Xuska xornimada Jabuuti iyo casharada taariikhiga ah ee laga baran karo (WQ: Rashiid Odowaa)

 

Hambalyo ayaanu leenahay

Waxaynu ku eegi donna qormadeenanHALGAN qadhaadh ka dib sida ay umadda jabuuti uga hagoogteen dhibta taallay badweynta Somalia iyagoo aan wax ceeb ah u gaysan umadda Somalida iyo sida uu ula tacaalay gumaystihii faransiisku inay xornimo qaattaan oo ay ku biiraan Somalia iyo sida ay u guul darraysteen dadkii reer jabuuti ee midnimo somaliyeed raadinayay iyo ugu danbayn sida ay uga faaiideen dalkooda goonida u noqday ugana badbaadeen hagardaamooyinkii Somalia ka dhacay qarnigii tagay.

 Abwaan REER SOMALILAND ah wuxu yidhi.isaga oo leh baga ayaanay jabuuti Somalia ku soo darsan annaguba waanu ku hungownee waxa ka mdi aha maansadiisii oo Deelleyda ku jirtay. 

Dadka reer jabuutee dowlanimada tooda ah

Cidna aan iskaga darin anigu waan ku diirsaday

Waa daris walaalnimo ha daar daarin waa gobe.

 

Xilliga ay soo baxayaan maansooyinkani waxay ahayd wakhti laga quustay in waddanka jabuuti uu la midoobayo waddankii la odhan jiray Somalia oo dad badani ku hamiyayeen in la sameeyo(Greater Somalia) waxana lagu heesi jiray.

(Saca faarso nacay sandulluu ku iman

Soddon maalintuu qado.)

Waxa kaloo ka mid ahayn heesihii caadiafadda

(jabuutaay ka soo hoyo hororkiyo waraabaha)

Hase ahaatee fikirkaas been ayuu noqday markii jabuuti Xornimo qaadatay ee ay ka joogsatay inay la midowdo Somalia 1977kii iyagoo reer jabuuti isla wakhtigaasba dareemay Guuxa iyo saluugga ka soo baxay midnimadii ay reer Somaliland la midoobeen Somalia oo noqotay hal bacaad lagu lisay.

Haddii aan taariikhda dib u yara raacno wakhtiga xornimadoonka jabuuti oo la soo bilowday xilligii ay dowladda France Xeebta (Canbaada ) kula saxeexatay Odayaasha Ciisaha xeebta Obokhna ay heshiis la gashay Cafarta 1862kii wakhtigaas ayaa Nin la odhan jiray (Faarax xaad) iyo koox dhalinyaro ah oo uu hogaaminayay ka horyimadeen inuu Faransiisku cagaha Soo dhigo waddanka jabuuti laga soo bilaabo wakhtigaas halganka Xornimadoonku wuu socday uun kolba heer uu joogaba,

Waxa la soo gaadhay xilli  food laga qaado dadka jabuuti (Referendum)  1958kii wakhtigan waxa shidnaa ololaha Somali weynta oo uu hor kacayay nin la odhan jiray Maxamud xarbi iyo C/raxman cadhoole iyo rag kaloo badan  hase ahaattee fote kaasi wuxuu ku dhamaaday inay dadka reer jabuuti rabaan inuu fransiisku sii haysto dalka muddo waxana ka badiyay dadkii reer jabuuti ee Somali doonka ahaa dad calooshood u shaqaystayaal ah oo fransiisku keenay wadanka jabuuti oo codeeyay (NO)halkaas ayayna ku baaqatay inay jabuuti xornimo hesho oo ay ku biirto Somalia oo wakhtigan u bislayd inay gobanimo hesho.

Waxa kaloo xusid mudan in dadkii Somali waynta u ordayay ninkii Madaxda u ahaa Maxamud xarbi lagu dilay Shil diyaaradeed Sidoo kale C/raxman cadhoolena lagu wadhay Silig maydkiisii.xisbiga ay ku midoobeen waxa la odhan jiray P.M.P aakhirkiina albabda ayaa loo laabay xisbigaas iyadoo laga tirtirayo magic Somali

Ragga kale ee la mabda ahaa ama xisbigaas ahaa waxa ka mid ahaa;

1-Cabsiiye buux cabdalla

2-muuse  axmed idiris

3-axmed farax

4-jaamac cabdi bakaal

5-ibrahim axmed burale(shine)

6-idiris farax habbane

7-Cisman caagane casowe

8-Rooble obsiiye

9-maxamed cali shirdoon

10-axmed cilmi

Mar labaad ayaa 1967 laga qaaday afti loogu magic daray (Andibaandaa) oo macaneheedu yahay(Independence) Xornimo doon wakhtiyadan oo madaxweynihii France Charles Degoul uu ku yimi booqasho wadanka jabuuti in yar ka Hor Aftidaa si cad ayaa dowladda France ugu shubatay waxana 10 sanadood lagu wareejiyay Magaalada Jabuuti Silig Electric ah halkaas oo dadka la masaafuriayay qaar badan dad badana la laayay o Sida C/raxmaan Cadhoole oo Xabsi lagu dhex dilay waxa  kale oo dadka soo gaadhay dhibaatooyin aad u xanuun badan iyadoo la kala xidhay magaalooyinkiim oom go’doomin faro badani dhacday miyi iyo magaaloba mudaharadyada ay dadku kaga hor imanayaan gumaystaha ayaa tiro belay sidoo kale dadka la dilay,la xidhay,ama xabsiyada lagu jidhdilay way tiro beeleen.

Waxa aad u taagerayay halganka iyo mudahaaradka lagaga soo horjeedo Faransiiska Somalia af iyo addinba waxana heesaha guubada ahi ka baxayeen radio Hargeisab iyo Muqdishoba.waxa muqdisho looga furay xarunta jabhadda xoraynta jabuuti(FLCS)

Waxa ka mid ahaa heesaha aadka loo jeclaa (jabuutiyey iska jir)

Si kastaba xaalku ha ahaadee 1977 ayaa Dowladda France ku wareejisay Xornimada12;01 habeenimo 27 juun 1977 waxana lagu wareejiyay maamulka dalka Xassan Guled Abtidoon iyo rag Xisbigiisii LMB ka mid ahaa oo tiradoodu dhamayd 65 xubnood xisbigan wuxuu u muuqday mid ay dowladda farasiisku u diyaarisay kuna shaqaynaya ama la sii shaqaynaya faransiiska raggan iyo waxgaradkan oo talooyin iyo waayo aragnimo badan oo ay ka korodhsadeen halgankii iyo waxyaabaha hareerahooda ka dhacaya goaansaday inanay cidna ku biirin ee ay aayar waddankooda bisinka u qabtaan iyagoo taageero kal helaya fransiiska.

Waxa sanad kasta hoos u dhacaysay rabitaankii Somali weyn iyadoo dhinaca kalena Talooyinka ay ka helayeen Mustacmarka fransiika iyo dadka taageeraa aanay ogolayn in jabuuti ay ku biirto Somalia  dhinaca kalena dhawaaqyada iyo saluuga ka soo baxaya dhinaca Somalia ay badnaayeen taas oo dadka reer jabuutina u noqotay Digniin.

Haddaba waxa is weydiin mudan jabuuti Gooni isu taageedii ma ka faaiidday mise way ku qasaartay?

Waxa marag madoon ah inay ku faaiidday oo ay Noqotay waddan Istaraatiiji ah wixiisana gaar u maamushay caalamkana wax la Qaybsaday,waxa imika lagu tiriyaa Siyaasad ahan waddamada Geeska Africa Taladiisa wax laga waydiiyo.dhaqaal e ahaanna waa waddan horumaray marka loo eego waddamada geeska Africa ku yaalla.Xagga nabadda iyo xasiloonida iyada waa (Stable)way degantahay si kastaba Siyaasadeedu ha ahaatee

Xagga Xidhiidhka caalamka ayaa ay iyada kaga jirtaa kaalin mug leh waxana Saldhigyo military kuleh waddamo badan oo qowad leh oo aan siyaasad ahaan isku wanaagsanayn hase ahaattee waddanka jabuuti dhaqaale badani ka soo galo.

Waddanka jabuutti waxa uu tusaale nool u yahay waddanka Somaliland oo dirqi kaga soo baxay bohoshii madoobayd ee Somalia in anay dib danbe ula midoobin Somalia.

Waxa laga baran karaa midnimo aan cilmi ku dhisnayn oo caadifad iyo jacayl hawo ah ku timaadda inay lumin karto xornimo dhibaato badan loo soo maray.

Hadda waxa hogaanka u haya waddanka Djibouti madaxweynihii labaad ISMAEL OMAR GUELLE

ALAA MAHAD LEH

Rashiid Odowaa

Khadarsalaan@gmail.com

063-4101213.