyinka lagaga hortegi karo xanuunka, “Maadaama oo aynaan haysannin mishiinno badan oo wax baadha oo magaalooyinka oo dhan aanay inoo oollin waxa waajib ah, si taas loo helo saddexda qodob ee adduunka oo dhan la isku waafaqsan yahay ee laga midaysan yahay waa kala fogaada, Afka xidha, faro-xasha, waa sida qudha ee lagu yarayn karo fididdiisa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ayuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay inay is caawiyaan xaaladdan cusub ee la galay, islamarkaana qof waliba waxa uu hayo uu dadkiisa iyo dalkiisaba u huro, waxana uu yidhi, “Sida ka ciidanka ah ee xadka joogaa naftiisa ugu hurayo inaan xadka lasoo gelin iyo sida askariga habeenkii oo dhan wareegaya ee tuugga ay dagaallamayaan naftiisa ugu hurayo inaad nabad ku seexato, qof wal oo muwaadin ah waxa laga rabaa in wixii uu hayo uu wax ka bixiyo, waxa la hayana aqoontaa ugu badane qofkii aqoon hayaa aqoontiisa haku deeqo, xooggaagaa ku xigee wax ku tar waa loo baahan yahayee, adduunkaaga wax ka tar.”

Dhinaca kale, madaxweynuhu waxa uu digniin adag u diray qaar kamid ah dugsiyada gaarka loo leeyahay oo Arday tiro badan iskuullada ugu yeedhay, isaga oo tilmaamay inay arrintaasi tahay Aafo lagu sadhaynayo bad-qabka iyo caafimaadka bulshada,“Qodob kale oo shalay dhacay oo qalad ah baa jira, tallaabo sharci ahna laga qaadayo, dugsiyadii gaarka loo lahaa qaar kamid ahi iyada oo aan wasaaraddii u oggolaan oo immika imtixaan la geli maayo  oo dadka la isugu yeedhi maayo taagan tahay, ayey carruurtii isugu yeedheen  oo yidhaahdeen imtixaan baad gelaysaan oo  60 (lixdan) carruur ah  meel wada fadhiisiyeen, carruurta  ma wax bay barayeen oo aqoon bay u dirayeen mise way laynayeen, dadka miyey aafaynayeen, caqliyaddaasi maxay tahay,”ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu tilmaamay in cid kasta oo talo dhakhtar kasoo baxday la’aanteed Arday ama cid kale meel isugu keentaa la mid tahay kuwa soo waaridaya qaadka sharci-darrada ah ee la mamnuucay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ardayda meel la isuguma keenayo dhakhtarrada oo fasaxa mooyaane, dadka meel laguma ururinayo dhakhtarrada oo fasaxa mooyaane, qofkii sidaas sameeyaana waxa uu lamid yahay ka qaadka la joojiyey keena oo kale ee sharciga jabiyey, qofkii sharciga jabiyana tallaabaa laga qaadayaa.”

Halkan ka daawo khudbada madaxwaynaha oo dhamaystiran: